Waxaan aad ula fajacay in UN-tu u soo dirto Somalia qof haween ah oo dawladda Soomaaliya ka siisa gacan sida wax looga qabanayo kufsiga oo sida la sheegayo aad ugu soo fara badanaya Soomaaliya.

Markii aan dhan kasta ka eegay wax ka qabashada kufsiga waxaan garan la’ ahay sida ay UN-tu wax uga qaban karaan kufsiga. Waxaa wax laga qaban karaa wax meel loogu soo hagaago leh, laakiin dad miyi iyo magaalaba ku firirsan ayaan ka ilaalinayaa in ay haweenka kufsadaan.

Waxaan kale oo aad uga xumaaday annaga oo sheeganayna in aynu nahay dad Islaam ah in gaalo noogu timaado in wax Alle agtiisa xaaraan ka ah ay naga siiyaan gacan sida looga hor tegi lahaa. Sidaas oo ay tahay in Allaha Raxmaanka ah lala hoos gelo mooyee si kale iyo cid kale oo wax ka qaban kartaa ma jirto.

Gabadhu waxay la kulantay sida wararku sheegeen ninka xukuma Booliska Soomaaliya ma garan karo waxa ay isku af garteen oo looga hor tegi karo in la kufsado haween.

Waxaan kale oo aad uga xumaaday in aan haweenaydaas lagu odhanin waxa aad waddo annaga ayaaga aqoon badan sida lagu joojin karana naqaan ee na dhaaf. Waxaan uga jeedaa ninka oomani dhalanteedka ayuu biyo mooyee, waxaan u arkaa in ay gaaladaasi la wareegayaan in ay Soomaalida dhib ka dhex abuuraan.

Haddii xagga sharciga laga eego saaniga iyo saani muxsinkaba ciqaabka Islaamku mariyo cid marisaa ma jirto, dembiilaha waxaa loo ciqaabaa in uu dhaafo dembiga oo uu cadaabka ka cabsado.

Bal afada ka socota UN-ta ee kifsiga joojinaysaa xaggee ayay ka maraysaa.

Waxaan arrinkaas u arkaa in ay afadaasi dan kale u socotay si kalena loogu shaqaysto sun iyo waabayana ay abuurtay. Waxaan kale oo hubaa in loo nacam leeyey iyada oo laga filayo dhaqaale lagu dagaalamo kufsiga.

Iyada lafteedu way og tahay in aanay wax ka qaban karin hase yeeshee waa af gogobaadsi ee dano kale ayay u socotay miinooyin ayayna aasaysay.

Waxaan dawladda kula talinayaa in aanay wax kasta xambaaran ee ay waxna diidaan waxna ogolaadaan, waxaa ceeb ku ah dawladda in ay culumadii Islaamka oo joogta ay UN-ta oo gaalayn ka wadda adduunka ay waxyaabo Alle si gaar ah ugu hibeeyey Islaamka ay gaalada u daba fadhiistaan. Waxay ku soo bexeen dad maan gaab ah oo loo sheegayo sida ay dharka u xidhtaan.

Waxaan ka xumahay culumada Soomaalida oo wax kasta ogol haddii gaalo u yeedho oo farto wax diintu diiddan  tahay way yeelayaan waayo gobol kasta oo ka mid ah Soomaaliya culumo ka dhalatay ayaa jirta wax xun munkarka ah ee ummadda Islaamka ah colaadda iyo dhibaatada ka dhex abuuraya oo ay ubadkoodii iyo ardaydoodii wadaan oo aanay yac ka lahayn sow arrin xun  ma aha.

Maqaalkan gaaban ee ay cadhadu iga keentay waxaa ku soo gunaanadayaa aayaddan Quraanka kariimka ka mid ka ah oo Alle noogu sheegayo in uu shaydaanku khamriga iyo Maysarka u adeegsado in uu naga dhex abuuro colaad

إِنَّمَا يُرِيدُ الشَّيْطَانُ أَنْ يُوقِعَ بَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةَ وَالْبَغْضَاءَ فِي الْخَمْرِ وَالْمَيْسِرِ وَيَصُدَّكُمْ عَنْ ذِكْرِ اللَّهِ وَعَنِ الصَّلَاةِ فَهَلْ أَنْتُمْ مُنْتَهُونَ(المائدة 91).

Waxay culumadu maysarka ku macneeyeen khamaarka hase yeeshee waxaan lee yahay wax kasta oo aan miyir  doorsan ahayn oo dadka ka dhex dhaliya dagaal iyo colaad waa maysar. Sidaas darteed waxay culumada gobolada joogaa u jeedaan iyada oo gaalo ay dadkii Islaamka ahaa isku dirayso dagaalna ka dhex waddo oo aanay ka hadlayn kana hor imanayn munkarka la wado.

Gabadha ka socotay UN-ta xafiiska la dagaalanka kufsiga in ay timaado Soomaaliya ayaaba xaaraan ah.

Waxaan Soomaaliya iyo dadka Islaamka ah oo dhan uga digayaa in ay UN-tu waddo in ay iyada shuruuc  u dejiso dembiyada la galo oo dhan maxkamad ay lee dahayna la saaro sidaasina ay tahay sida ugu sahlan ee ay tahay in diinta Islaamka lagu jebiyo dagaalka.

Waxaan idin xasuusinayaa xuquuqda haweenka, xuquuqda aadanaha, sharciga UN-ta ee caalamiga ah iyo waxyaabaha la midka sow dhammaan kama muuqato in ay iyagu doonayaa in ay noqdaan Ilaaha adduunka.

OMER SULEIMAN ALI       06/04/13

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *