Hargeysa(ANN)Wefdi ka socda Urur siyaasadeedka dhowaan lagaga dhawaaqay Somaliland ee DALSAN ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Sanaag ee magaalada Ceergaabo.  Xoghayaha guud ee urur siyaasadeedka  DALSAN  Maxamed Axmed Colujoog oo hogaaminaya wefdigaa ayaa sheegay inay

kasoo kicitimeen  xarunta gobolka Togdheer ee Burco.
Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah dadka Magaalada Ceergaabo, Wefdiga ka socday Ururkaa  ayaa  si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Ceerigaabo, iyadoo  dadweyne aad u tiro badan iyo gaadiidka yar yar oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha urur-siyaasadeedka  Dalsan  ee gobolka Sanaag Shiine Mire Maxamed Nuux  ay wefdigaa magaalada kusoo wareejiyeen, isla markaana  shaaracyada waaweyn oo ay isugu soo bexeen dadweyne  tiro badan oo isugu jirey qaybaha bulshadu ka kooban tahay oo ruxaya  calaamadda ururkaa iyo caleemo qoyan ay weftiga  kusoo dhoweeyeen halkaa. Iyadoo markaa kadib  la dejiyey guri ka mid ah guryaha waaweyn ee magaalada Ceerigaabo oo wefdiga  loo sii diyaariyey.
Xoghayaha guud ee urur-siyaasadeedkan Maxamed Axmed Colujoog oo markii ay gurigaa hadal kooban jeediyay ayaa  dadweynaha uga mahad celiyey soo dhowayntooda, wuxuuna isagoo la hadlaya dadka gobolka Sanaag  yidhi, “Dhammaan dadweynaha reer Ceerigaabo waxannu si weyn idiinkaga mahad celinaynaa sida wanaagsan iyo soo dhowaynta ballaadhan ee aad noo samayseen”. Wuxuna intaas kusii daray “Waxannu halkan joogi doonnaa saddex casho oo bulshada  qaybaheeda kala duwanna aannu shirar iyo kulammo la yeelan doonno xafiiskii ururkanna aannu halkan ka furi doonno markaa wixii danbe waynu iska arkii doonnaa”.
Dalsan wuxuu ka mid yahay dhawr urur siyaasadeed oo dhowaab lagaga dhawaaqay Somalialnd, waana ururkii u horeeyay ee gaadha gobolka Sanaag.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *