Dadweynuhu Waa Awoodda Ugu Sarraysa Ee Dawlada Dimoqoraadiga Ah:Xukuumadda Dimoqoradiga Ah Iyo Ra’yiga Dadweynaha By Adam Muse Jibril

Xukuumadda Dimoqoraadiga ahi waxay kursiga ugu fadhidaa waxa loo yaqaan sharciyadda (Legitimacy) taas oo laba qaybood ah, mid DISTOORI ah iyo mid

MOORAL ah. Tan Distooriga ahi waxay ku fadhida distoorka dalka u yaalla oo ah heshiis la kala qortay, Shacabka iyo maamulka dawladda ee markaas jooga. kaas oo ah waxa shacabku kula xisaabtamo xukuumaddiisa, waxii ay ku ballan qaaday fulinteeda, ka gaabis iyo ku xadgudubkaba Distoorka, hadday dhacdo. Taasi waa arrin la wada yaqaano. Middase dadka inta badani aanay aqoonin oo aad tan hore uga sii muhiimsani waa tan MOORALKA ah ama macnawiga ah. Maxay tahay, siday se u shaqaysaa?

Sharciyada dhinaceed MOORALKA ahi waa kalsoonida dhextaalla dadweynaha iyo madaxdiisa. kalsoonidaas waxaa lagu metalaa sidii dhul cagaaran oo doog leh, oo isha, dhegta iyo maskaxduba ku raaxaystaan, dhulkaas oo u dhexeeya dadka iyo madaxdiisa. Marka xaalku sidaas yahay, wax kasta oo go’aamo ah oo madaxdu gaadho ayaa dhegta dadweynaha markay ku dhacdo waxay samaysa falcelis wanaagsan oo sida geedo caleenle u ifaysa. Markaas wax kasta oo madaxda laga sheegaa xattaa hadday tahay wax ka duwan waxay filayeen dadweynuhu wuu la jaan qaadaa oo ma shraysto. Haddiise madaxdu gasho khaladaad badan oo isbiirsada, waxaa halkaas ka bilaabma shaki iyo dib u gurasho kalsoonidii lagu qabey madaxda. Mar haddi taasu dhacdo waa in la daweeyo si deg deg ahna madaxdu isu saxdo. Haddii taas la waayo maxaa dhaca.

Sida taariikhda lagu soo arkay, waxa samaysma bartii ugu horraysey ee dhul lama degaana oo aan biyo iyo bad midna lahayn oo isha, dhegta iyo maskaxduba ku basaasto. Dhulkaas lama degaanka ahi maalinba maalinta ka dambaysa ayuu sii balladhaa, oo dhulkii markii hore wada cagaarka ahaa sidu maalin walba ugu soo durkayo ayaa baaxaddiisu wada gaadhaa dhulkii cagaarka ahaa. Markaasu cunaa wax alla waxii kalsooni ahaa ee ka dhexeeyey dadka iyo madaxdiisa. Marka halkaas la gaadho, ayaa waxay culimadu tidhahdaa waxaa dhammaday sharciyaddii madaxdu ku fadhidey kursiga dhinaceedii MOORALKA ahaa, waxaa soo hadhaa waa dhinacii Distooriga ahaa oo keliya. Wixii intaas ka dambeeyaa waa xukuumadda oo adeegsata qoriga, askariga iyo xabsiga oo ayaguna ugu dambaysta howl-gab noqda.

Maxaa haddaba lagaga hortagaa si aanay taasi u dhicin. Waxaa hor iyo horraanba madaxda ku waajib ah in ay si cilmiyeeysan u deristo (waa tan dimoqoraadiga’e, illayn tan kalay umaba baahna dhadweynaha iyo dareenkiisa toona’e) dareenka shacabka, si maalinle ah, si todobaadle ah, iyo si bille ahba. Waana in la ogaadaa meesha irbbadda qiyaasta heer kulayku marayso iyo dhinaca ay u janjeedho. Taas la’aanteeda maxaa dhaca oo taariikhda lagu hayaa:
1) in dadweynuhu dhegaha ka furaysto wax kasta oo ka soo yeedha dhinaca xukuumadda xitaa hadday tahay wax danta dadka u fiican.
2) Dhaqdhaqaaqa warka (information) oo dhinac keliya ka socdo, waa marka war kasta oo xukuumadda ku lidi ahi uu suuqqa wax kala iibsiga wararka qiimo weyn ku yeesho, xattaa haddu been cadd oo muuqata yahay, dadku way u dheg raariciyaan, sida taariikhda lagu soo arkay.
3) waa marka dadweynuhu iska xidho warbaahinta dawladda, helkeediina dhegaha loo furo war-baahinta ka soo horjeedda iyo brobogaandhaha ku lidka ah xukuumadda.
4) waa marka xanta iyo buunbuunta god-daloolooynka Xukuumaddu noqdaan quraacda, qadada iyo cashada dadweynaha, oo had iyo goor ay dhegaha ku dhacdo hadalado dhiilo wada sida, ma maqasheen maantana waxaa dhacay, xattaa haddii aany waxba dhicin oo suuqqa wararka qiimo xad dhaafa ku yeesha. Markaasna, afka ama luuqada keliya oo lagu wada hadlaa, (waa xukuumada iyo dadweynaha’e) noqoto is-eedayn, is-huruuf iyo isweyrasi hadalo abuuri kara isqabad gacan ka hadal gaadha kara. Taasina waxay sii balladhisaa masaafada u dhaxaysa labada dhinac, dadweynaha iyo xukuumadda. Marka halkaas la gaadho waxaa dhacda in dadka iyo xukuumadooda ”fiintu kala dhex mirato”. Waxaa markaas dhaca oo taariikhda Aadamaha lagu soo arkay in go’aanqaadashada xukuumadu ku soo ururto dad aad u kuuban, waana arrin dunida looga yaqaan ‘Power Centres, sidii ka dhacday talisyadii Jamal cabdinasir, kii Jacfar Numayri, kii Siad Barre, kii Mingistu Hayle Mariam IWM). Markaas ka dib baa waxaa is-cunta qayb ka mid ah Sharciyaddii ay xukuumaddu kursiga ugu fadhiday dhnaceedii Distooriga ahayd. Markaas bay Xukuumaddu isku daydaa in ay war baahinta xorta ah cuna qabatayso, sharciyo gaara oo xakameeyana u samayso. Markaas weeye marka la gaadho waxaa loo yaqaan keli-talisnimo oo ayada nafteedu leh heerar kala duwan, laakiin nuxur ahaan burburisa dawlad-dhiska iyo qaranimadaba, waxana la gaadhaa waxa loo yaqaan fashalka dawladda (Failed State). Haddaba, marka la leeyahay xukuumaddu dadkeeda ha la tashato, waxaa loo jeedaa in laga hortago in aan xaalku hakaas gaadhin. Somalidu waxay tidhaahdaa ”talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola”.
Wada hadallada Somalia iyo Somaliland
Arrinka wadahadalada Somalia iyo Somaliland waa arrin qaran oo aad u weyn sidaas darteed waxaa ka furan su’aalo loo baahan yahay in laga jawaabo. Taas macnaheedu ma ahaa dedefayn iyo diidmo toona, ee waa arrin ka qoto dheer. Xaalku wuxuu daarranyahay in dhacdooyinka socoda la hoggaamiyo ee aanay ayagu ina hoggaamin. Waxaa la yidaahdaa, aqoonyahanka kaalintiisu waa hoggaaminta dhacdooynka, halka siyaasiga kaalintiisu tahay maamulidda dhacdooyinka. Waxaase muhiimka ahi waa hoggaaminta dhacdooiynka. Maxaa yeelay, haddii aan dhacdooynka la hogaamin, markaas ayaga ayaa ku hoggaaminya, taasina waxay ka dhigantahay in aad dhacdooyinka iska daba socotid.
Sidaa darteed, waxaa loo baahanyahay in laga jawaabo su’aalo badan oo ku aaddan wadahadallada Somalia iyo Somaliland. Su’aaluhu waxay noqon karaan dhawr qaybood oo kala duwan kuna aaddan wada hadallada, Sida kuwan, mitaal ahaan:
Qaybta koobaad, ”khayr waxba ku yeelo ee shar u tooghay”:
Maxaa keenay arrinka wada haddallada, labaatan sano ka dib, maxaase qolyaha keenay uga jeedaan, ma dhabaa in Marakanka iyo reer Yurub ay doonayaa inay geeska Africa isaga baxaan sababta oo ah dhaqaalahoodi oo xumaaday. Ma dhabaa in aqoonsiga ay maraykanku Muqdisho seeyeen looga jeedo in ay dadkooda u sheegaan, dawlad baa xamar jirta, si ay uga baxsadaan kharashka ay ku bixiyaan AMISOM. Ma dhabaa inay Muqdisho ka jirto dawlad loo dhan yahay oo waari kartaa, yaase Somalia lala hadli karaa, ma Muqdisho, mise Puntland oo ayadu dhab ahaantii ay ka jirto dawlad dadku soo dhistay, qaadatay habka dimoqoraaddiyada xisbiyada badan, Puntlaan oo xud iyo dano badani inaga dhexeeyaan. Sidee iyo koormaa ku habboon in wadahadalo Somaliland cid kale la gasho IWM.

Qaybta labaad ”Colka wadhaf ma lagu deye”:
Ma loo qaadan karaa in soo jeedinta Ingiriiska ee wadahadalada iyo ka insaxinta gole Caalami ah ay tahay tallaabadii ugu horraysey ee bulshada caalamku u qaadday in si nabada ay u kala baxaan Somaliland iyo Somalia. Markaasna ay tahay in aynu dhamman, Xkuumad iyo Shacaba wada taageerro. Ma loo qaadan karaa in aqbalaadda, ay markii ugu harraysay, madaxda Somalia qaar ka mid ahi aqbaleen wadahadlo, oo sidii labadii dawladood ee lixdankii israacay ay hadda u wadahadlaan fursad ahmiyad gaara leh. Maxaa markaas xaggeenna meel inooga yaalla,IWM.
Qaybta Saddexaad oo ah, awooddeenna, qiimaha warqadaha aynu haysano ee la hortegaynu cadowga iyo saaxiibkaba, si aanu qaddiyadeenna u daafici karro, waqtiga wadhadallada, waqtiga nabadda iyo waqtiga colaaddaba, Ma siyaasaddeena debdda, mise tan gudaha, mise labada wada jirkood yaa mudho dhal noqon kara, waa keese labada midka mudnaanta lihi (priorities) IWM.
Qaybta Afraad, ”Dagaal lama galo haddii adaan lahayn xulafo la isku hallayn karo”, wadahadalladu waa qayb ka mid ah diblomasiyada, waxaana la yidhaahdaa, ”Diblomasiyadu waa dagaalka oo qaab kale loo maamulay, waana qaybta ugu muhiimsan ee dagaalka”: Maxaynu saaxiibo dunida ku leenahay, hadday gobolkan geeska Africa tahay iyo hadday tahay Afrikada kale. Iyo hadday tahay dawladaha Barwaaqo Soornaka Ingriisa, oo anigu aan ogahay in aynu saxibo badan ku leenahay, kuwo kale oo saaxiibo noqon karana waa jiraan, haddii laga sheqeeyo. Iyo hadday tahay dadyawga kale ee nabadda iyo dimoqoraadiyada jecel, Urruada iyo Axsaabta reer Yurub Maraykan, iyo Africa nafteeda kuwa dimoqoraadiga ah, IWM.

Haddaba, miyaanu arrinku u muuqan in waqti la soo gaadhay ay tahay in Xukuumadeenu tixgeliso inay talada badsato, waxaan odhan lahaa waa in la hawlgeliyo aqoonyahanka somaliland iyo xatta aqoonyahano kale oo saaxiibo la ah qaddiyada nabadda iyo dimoqoraadiyada Somaliland.

Adam Musa Jibril
admjibril@hotmail.com
,

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *