hilibkaDadka hilibka aadka u cuna ayaa la ogaaday in ay caafimaad darro halis u yihiin, kadib marki daraasad uu sameeyey mac-had cilmi-baadhisaha caafimaad sameeya oo la yidhaa INSERM, kaas oo ku yaal

 

magaalada Paris ee dalka Faransiis shaacisay in cunista badan ee hilibku kor u qaado jaaniska uu qofku ku qaadi karo macaanka.

Daraasaddan oo laga qaaday 66,485 haween ah oo la xaqiijiyey inay hilibka aadka u cunaan ayaa natiijadii soo baxday noqotay in ay si fudud badankoodu u qaadeen cudurka macaanka.

Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in haweenka cuna cuntooyinka u baahan in aysiidh badan uu jidhku ku dheef shiido ay 56% uga dhaw yihiin qaadista macaanka, marka loo eego kuwa aan quudan hilibka iyo waxa la midka ah.

Macaanka nooca labaad waa cudurka ugu caansan ee 2.9 milyan oo dalka Ingiriiska ah ku habsaday, waxaana cudurkan inta badan ugu wacan cuntooyinka hilibka, buurnida iyo sonkorta.

Dadka daraasadda ka qaybqaatay waxa laga ururiyey macluumaad ku saabsan cuntooyinkooda, waxana la ogaaday in 1,372 ay si fudud u qaadeen macaan dhammaadkii cilmi-baadhista, kuwaasoo badankoodu aad u cuna hilibka.

“Si ka soo horjeedda guud ahaan wixii la rumaysnaa, khudaarta badankoodu waxay yareeyaan aysiidha jidhka, balse hilibku wuxuu keena in qofku s fudud u qaado macaan,” ayey yidhaahdeen khubarada ka socday mac-hadka INSERM.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *