Hargeysa(ANN)Gudoomiyihii Rugta ganacsiga Somaliland Marxuum C/raxmaan Faarax Sugaal ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Boqol jire ee galbeedkaa magaalada Hargeysa. Aaska marxuumka waxa ka qaybgalay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), masuuliyiin ka socday xukuumadda, saddexda siyaasiyiin,  xildhibaano ka tirsan Goleyaasha baarlamaanka iyo dadweyne tiro baddan.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay aaska ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum- C/Raxmaan Faarax Sugaal, waxaanu ILAAHAY uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale, waxa ka hadlay aaska qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay mudada dheer is yaqaaneen Marxuum- Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, waxaanay ku tilmaameen oday weyn oo taariikh leh oo ka baxay Somaliland.
Alle ha u naxariistee waxa uu ku ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1941-kii. Wuxuu mulcaamad quraankii ka bilaabay dalka Jabuuti isagoo dugsigii Hoose/Dhexe iyo sare ku dhamaystay magaalada Hargeysa. Waxa uu ka baxay kulliyaddii Sidam oo uu ka bartay culuumta maamulka iyo maareynta. Waxa uu waxbarasho Correspondence ah ka dhigtay Rapid Results College oo ku yaala dalka Ingiriiska.
Waxa uu ka shaqeeyay xaruntii talaalka ee wasaaradii Beeraha. 1958-1962-kii waxa kale oo uu ka shaqeeyay wakaalada horumarinta xoolaha oo uu ka noqday agaasimaha maamulka iyo maareynta. Marxuumku waxa uu ka soo shaqeeyay xaruntii guriga shaqaalaha, waxa uu dabadeedna ku biiray ganacsiga sanadkii 1976-kii oo uu ilaa imika ka mid ahaa Ganacsatada Somaliland. Waxa uu ka qeyb qaatay markii dalka lagu soo noqday dib u dhiskii, dib u heshiisiintii iyo dhismihii Ha’yadaha qaranka.
Waxaana xiligii Marxuum- Cigaal loo magacaabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Beeraha iyo warshadaha oo uu ilaa imika hayay. Waxa kale oo uu xubin ka ahaa Hayado dawli ah oo ay ka mid yihiin Guddida baanka, Hayada waddooyinka Somaliland (SRA), Jaamacada Hargeysa iyo Cisbitaalka EDNA ee magaalada Hargeysa.
Waxa uu ahaa nin ku fiican diinta Islaamka isla markaana ku wanaagsanaa samo falka dadka jilicsan. Waxa kale oo uu ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga mucaaridka ah ee UDUB waxaanu ka mid ahaa Guddida fulinta ee xisbigaasi iyo qasnajigooda guudba.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *