-
Published On: Thu, Jun 9th, 2011

ISBEDELKA SIYAASADDA XUKUUMADDU WAA KII LAGU DOORTAY

Smiley face
Share This
Tags

La-taliayaha dhaqaalaha,ganacsiga iyo maalgashiga

Waxa caado ah in dal dimuquraadi ah la naaqisho oo weliba qofba sida uu doono u fasilo hawlaha iyo barnaamajka xukuumaddu wado. Soomalilandna waa ka kow dal dimuquraadi ah oo waliba maqaam ayna in badani gaadhin gaadhay, waxa muuqdana kama foga fikir-cabirka iyo dhaliilaha

goor walba laga filaayo dal dimuquraadi ah. La yaab ma leh in mucaaridku isku dayo inay u sharxaan talaabooyinka xukuumadda mid qaldan iyo mid sax ahba sida ay ugu badinayso. Waxa taasi tahay qalad iyo saxba sifaha loogu dhaqmo dimuquraadiyadda. Waxa se mar walba ka baxsan arrimaha qarannimo iyo kuwa aynu la wadaagno dalalka shisheeye. Waa mabaadi u baahan wada daafac iyo hadday cidi qalad dareentu in hoos iyo wada-tashi laga galo. Siyaasadda debedda waa loo midoobaa si qarannimo ah.
Haddaba waxa waajib ah in xukuumaddu ay yeelato qorshe iyo barnaamaj wacyigelin ah si ay dadweynaha uga dhergiso barnaamajka ay wado ooy yeelato hadaf mideysan iyo bartilmaameed muuqda. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa marjac u ah barnaamajkii xisbiga Kulmiye ee guusha dhaliyey. Waxuuna ku arooraayaa dhismaha qaran horumar dhaqaale, dhaqan, iyo bulshoba laga hirgeliyo. Dal cadaaladdu tahay waajib, dal xuquuqda muwadinku ku salaysantay sharciga dalka iyo sinaan bulsho.
Haddaba waxa intaba gun dhig u ah dhaqaalaha. Waayo si bulshada horumar loogu sameeyo waxa loo baahan yahay dhaqaale, cadaaladda, iyo sinantu iyana sidoo kale ayey khrash ugu baahantay.

DHAQAALE AYAA HOGAAMINAAYA SIYAASADDA XUKUUMADDA

Waxa xukuumaddu qaaday talaabooyin ay ka mid yihiin
·         Kordhinta mushaharka ciidanka iyo shaqaalaha dhammaan
·         Dhismaha xafiisyada, iskuulada, iyo  jidadka
·         Kordhinta miisaaniyadda guud ahaan gaar ahaan caafimaadka, tacliinta iyo arrimaha bulshada
·         Bedelka Lacagta Burco
·         Bilaashka laga dhigay tacliinta dugsiyada hoose iwm
Waxa iyana jira barnamajo kale oon miisaniyadda kafayn kareyn balse bahida loo qabaa tahay mid sida qoraxda u cad.
Taas waxa ka dhashay in la bedelo siyaasadda xukuumadda gudo iyo debedba. Waxa la goáansaday in loo tafoxayto si loo helo taageero dhaqaale iyo maalgashi gudo iyo debedba. Waxa taas lagu goáansaday  in laga hawl galo shirarka caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba iyadoo dhaqaale iyo ictiraafba laga doonaayo.
Waxaana lagu cadeeyey laba qodob oo cad
1.       Waa in laga qayb gala shir kasta oo caalami ah si loo soo bandhigo danaha Somaliland dhinaca ictiraafka iyo baahida dhaqaale iyo bulsho, iyo sidii loo soo jiidan lahaa ganacsi iyo maalgashi iyo hab maamul wanaag iyo kobcinta dimuquraadiyeenta  iyo dhaadhicinta nidamka xukunka.
2.       Waxa shirarkaas ka reeban, kuwa loo qabto heshiisiinta Soomalida , iyo arrimaha la xidhiidhah dhismaha dawlad Soomaliyeed. Taas oo ah mid ka xaaraan ah ka-qaybgelkiidu xukuumad iyo shacbiba.

Haddaba waxa Wasiirka arrimaha debeddu ku shaqeeyaa labadaas qodob, waxuuna guulo waaweyn ka soo hooyey furfuridda iyo dhaqaajinta xidhiidhka caalamiga ah isagoon xuduudka loo dhigay gudbeen. Waxa in marar ka badan xukuumadda oo uu kow ka yahay Madaxweynahu lagu celceliyey sharaxaadda qodobadaas…Waxaynu xusuusanaa hadalkii madaxweynah ee ayaamihii ugu horreysay xilkiisa arrintan lagu weydiiyey…iyadoo xiligaas mucaaridku wedweday in Hargeysa Soomalida shir loogu qabanaayo. Madaxweyne Siilaanyo waxuu ku jawaabay..’’ Soomali waa walalahayo..nabad iyo wanaag ayaanu la jecelay…bal se nin aan ku oggoleyn, ku aqoonsanayn oon jiritankaba diidsan sideed wax ugu qaban kartaa……Kolkay na aqoonsadaan ayaanu wax u qaban karnaa”
Waxa sidoo kale uu ku cadeeyey barnamajkii shaqo ee uu labada Gole u gudbiyey…waxaana ugu dambeysay qudbadii qiimaha badnayd ee uu ummadda u jeediyey 18 May …waxa qalin dahab ah lagu qoray ereyada … “’ Soomaliland wey jireysaa, dib u noqonmeyso…haddaan 100 sano (BOQOL) aan la aqoon san….

WAA MAXAY ISBEDELKA DHACAY

Waxa isbedel ku dhacay siyaasadda xukuumadda oo waaba waxa loo doortay. Waxa meesha ka baxay xukuumad gaabis ah, oo qafas ku xidhnayd. Xukuumaddani waxay noqotay mid dhaqdhaqaaqda oo ku talabsata si dhiiran si ay u hirgeliso horumarka ay bulshadu u baahantay loogana doortay maamulkii fadhiidka ahaa.
Waxa la dhaqaajiyey:
·         Sidii dawladaha jaarka ah xidhiidh wax-ku ool ah oo sharaf iyo maamus ku dhisan labada daraf loo heli lahaa. Waxaa guul laga gaadhay xidhiidhka Jabuuti iyo Itoobiya oo markii ugu horreysay kor loo qaaday protokoolkii soo dhoweynta ee dalkeen ay u hayeen.. mantana uu xisbi xaakimkeena Kulmiye ku joogo Itoobiya..maqaam la siman xisbi xaakimka Itoobiya.
·         Waxa dhaxanta laga duuliyey xidhiidhka aynu la leenay dalalka Carabta si gaar ah kuwa inoogu dhow ee khaliijka. Waxaad ka dheregsantiin soo-dhoweyntii iyo heshiisyada lala galay Kuweyt iyo Imaaradka.
·         Waxa iyana la dardar-geliyey ka-qaybgalka shirarka caalamiga ah ee ay hore ugu keliyeysan jirtay dawladda Xamar oo si qaldan caalamka ugu odhan jirtay anagaa Somaliland matalna…Waxa la tusay inayna matalin, maqnaanshihii ay ka faaídeysasn jirtayna waa la soo duubay.
·         Gudaha, waxa iyana la furay ilaha dhaqaale, iyadoo la dhaqaajiyey mashaariic gaabis ahaa. Waxa la bixiyey mashruuca kaybalka iyo wershedda sibidhka si shaqo loo abuuro oon dib loo dhigin .
·         Waxa iyana socda dardar gelinta nidaamka cashuuraha si cadaalad ah iyo waajibka saran muwaadinku noqdo mid lagu helo cashuurta ku wajibka ah dakhliga qofka..oo aynu ka korno cashuurta dadban ee culeeska gaarka ihi ku saran yahay dan-yarta. Waa in cashuurta lagu bixiyaa sida loo kala dakhli badan yahay…barnamajka horumarinta cashuurta tooska ah..(Income Tax).

Haddba miyeyna intaas oo dhammi ka marag fureen isku-xidhnaan siyaasadeed gudo iyo debedba oo dhammaan ku salaysan danta guud ee shacbiga iyo barnamajkii ay ku doorteen xisbiga Kulmiye, guusha weynina ku raacday Madaxweyne Axmed Maxamed. Miyeyna ahayn isbedel hadafkiisu yahay dhismaha dhaqaalha si loo hagajiyo nolosha muwaadinka, si loo helo bulsho cadalad iyo sharci ku noolaata. Miyeyna ahayn mid inaga furaysa xabsigii qaranku ku xidhnaa, miyeyna xidhiidhka dalalka Khaliijku ahayn mid dhalinaya kobcinta dhaqaalaheena isla markaas furaya isbarsho muftaax u noqon doonta ictirafka.

Waxaan safar shaqo ku soo maray Imaaradka iyo Qatar, waxaanan u dariiq xaadhay sida jaaliaydda Somaliland ay uga qaby qaadan lahayd maalgashiga iyagoo abuuraaya sharkado, iyo siday door wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen isku-xidhka dalka hooyo iyo dalkan ay joogaan. Waxaana ii iftiimay xidhiidh maalgashi iyo dhaqaale sidii looga soo heli lahaa. Waa mudnaanta kowaad ee xukuumaddan in la helo dhaqaale dalka lagu dhiso. Kolkaad xidhiidh ganacsi iyo dhaqaale dalalkan la yeelato waxay noqonayaan dad aad is-taqaaniin isla markaas waxay yeesheen dano ay dalka gudihiis ku yeeshaan kolka ay maal gashadaan…miyeyna ahayn dariiq keenaaya ictiraaf…halkaas ayey xukuumaddu ka duushay, hadafkuna waa ictiraaf iyo horumar.

Dhaliisha iyo mucaaridka oo si kale u arkaa ma aha wax cusub mana aha wax la diido, waxa se habboon in xukuumadduna ay waajibkeeda gudato ooy si cad u bayaamiso hawlaha ay qabato iyo duruufaha ku gaadaaman. Waana in la hawl galiyo xisbi xaakimka oo hawl weyn ka qaban kara wacyigelinta iyo iftiiminta siyaasadda xukuumadda. Xisbiga ayaa goob kasta jooga bulshadana xidhiidh toos ah la leh. Yaan laga gaabin inaynu bayaamino guusha aynu muddada yar hantinay.

Waxa leysu bedeley waa danta guud iyo horumarinta bulsho. Bulshada Kulmiye guusha siisay ayaa dhalisay isbedelka siyaasadeed  gudo iyo debedba. Xukuumadduna taas ayey ku shaqaynaysaa ooy diiradda saaraysaa.

Tan iyo dhambaal kale nooli kulantee, Insha Allah.

Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga
07 904020 679 UK
Eci.advisor@gmail.com
Join me in Facebook Group
Somaliland Presidential Economic Advisor
http://www.facebook.com/home.php?sk=group_133994193326163&ap=1

http://samotalis.blogspot.com/

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>