Hargeysa(ANN)Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Somaliland marwo Aamina Maxamed Diiriye, ayaa shalay kulan kula yeelatay xafiiskeeda madaxtooyada hay’addaha ka shaqeeya arrimaha samafalka ee dalka ku sugan. Kullankaa oo ahaa mid Agaasimaha Samafalka Madaxtooyadu

 

ay ugu kuurgalaayo, isla markaana uu kaga dhegaysanayo warbixinno ku saabsan waxqabadka samafal ee ay hay’adduhu dalka ka hirgeliyaan.

Furitaankii shirkaasi, ayaa ugu horreyn Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in ujeeddada kullankani uu yahay sidii ay isu baran lahaayeen hay’adaha samafalka ka shaqeeya ee dalka ku sugan oo ay uga wada shaqayn lahaayeen.
“Kullankeenani waa mid isbarasho oo aynu isla ogaanayno waxaad qabataan, si aannu idiinla shaqayno waxaanan idiin sheegayaa inaydaan sas ka qaadin xafiiskan samafalka ee madaxtooyada oo aydaan is odhan waa xafiis idin daba gelaaya, balse waa xafiis idin kaalinaaya oo idinla shaqaynaaya, isla markaana idiin fududaynaaya wixii aad xukuumadda uga baahataan. Markaa waa inaad wixii shaki ee idinku jira aad iska saartaan.

Iminkana waxa loo bahan yahay hawlaha samafal ee degdega ah in aynu meelaha ugu jilicsan hay’ad waliba wixii ay ku biiranayso aynu dardargelino, inkastoo ay waqtigan dalka ay abbaaro iyo biyo la’aani soo food-saartay” ayey tidhi Marwo Aamina Maxamed Diiriye.
Dhanka kale, waxa iyaguna warbixino ay kaga warramayaan habsami u socodka hawlahooda ka soo jeediyey masuuliyiintii ka kala socday hay’adaha gargaarka ee kullankaas ka qaybgalay oo ballan-qaaday in ay si weyn iskaga kaashan doonaan arrimaha samafalka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *