-
Published On: Thu, Jan 20th, 2011

Xarumaha Baadhista Iyo Ka Hortaga Cuduradda Ee Reer Galbeedka Oo Dayriyay Xanuuno Ku Faafaya Caruurta Soomaalida Ee Yurub Iyo Maraykan

Smiley face
Share This
Tags

Minneapolis(ANN) Xarunta Dhexe ee Ka-hortagga iyo Xakameynta Cuduradda ee dalka Maraykanka oo kaashanaysa Maxadka Caafimaadka Qaranka, islamarkaana la shaqaynaysa hay’adda Autism Speaks ayaa goosatay baadhitaan ay ku samaynayso inay inta badan caruurta Soomaaliyeed

qabaan cudurka saameeya korniinka maskaxda ee loo yaqaan autism.In Muddo ah waxa sare u sii kacaysay tirada caruurta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul ee laga helayo cudurka autism, taasoo keentay in uu sare u kaco codsiga baadhitaanka cudurkan ee ku jahaysan caruurta Soomaaliyeed.

Gobolka Minnesota ayaa waxa ku nool jaaliyadda Soomaalida ugu badan guud ahaan jaaliyaadka ku abtirsada qowmiyadda Soomaaliyeed ee debadaha ku dhaqan, waxaana su’aalo badan la iska weydiinayaa sababta keentay in caruurta Soomaalida ay noqoto kuwo ugu badan ee laga helo cudurkan.
Hay’adaha qaar ayaa soo jeediyey in baadhitaan lagu sameeyo qaab dhaqanka bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay u nooshahay, si loo helo wax yaalaha sababta u ah tirada sii kordhaysa ee caruurta Soomaaliyeed ee laga helaayo cudurka autism.

Ma cadda in arrintani ay lug ku leedahay firka ama faraca qoysaska caruurtooda laga helay cudurkan, waxaa kale oo aan caddayn in arrintani ay ku lug leedahay qaab dhaqanka guryaha reeraha caruurtooda laga helay cudurka, taasoo noqon karta meelaha aadka loo eegayo wakhtigan.
Dugsiyada waxbarasha bulshada ee magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul ayaa qaba dareen xooggan iyo walwal ku saabsan tirada sida xooggan u sii koraysa ee cudurka autism-ku haleelay kuwaas oo ah caruur Soomaaliyeed.

Magaalada Minneapolis ayaa ardayda loo diro barnaamijyada waxbarashada khaaska ah ee loogu talagalay caruurta ay maskaxdooda caadiga ahayn, waxay hadda boqolkii-ba 25 ay yihiin caruur Soomaaliyeed. Guud ahaan caruurta Soomaalida ee iskuullada ka dhigta magaalada Minneapolis ayaa boqolkiiba 6 ah tirada guud ee ardayda magaaladan.Dhawaan ayaa dib loo eegay in arrintani ay ku lug leedahay Soomaalida oo aan inta badan qaadan 10-ka irbadood ee loogu talagalay inuu qaato shaqsiga ku cusub dalka Maraykanka, waxaana baadhis la sameeyey lagu caddeyey inuu cudurkan shaqo ku laheyn qaadashada irbadahan.

Caruurta Soomaalida ee Sweden degen oo iyana in badan oo ka mid ah laga helay cudurkan Autism

Dhakhaatiirta dalka Sweden ayaa dhankooda walwal ka qaba tiro xooggan oo caruur Soomaaliyeed ah oo ay ka heleen cudurka autism, waxaana loo badinayaa in tiradani ay sii kordhi doonto wakhtiyada soo socda.Dhakhaatiirta dalka Sweden ayaa daraasad ay sameeyeen badhtamihii sanadkii 2008 (halkan ka akhriso ) waxey ku sheegeen in sababta keeneysa in uu cudurkan ku bato caruurta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden tahay iyadoo xaddiga qoraxda ku dhacda jidhka caruurtan ay aad u hoosayso, taasoo ka dhimaysa caruurtan vitamin D-ga. Hoos u dhaca vitamin D ayey daraasaddu sheegtay inay saameyn ku yeelan karto xaddiga isku-buuqa maskaxda illaa iyo heerka cudurka autism.Dhakhaatiir badan ayaa aaminsan in jidhka Soomaalidu uu u baahan yahay qorax badan, maadaama dhul ahaan meesha ay Soomaalidu ka soo jeedo tahay meel aad u qorax badan. Arrintan ayaan haysan baadhitaan cilmiyaysan oo dhameystiran, laakiin dhakhaatiir badan oo reer Europe ah ayaa in badan ka dhawaajiyey in Somaalida deggen Europe Jidhkoodu u baahanyey Vitamin D maalin walba sanadka oo dhan.

Cudurka autism.

Cudurka autism ayaa ah mid ku dhaca qaybta korniinka iyo kobaca maskaxda, wuxuuna carqaladeeyaa nidaamka howl-maalmeedka maskaxda, taasoo saamaysa dareenka, garashada iyo xasuusta ilmaha qaba. Waxaa adkaata xidhiidhka ilmaha cudurka qaba uu la samaynayo bulshada inteeda kale.
ilmaha in uu qabo cudurka autism iyo in kale waxaa la ogaan karaa marka ay da’diisu gaadho saddex sano, waxaana kamid ah calaamadaha lagu garan karo qaabka uu ilmuhu ula dhaqmo dadka, sida uu yahay xidhiidhka ilmaha iyo bulshada ka agdhaw iyo qaabka uu u maareeyo xidhiidhkan.

By: Osman Abdillahi Sool……Freelance Journalist.sooldhuub@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>