Fadal iyo Fadumo sicidLabada hay’adood ee kor ku xusan ee SORADi iyo ODHA ayaad in badan ku aragteen saaxadda saxaafadda Somaliland iyaga oo ah ama ku hadlaya magaca hay’ado samofal  iyo horumarin ku hadlaya

 

ama munaasabado ku qabanaya. Labada hay’adood waxa ay ugu diiwaan gashan yihiin qaranka Somaliland hay’ado ka madax bannaan macaash, siyaasad, qabiil iyo wax kasta oo kala geynaya ummadda loo-adeegaha ah. Waxa kale oo labaduba kaga soo qaataan deeq-bixiyeyaasha iyo samo-falayaasha shisheeyaha ah hanti buuran oo loo food saaro mashaariic wax yari ka fulaan oo u badan danyarta iyo da’yarta oo ama kubbado loo tuuro ama kuraas loo safo iyo dodo aan xikmado badan ka soo bixin. Labaduba si cad oo aan xishood iyo xarrago toonna lahayn ayay u jebiyeen shuruucda ama xeerarka ka yaalla hay’adaha ku diiwaan gashan samofal ama horumatin bulsho ee golayaashu ansixiyeen.

Haddaba labada hay’adood intaa oo keli ah kama sinna, ee waxa ay wadaagaan sifooyin iyo tilmaamo kale oo haatan mideeyey. Maxaa ka mid ah:

SORADI iyo ODHA guddoomiyeyaashoodu waa saraakiil ku kala abtirsada laba xisbi qaran, iyada oo Dr. Fadal, Guddoomiyaha/Mulkiilaha SORADI,  uu u xuubsiibtey Xoghayaha arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xisbiga Waddani, halka Faadumo Siciid, Guddoomiyaha/mulkiilaha ODHA, ay ka tahay Xoghayaha Maaliyadda ee UCID’ka Jamaal Cali Xuseen.

(2)    Guddoomiyeyaasha SORADI iyo ODHA waxa ay si indho adayg ah isugu muujiyeen hoggaanka baaqyada qaran-dumiska ah ee bulshadu ka biyo diidey ee ay cagaha ugu soo riixeen shakhsiyaad hore in badan ugu fashilmay siyaasadda dalka hase yeeshee bulshadu wax badan indhaha ka qarsatay oo ixtiraam aan lala garan siisay.

(3)    Waxa labada guddoomiye la aaminsan yihiin inay yihiin labada shakhsi ee ka dhex hadla, ama ugu saamaynta badan labada hoggaamiye ee ay ku kala abtirsadaan: Cirro iyo Jamaal.

(4)    Waxa labaduba xidhiidh dhow oo xiditinnimo iyo saaxiibtinimo la leeyihiin Raiisal Wasaare-xigeenka Soomaaliya, Foosiya Yuusuf X. Aadan, oo geed gaaban iyo geed dheerba u fuushan sidii qarannimada Somaliland iyo goonni-isu-taaggeedu u noqon lahaa hal bacaad lagu lisay, dadka iyo deegaannada Somaliland’na isaga hor imaan lahaayeen.

(5)    Waxa labaduba ka siman yihiin kala-garasha la’aanta doorarka siyaasadeed ee Xisbiyada qaran loogu talo galay, oo aanay marnaba ka mid ahayn in laba xisbi mucaarid oo iyagaba ay ahayd in loollan siyaasadeed u dhexeeyo, ayna lahaadaan barnaamijyo midba midka kale kaga badinayo, ay iyagu u heshiiyaan duminta qawaaniinta qaranka ay hoggaamintiisa u loollami lahaayeen
(6)    Waxa labadau ka siman yihiin majara-habaabinta mulkiilayaasha xisbiyada ay ku abtirsadaan, oo mid waliba ku raacay kiisa haybsooc, oo ku marag-furaysa jihada ay u hayaansan yihiin iyo heerka fahankooda hoggamineed oo aan horena loogaga baran…

Haddaba, labada shakhsiyadood ee ku kala suntan labadan urur mid baan leeyahay, Hay’adaha deeqda bixiyana mid baan leeyahay, xukuumaddana mid baan leeyahay.

Fadal iyo Faadumo waxa aan leeyahay nolosha geeri baa ka dambaysa ee aakhiro wax u dhigta, oo ama hay’ad ama siyaasad mid uun ku ekaada, oo ogaada in aanay shacabka Somaliland ka shaqayn doonin “buda’i inta aanad buda’ odhan ayay buda’ ku tidhaahdaa”.

Hay’adaha deeqaha bixiya waxa aan leeyahay samafalka aad u soo dhiibteen labadan hay’adood waxa cad inay ku milmeen siyaasa lagu mijaxaabinayo xasilloonida iyo kala-dambaynta Somaliland. Sidaa miyaa kula og tihiin? Ma se xisaabisaan hay’adahan lacagayawga ay idinka soo qaadaan, ee ka qayb qaat u quus-goynta dhallinyarada, tahriibkana sababa?

Xukuumadda mid baan leeyahay oo waxa aan leeyahay xilkaaga ha uga baqan waa lagu cambaaraynayaa, oo haatan noqotay xaalad dhiirrigelinaysa in qofka garta darani, qaylada uga horreeyo dulmanaha. Waa in Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo haysa tafaasiisha ay ku diiwaangashan yihiin hay’adahani tallaabo cad ka qaado, kalana noqota ruqsadaha, iyada oo dadweynaha la majara-habaabinayo u soo bandhigaysa qodobbada xeerka NGOs’ka ee ay si badheedh ah u jebiyeen.

Runney
Freelance Journalist & Political analyst
Djibouti

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *