i London(ANN)Guddoomiyihii Haweenka Qaaradda Yurub ee xisbiga mucaaridka UCID Marwo Caasha Xuseen Maraykan, ayaa maanta iska casishay xilkii ay ka haysay xisbigaas. Sidaana

 

waxay Marwo Caasha Xuseen ku sheegtay qoraal ay ku socodsiisay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID. Eng. Faysal Cali-waraabe, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta.
Qoraalka is-casilaada Guddoomiyihii Haweenka Qaaradda Yurub ee Xisbiga UCID, isagoo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Anigoo ah Guddoomiyihii garabka Haweenka Qaarada Yurub ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland (UCID) , Marwo Caasha Xuseen Maraykan, waxaan halkan ku cadaynayaa inaan gebi ahaanba iska casilay xilkii aan u hayay xisbiga, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay January, 20, 2011. Sababo danao gaar ahaaneed iyo duruufo aniga ii gaar ah.
Sidaa awgeed waxaan  halkan ku cadaynayaa inaan iska casilay xilkii aan Xisbiga u hayay, waxaana u mahad celinayaa saaxiibadii, xubnihii iyo taageerayaashii rag iyo haweenba lahaa ee aanu soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayay iyo intii aan xisbiga ka midka ahaaba meel walba oo ay joogaan, kuwaas oo aanan ilaabi Karin.

Sidoo kale waxaan u mahad celinayaa warbaahinta, ama bahda saxaafada Somaliland oo mar walba I garab taagnaa mudadii aan xilka hayay, iyagoo gudbin jiray dhawaaqyada iyo dhaqdhaqaaqayaga shaqo ee hawlaha xisbiga.”
Araweelonews mobile UK
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *