-
Published On: Fri, Apr 5th, 2013

Somaliland: Dad iyo Duunyo Halaag aan weli loo maaro-helin- Warbixin , By Wariye Cabdifataax Ismaaciil MursaL

Smiley face
Share This
Tags

Nimco waliba nusqaan leh. Masiibooyinka debeeciga ah ee adduunyada aynu ku nool nahay guudkeeda ka dhacaa waa kuwo fara badan. Waxaana ka mid ah Dabaylaha, Duufaannada, Daadadka, Dhul-gariirka, Abaaraha, Foolkaanaha iyo kuwo la mid ah.

Soomaalidu way ku maah-maahdaa; “Masiibo intay kaa mqantahay, qayrkaa bay jirtaa”. Taasoo tusaale u ah rumaynta qaddarka AllAAH (SMW), hadday badhaadhe tahay iyo hadday dhibaato kula soo derista-ba, qofkasta oo Muslim ah, Iimaankiisuuna buuxaa waa mid uu aqbalsanyahay, marka laga reebo tiro yar oo Shaydaanku duufsaday. Qaddarka AllAAH waa halkiisa, waxaase barbar taal aalado Aadamuhu samaystay oo u fududeeyay inay isaga gooshaan kumannaan ama boqollaal Kiiloo-mitir, kuwaas oo u qaybsama noocyada Badda, Berriga iyo kuwa Samada haada.

Gaadiidka dhulka maraa waxay ka mid yihiin Birta ILLAAHAY innoo sakhiray ee wax-tar weyn ka geysatay isu-socodka Magaalooyinka, Tuulooyinka iyo inay isaga gudbaan Waddammo. Run ahaantii waa nimco aad u weyn, Nimco waliba-na nusqaan lehe, waxay maalin kasta galaafataa dad badan oo naftooda ku waaya shilalka ay gaadiidkaasi sababaan, hadday tahay kuwo dhaca ama qallibma, kuwa is-jiidha ama is-duqeeya iyo qaar Daad qaado-ba.

Geeridu waa xaq ILLAAHAY ku xukumay noole kasta oo dunida korkeeda ku uumman, kuwaasoo Malagga ILLAAHAY u soo diray siyaabo kala duwan uga qaado nafta. Waxaase jira waxyaabo badan oo sii fududeeyay dhimashada iyo kahasaaaraha adduun oo ay saamayn ku leeyihiin Bini-Aadamku. Inkasta oo Dhulka Soomaalidu degto intiisa badan lagu arag Masiibooyinka debeeciga ah ee aynu kor ku soo xusnay intooda badan, haddana waxa jira kuwo kooban oo debeeci ah iyo kuwo Aaladaha Aadamuhu sababaan oo ku badan. Haddaba, haddaynu u guda-galno dulucda qoraalkeenna. Somaliland waxa aad ugu badan shilalka ay Baabuurtu gasho oo keena khasaare naf iyo maalba isugu jira.

Haddaynu si gaar ah isu-dul-taagno ujeeddada aan maanta qalinka u qaatay, waxaa jira Dooxyada taxan waddada Laamiga ah ee isku xidha Berbera illaa Hargeysa, waxay galaaftay boqollaal nafood, kuna sahayatay hanti badan, gaar ahaan xilligan aynu ku jirno ee Gu?ga oo Roobabku curteen ay ka dhashaan Daadad laxaad leh oo ku soo rogmada Dooxyada isdaba-yaal jidka u dhexeeya magaalo-xeebeedda Berbera iyo Caasimadda Hargeysa. Sannadkasta waxa dhegahaygu maqlayaan Haldoor, Mudane, Siyaasi, Sheekh iyo Shariif ummadda qiime ku lahaa oo Daadka Dooxyadaasi la tegeen, ILLAAHAY naxariistii Janno haka waraabiyo dhammaantoode.

Saacaddu kama soo dheerayso kamana dib dhacdo wakhtiga ILLAAHAY noole kasta u qoray inuu dunida ka tago oo u kicitimo dhinaca hoyga dhabta ah ee Aakhiro. Hase-yeeshee, geeri kasta Noolaha maanta ku timaadda waa loo magac-bixiyaa oo wax baa loo arkaa ama Aadamuhu xaqiiqsadaa inay sabab u yihiin dhimashadiisa.

Dhacdadii u dambaysay ee qalbigeenna ka qoyani waxay ahayd masiibo ka dhacday Sabtidii toddobaadkan Dooxa Lafa-ruug oo ka tirsan gobolka Saaxil oo waxyar ka sokeeya degmada Berbera, halkaas oo uu ku naf waayay Xildhibaan Aadan Shire Faaax oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, sidoo kalena ka mid ahaa Mudanayaasha faro-ku-tiriska ah ee lagu sifeeyo daacadnimmo iyo go?aan adag oo ay danaha siyaasiga ah ka horumariyaan ta shacabka iyo danta guud, ka dib markii uu Daadku qaaday gaadhigii uu saarnaa. Waxa kale oo iyaguna shilkaas ku dhintay Laba Ruux oo kale, dhammaantood ILLAAHAY ha u naxariisto.

Sannad kasta waxay Dooxyadaasi sababaan dhimashada Muwaaddiniin reer Somaliland ah, waxaanay qaataan gaadiid iyo hanti ay leeyihiin Muwaaddiniin dalka u dhashay, sidaa daraaddeed, waxay is-weydiintu tahay maxaa wax looga qaban waayey? Su?aashaa jawaabteedu way taagan tahay. qalinkuna ku degdegi mayo.

Laakiin, haddaynu si kale uga hadalno Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray weli mid ka mid ahi kumay guulaysan helitaanka xal lagu bedbaadin karo dadka iyo duunyada sannad walba Dooxyadu qaadaan. Waxaanay muhiimaddu tahay inay dawladdu ogaato in dadka iyo duunyadooda maalin walba Dooxyadu qaadayaan masuuliyadda koowaad iyada ka saaran yahay.

Tolo-soo-jeedin:

Si loo bedbaadiyo nafta iyo maalka shacabka, haddii aanay dawladdu awood u lahayn inay Biriijyo ka dhisto Dooxyadaas, waxaa jira qorshayaal kale oo ay ku yarayn karto khasaaraha tirada beelay ee maalin kasta laga soo sheegayo Dooxadaas dadka iyo duunyada-ba halaaga ee dhimashada badan sababa, kuwaasoo ay ka mid yihiin; in dawladdu xilliyada Roobabka shaqaale kormeera geyso dhammaan Dooxyada waaweyn ee Bulshada halista ku haya, kuwaasoo masuulliyaddoodu tahay inay la socdaan xaaladda Daadadka Dooxyada mara iyo xaddigooda, oo marka ay Dooxyadu socdaan la soo socodsiiya dawladda, oo Idaacadaha iyo Warbaahinta kale looga digo shacabka marista waddada, lana xidho Dooxyadaas inta uu Daadadku dhammaanayaan.

Sidoo kale, waxaa dawladda looga baahan yahay inay wakhtiyada Roobabku tusan yihiin ama curran yihiin inay hawl-geliso Masuuliyiinta dawladda ee gobollada iyo degmooyinka Dooxyadu maraan ama ku dhaw yihiin, isla markaana ay ku taageerto Boolis la hawlgala madaxda degmooyinka, gobollada iyo kooxda hadday u suuragasho kormeerka samaynaysa ee soo jeedinteenna koowaad ku jira. Haddii ay Xukuumaddu ku guulaysato inay taladeennan aqbasho ama tixgeliso waxaan odhan karaa, waxaa lagu guulaysan karaa inay yaraadaan khasaaraha ay maalin kasta sababayaan Daadadka Dooxyada dadka iyo duunyada halaaga marayaa.

Sidoo kale, waxaa loo baahan yahay inay dawalddu masuuliyad iska saarto sidii ay mustaqbalka ugu dedaali lahayd inay samayso biyo-xidheenno lagu joojinayo Biyaha qul-qulaya ee Badda ku darsamaya, isla markaana ay samayso qorshe lagaga faa?iidaysanayo Biyahaa durduraya ee weliba nafaha dadka, duunyada iyo hantida-ba galaafanaya ee maalmo ka dibna laga oomman yahay. Dadweynahana, waxaa looga baahan yahay inay iyaguna sameeyaan taxadir badan oo ay kaga foojignaanayaan halista Dooxyadu leeyihiin waqtiga daadadku marayaan oo aanay naftooda ku biimaynin.

Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal

E-mail: mrmursal@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>