Waxa ay ahayd xaflas dadweyne aad u badani u yimaadeen inay wax ka faaídeystaan xukuumada iyo siyaasaddeeda debed, dhaqaale iyo bulshaba. Waxa liitay maamulka xafladda oon ka faaídeysan fursadda bulshadu siisay ee kumanaanku u soo xero hoyden. Waxa muuqata in xukuumadda

Siilaanyo ayna haynin dhabbo ay ku kasbato dadweynaha, waayo waxa aan maqaamkooda joogin raggii iyo dumarkii ummadda qancin jiray ee guusha u keenay.
Maamuusku dawladnimo waxa ka mid ah in la yeesho protocol ku socda masúuliyadda ee ayna ahayn mid meel kale laga dayo. Waxa loo qorsheeyaa gole qaran oo tunweyntu isku aragto.  Madaxweyne Siilaanyo waa laga shaasheeyey sharaftii ay madashu lahayd, kolka laga waayey madaxdii siyaasadda ee mucaaridka ahayd, loona diiday masúuliintii siyaasadiisa daafici lahayd, aan si kooban u qodobeeyo aragtideyda.

1.      Waxa Madaxweynaha la dhinac dhigay laba kursi oo midna uu fadhiyo Wasiirka Debedda kan Kalena uu fadhiyo Safiirka isla Wasaaradda Debedda. Waxa goobta joogay oo toos uga soo horjeeday Wasiir-xigeenka Arrimaha Debedda iyo La-taliyaha Madaxweynha ee arrimha Dhaqaalaha. Waa maamuus xumo iyo qaab dawladnimada ka baxsan.
2.      Waxay ahayd in fursaddan oo arrimo badan oo dhaqaale ka dhex guuxaan dadweynha in looga faaídeysto aqoonyahan Axmed Carwo oo aqoontiisa ay u dheertay aftahannimo iyo taariikh cad ee halgankii Kulmiye, ahna nin aad loogu qadariyo dalkan UK.
3.      Sidoo kale maxaa madasha uu fadhiyo Wasiir xigeen isla wasaaradda ah ay u qaateen hadalka laba safiir oo kii hore oo kursiga ku dhagan mid kalena loogu yeedhay. Dawladdu se ma Wasaaradda debedda uunbaa.
4.      Waxa iyana hadlay rag aad aragto in la soo hubeeyey oo gobalada SSC iyo Awdal u badnaa. Raggaasi madashan waxa kaga qurux badnaa inaan arrimahan la soo qaadin haddii laga tegiwaayana loo daayo xukuumaddu inay inoo sheegto siday ula tacaalayso. Bal wiilka yare e SSC ka hadlaayey miisaankuu ku leeyahay gobalka, miyaa xataa la waayey qof kale oo hadday la noqotay oo isaga ka miisaan weyn. Miyeyna marag ka ahayn in maamulku aqoonin cid mudakar ah oo bulshoweynta magac ku leh. Sidoo kale ayey ahaayeen Labada nin ee Awdal u hadlay rag ay is-xigeen Madaxweyne xigeenka Mudane Saylici. Miyeyna marag u ahayn inay aqoonta raga wax maamulay tahay mid aad u liidata.
5.      Maxa loo diiday in Jaaliyadda fursad la siiyo. Ragga iyo dumarka ka yimid gobalada ee Guddiyada ahaa maxaa loo siin waayey fursad. Miyeyna ahayn iyaga kuwa loo martida yahay, halka hawsha uu la wareegay Agaasimaha Guud ee Idaacadda oo isagu marti ahaa.
6.      Maxaa loo diiday suáalo iyo maqaam sawir qaadid loo habeeyo masúuliinta iyo gudddiyada jaaliyadda.
7.      Waxaan daawaday xafladdii loo sameeyey furista TVga ee London, waxa ka muuqatay inay maqaan dhaantay tan bal xusuusta madadaaladii iyo ninka isku-xidhka waday oo ahaa nin ku habboonaa. Inta heesta duuban lagu soo dhoweynaayo Madaxweynaha, waxa Agaasimaha Guud lagu soo dhaweeyey koox hablo yaryar oo labaska calanka labisan oo qaadaaya Golaha dhexdiisa. Heestii oo duuban ayaa halkan laga saaray. Maxaa saamaxay in maamuuska Agaasimaha ka saraysiiyaan kan Madaxweynaha. Waxa jirtay gabayo iyo cid gobalada matalaysay oo fursad la siiyey, tan se waa laga dhaariyey.
8.      Halka securitiga waxa jiray is- dhexyaac badan iyo kamara isu dhig. Tvga Qaranku ma so wado tebin sawirada goobta ee waxa la soo xushay inta jeclayd inay is-daawadaan. Waxaad arkaysaa dad kamadau dul joogto oo cid safka hore fadhiday  oon marna la soo qaban.
9.      Waxaan madasha laga casuumin maamulka labada xisbi qaran ee UCID iyo UDUB. Waxa iyana aan fursad la siin madaxdii xisbiga Kulmiye ee UK.
10.   Madadaalo iyo murtiyi midna meesha lama keenin, inkasta oo lacag lagu bixiyey ooy joogeen haddana makarafoonka lama siinin oo maamul xumo ayaa waqtigii ka lumisay iyo is-dhaxyaac ay la socon weyday, shirkina ku dhammaaday iyadoo qorshaha wax badani hadhsanaa.

Gunaanadkii, waxa meesha ka muuqatay doqonniimo iyo xaasidnimo is barkaday , taas oo shiiqisay WAXTAR WEYN OO XUKUUMADDU KA HELI  LAHAYD  GOOBTA  BULSHOWEYNTU SOO BUUXISAY .  Waxa cadaatay in xukuumadda Siilaanyo ayna haysan cid wax-qabadkeeda u muujin karta bulshada. Waxa maamulak u haya rag is daawda oon arrinkaas waxba uga hooseyn. Bal TVga qaranka eeg oo la soco inta jeer ee Agaasimaha guud ee Warfaafinta xaflad iyo casho iyo quraac loo sameeyey. Bal maqaamkiisa Agaasime iyo Madaxda kale ee dalka eeg. Waxaad arkaysaa in ay noqotay mid shaqaalaha Tvgu ugu abaal gudayaan xilka uu u magacaabay, ooy iloobeen hawsha qaran ee loo dhiibay. Doqonniimada muuqata haddaan la sexing waxa wax ku la waa xukuumadda…mase la sixi karaa doqonniimo….waa su,aal inoo taal.
Waxaan jecelay in qarankeenu horumaro oo aynu waqti kasta ka faíideysano madaxdeena mucaarid iyo muxaafidba. Waxa inala habboon inaan waqtigu inagaga lumin niman is-daawanaaya, oon waligood iska dhergeen. Waxaan ka hadlay waxaan arkay iyo aragtideyda, waxaan ahayn wax-toosin iguma jirto, waxaan ahay nin la dhacsan waxqabadka xukuumadda laakiin arka inayna joogin ciddii waxqabadkaas dadka tusi lahayd. Waxaan rajaynayaa in Madaxweynahu dib u eego lumista uu luminaaya kalsooniyadda dadweynha oo xooli weyn ku socota sababaha dhalinaaya degdegna wax uga qabto.

Soomaliland ha noolaato..

Mohamed Haragwaafi
Haragwaafi4@yahoo.co.uk

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *