Hargeysa(ANN)Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday  sanduuqa horumarinta wadanka Faransiiska iyo Baanka BCIMR oo socdaal ku yimid Somaliland. Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu sheegay inuu ku

 

 

faraxsan yahay inuu arko maal gashadeyaal caalami ah oo  maal gashi ka sameynaya Somaliland si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka.
War-murtiyeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo ku saabsanaa waxyaabihii uu  Madaxweyne Ku Xigeenku kala hadlay weftigaasi waxa uu u qornaa sidan:-

“Madaxweyne Ku xigeenka JSL Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka socda Sanduuqa Horu-marinta ee Wadanka France iyo Baanka BCIMR oo hore xafiis uga furtay Dalka.
Madaxweyne kuxigeenka JSL waxa uu weftiga uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Dalka Somaliland waxaanu ku soo dhaweeyey Dalka.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga uga waramay xaalada Ganacsi ee Dalku maraayo iyo Heererka kala duwan ee dalku soo maray iyo halka uu xiligan taagan yahayba.
Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu yidhi “Waxaanu  aad ayaan ugu Faraxsan nahay inaan arko Maalgashadayaal ka socda Dalka France oo aan u arko in ay run ahaan wax badan ku soo kordhin doonaan dedaalka aan ugu jirno xukuumad ahaan horu-marka dalka iyo kobcinta Dhaqaalaha taasi oo suura gelinaysa in marka aynu u helno Maalgashi dalkayaga inay yaraan doonto Shaqo la’aanta ka jirta Dalka.
Mareeyaha Sanduuqa horu-marinta ee Dalka France Mr Levaneur Jocelyn oo isaguna hadal kooban ka soo jeediyey kulanka ayaa Dhinacooda ka mahad naqay, sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyey dalka Somaliland, waxaanu sheegay inay tahay mid aan la dhayal san-karin sida  Shacabka Somaliland iyo xukuumada, ay isaga kaashadeen horu-marinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, waxaanu mareeyuhu xusay in ay dhinacooda balan qaadayaan in ay Somaliland ka hirgelin doonaan Maalgashi wax ku ool ah.
Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa madaxweyne kuxigeenka kulanka kuwehelinaayey Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayradka, la taliyaha dhinaca Dhaqaalaha ee madaxweynaha, Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe, iyo Chief of Protocol-ka Madaxtooyada.
Dhinaca Weftigana:-
1.        Mr. Levaneur Jocelyn   Manager
2.      Mr. Andrien Absolu                    Development fund of Djibouti
3.      Philippe Lagier               Development fund of Pairs
4.     Jerome Perrin              Manager Business
5.      Awil Mousa Jama                      Corporate  Manager Bank
6.      Sa’ad mousa                             Director of Hargeysa.”

Araweelonews Mobile
Somaliland  Office
E-mail.info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *