Moha Farah jire oo ka mid ahayd 2215 goobjoogeyaashii Caalamiga ahaa ee Doorashooyinkii Madaxtinimo ee dalkaasi ka qabsoontey bishii 4aad ee sanadkan ayaa nasiib u yeelatay, isla markaana ka mid noqotey 18ka qof ee xulka lagu gudoonsiiyey Bilad maamuusedka doorashadaa.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta ee Africa dib u soo nooleynta magaca iyo milgahii Africa lahayd sanadihii halganka xoriyad doonka Ms.Moha Farah Jire ayaa lagu gudoonsiiyey Bilad maamuuseed diblomasiyadeed oo ku tacaluqda sidii ay doorashada dalka ugu tirada badan Galbeedka Africa ee Nigeria uga qaybqaadatey, doorashadaasi o ahayd mid aad xasaasi u ahayd oo qoomiyado kala duwan iyo halgan diineed ba lagu tartamayay ayay Moha Farah Jire si firfircoon oo hanaanka Amniga, Xasiloonida iyo demoqraadiyada ee Caalamka waafaqsan ay ugu tafo xaydatey sida ay Gudiga doorashooyinka ee dalkaasi ku sifeeyeen abaalmarinta ay gudoonsiiyeen Moha Farah Jire
Waxanu runtii si dhow oo feejigan ugu kuurgalaynay dhaqdhaqaaqa beesha caalamka ee doorashadaasi waxanay Moha Farah ka mid noqotey 18ka xeeldheere doorasho ee u qalma biladani
Waanu ku hanweynahay in Africa lagu arko dhalinyar firfircoon oo wakhtigooda u haneeyey qaaradooda dhinaca Amniga iyo horumarinta diblomasiyada,siyasada iyo ka turjumida dareenka shacuubta ee saxda ahna si xasilooni badan yagleelideeda ku dheehantahay u gutey

Fadlan sii wad Gudoomiye dhaqdhaqaaqaga ku aadan horumarinta xirfadlayaasha Saxafada kuna dhiirada goor wel saamayta dowladaha Africa idinkoo mihnadiina sida amniga iyo horumarka ku jiro ugu hogaaminaya madaxda Africa

waanu kugu hanweynahay ayay Bilada gudoonsiinteeda kusoo afmeeray gudoomiyaha Xidhiidhka caalamka ee doorashooyinkii dalkaasi Nigeria Mr.Emunger I. Emmanuel.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *