Salaasadii 23 Sannadoo Ka Hor Qaar Ka Mid ah mujaahidiintii Soo Gashay Hargeysa Iyo Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Dawladii Siyaad Bare ee ay maalintaa is haleeleen SNM

Hargeysa(ANN) Salaasadii todobaadkii hore ayay ahayd sanad guuradii 23aad ee kasoo wareegtay maalintii ay halyeeyadii Ururka SNM ee Taliskii Maxamed Siyaad Bare ka xoreeyay  Somaliland si miidaamo ah usoo galeen dalka, gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa  oo ay

guluf dagaal kusoo qaadeen jimcihii 27 May 1988 magaalada Burco ee xarunta  gobolka Togdheer, iyadoo afar maalmood ka dibna ay soo galeen magaalada Hargeysa.
Munaasibado balaadhan  oo kala duwan ayaa  lagu xusay  maalmahaa taariikhiga ah, kuwaas oo dalka gudihiisa iyo debediisaba lagu qabtay, iyadoo laga sheekeeyay waxyaabihii dhacay maalmahaa. Mujaahid Deyr Cilmi Ismaaciil oo ka mid ahaa mujaahidiintii soo galay magaalada Hargeysa ee Ururkii SNM, isla markaana  ay hareera joogan laba sadex kale oo mujaahidiintii ay wada socdeen  maalintaa ka mid  ahaa ku sugan Hargeysa  ayuu la kulmay weriye ka tirsan shebekada Araweelonews, wuxuuna si kooban u sharaxay dhacdadaa iyo dareenkiisa maanta 23 sannadood ka hor, isagoo yidhi, mujaahid Deyr Cilmi “anigu waxaan ahaa  Taliyihii Ururka sadexaad ee guutadii sancaani,  waxan watay gaadhi TX ah oo uu lahaa Ina Xirsi Adar oo isagu waday gaadhiga waxa saarnaa 7o mujaahid, waxa lay faray inaan madaarka  meesha dhinac koonfur  ka xigta ee Cagoole isha Duurka jidgooyo ka galo.
Waxaan  u sheegay ciidanka in aan gaadhiga qofna ka deign ilaa aanu gaadhno goobta naloo qaybiyay oo ay ciidankii faqashtu ka sokayso, sidii ayaanu ku dhaqaaqnay waxaana uu noqday gaadhiga iyo ciidankii aan kii rasaastii ugu horaysay ku dhacday. Kadib markii aanu jiidhnay ciidankii jidgooyada  ahaa ee cadawga, waxaanu gaadhiga kaga daadanay dhexdooda, waxay markaa ku dhacday rasaastii ugu horaysay labadii shidhka ila saarnaa oo kala ahaa mujaahid Saalax Buju-Bajaa iyo Xasan Daacad, Saalax isaga London ayaa loo qaaday Xasana wuu noolayahay maanta oo Hargeysa ayuu joogaa ayuu yidhi Mujaahid Deyr.
Wuxuuna xusay in dagaalkii halkaa ka bilaabmay, balse uu habeenimadii isagu u gudbay taliskii guud ee hogaaminayay dagaalka si loo qaato go,aanka. Laakiin wuxu xusay  in markii jawaab laga waayay shan nin oo loo soo diray sahan  laysku khilaafay qaabka uu noqonayo gelitaanku, taas oo saraakiishii goobta taliska joogtay oo ay ka mid ahaayeen Muj. Dayib Guray,  iyo Muj. C/llaaji Askar AHN  iyo Muj Muuse Biixi  oo ahaa taliska ay ka awood bateen saraakiishii ciidanka higaaminaysay . sidaana lagu soo galay magaalada Hargeysa oo dagaal qadhaadhi ka dhacay maalintaa.
Muj. Deyr wuxuu isagoo dareenkiisa cabiraya yidhi, “Ujeedadii ugu weynayd ee halgalka waa la gaadhay laakiin weli midhihii lama wada goosan, waxaana maant nasiib u yeeshay inuu dalka ka taliyo Muj Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  oo maalintaa ahaa hogaamiyihii Ururka SNM.
Sidoo kale Muj. Deeq Ducaale oo ka mid ahaa Mujaahidiintii maalintaa soo gashay hargeysa, kana mid ahaa ururkaa uu watay Muj. Deyr  oo dareenkiisa  cabitaya ayaa sheegay in ujeedadii ugu weynayd ee halganka la gaadhay, balse loo baahan yahay  in aan la lumin taariikhda iyo guusha ummada iyo halgankii qadhaadhaa ee dalka lagu xoreeyay.
Mujaahidiintaa waxa dhinac fadhiyay  mid ka mid ahaa saraakiishii sare ee iyaguna maalintaa dhinaca kale kasoo jeeday ee dagaalka qadhaadhi dhexmaray  jabhadii SNM , wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ waxaan watay  markii ay qabsadeen SNM  xerada Birjeex  ciidankii ka saaray  ee u gudbiyay dhinaca Idaacada, Moorgan waxa uu habeenkii u carary madaarka dushiisa, markii aan u sheegay inaan ka saarnay goobta Birjeex muu rumaysan, waxaana inshihiisa ka timi Ilmo maalintaa wuu ooyay. Dagaal qadhaadh ayaa ka dhacay magaalada ayuu yidhi, sarkaalkaa ka tirsnaa xiligaa dawladii milateriga ee Maxamed  Siyaad Bare.
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *