Waxaan jecel ahay in aan sheego wax qabadkii xukuumadda mudadii yarayd ee ay xilka haysay oo lagu tilmaami karo wax qabad  baaxad leh oo aan dadka qaar arkayn,  Hase yeeshee indhaha

 

caafimaadka qabaa ay si wanaagsan u arkayaan ugana boganayaan sida xukuumaddu ugu dadaashay iny ka midha dhaliso xilkan shanta sanno ah ee ay  qaranka majarihiisa qabatay.
Haddii aan ku horeeyo dhinaca siyaasada debeda  waxay  dadaal dheeraad ah ka muujisay arrimaha dibada oo aad arkaysaan in xukuumadani ka gaadhay guul aad u weyn oo lagu naaloon karo waxaana ka mid ah wufuuda faraha badan ee dalka ku qulqulaya haddii ay tahay raysalwasaarayaal,  ama wisiiro ka tirsan dawladaha waaweyn iyo safaaradaha dawldaha iyo waliba hawlwadeeno badan oo aan hore loogu arki jirin ka hore intii ay xukuumadani la wareegtay xilka.
Waxaa iyana soo raaca caawimooyin badan oo hore aan loo arki jirin oo dalka soo gaadha oo loo qaybiyo dan yarta oo waliba si cadaaladu ku jirto loo gaadhsiiyo ummada reer somaliland waxaa iyana soo raaca oo kale dawladaha carabta oo aan hore inoo aqoon oo si wanaagsan xidhiidhkeenu u bilowday caawimooyin badana soo gaadhsiiyey dalka haddii ay tahay ceelal ama cuno loo qaybiyo dan yarta dalka ku nool isla markaasina uu bilowday xidhiidh aan hore u jirin oo ay abuurtay xukuumadan hadda jirta waxaa kale oo iyana soo raacda in xukuumadani abuurtay isku kalsooni buuxda oo ay somaliland ugu doonayso aqoonsi waara kagana qayb gelyso shirarka lagu casuumo iyada oo dawlad ahaan kaga qayb gelaysa goob kasta oo uu ka dhaco shirkaasi ugana habranayn somali ayaa fadhida.

Waxaa kale oo iyana wax lagu farxo ah in ay xukuumadu ku dadaalayso in gobolkani noqdo mid amaan ah oo budhcad badeeda laga si feeyo,isla markaana  waxaa ay xukuumadu ku dadaashay in ay ka qayb qaadato ladgaalanka budhcad badeeda xag jirka gobolkan ku badan,waxaa kale oo ay xukuumadu si waayeelnimo ku jirto u xalisay gobolada nabadiidku ku badan yahay sida sool sanaag bari oo wax dab ah oo ka hurayaa aanu jirin isla markaana ay walaalaysay dadka xurgufta yari ku dhex martay kalshaale.
Waxaa kale oo xusid mudan in ay xukuumadu guulo ka soo hoysay socdaalo ay dibada ugu baxaday oo ay ka mid ahaayeen china ,carbta iyo yurub iyo afrika taasina ay noqotay wax lagu faani karo somaliland gaadhsiisay maqaam sare oo aan hore u jirin,waxaa iyana wax la xuso ah in xukuumadani dadaal weyn u gashay sidaa shaqaalaha dawlada ,ciidamada qaranka kuwa booliiska,kuwa asluubta,golayaasha qaranka loogu kordhin lahaa mushahaarooyinka runtii waa laga midha dhaliyey waana loo kordhiyey.
Waxaa kale oo iyaduna xusid mudan laamiyada ay xukuumadu hirgelisay oo aad u badan kana mid ah waxa qabadaka mudada sanadka ah lagu gaadhay iyada oo gobol walba lagu tago kormeer joogta ah iyo ka waryan hayn guud oo xukuumadu ka war hayso gobolada dalka dhamaantood,
waxaa iyana xusid mudan ciyaalkii darbi jiifka ahaa oo loo sameeyey meel lagu ururiyo laguna daryeelo waxbarashadooda iyo caafimaadkooda,waxaa kale oo xusid mudan qurxinta wasaaradaha dawlada oo iyana lagu kordhiyo dhismayaal badan ama la dhiso kuwa hor leh sida gaashaandhiga arimaha gudaha duulista iyo hawada oo hadda meel loo dhisi doono iyo immigirationka oo la dhagax dhigay, waxaa kale oo xusid mudan waxbarshadii dugsiyada  dalka oo bilaash laga dhigay jaamacadaha oo la kabo,xisbiyada oo intii la siin jiray loo labanlaabay.
Waxaa isaguna xusid mudan tviiga qaranka oo isaguna galay hotbird oo si waangsan looga daawado daafaha dunida kaasi oo ku ekaa dalka gudihiisa markii hore,waxaa kale oo iyana ay ku dadaashay xukuumadu in ay si qabow ula hadasho dadkii somaliland u dhashay ee hadana ka biyo diidsanaa oo dalka ku soo laabanaya taasina ay tahay mid ay guusheeda leedahay xukuumada jirta,waxaa iyana wax la xuso ah in xukuumadani saamaxaday udubtii hantidii ummada lunsatay ee faaruqisay bangiyada dawlada,waxaa xusid mudan miisanyadii qaranka oo laban laabantay,haamihii oo dhaqaalahoodii ku dhaco baanka dawlada sharkadii total oo dalka laga saaray oo iyana jabisay heshiiskii lala galay xukuumaduna waajibkeedii ka gudatay.
Wax isaguna xusid mudan oo aan la dhaafi karin in xukuumada somaliland ka qayb gelayso meelkasta oo dani ugu jirto somaliland islamarkaan aany uga habraynayn koox somali  ah ayaa joogta fagaarahaasi,waxaa xusid mudan iyana balan qaadyadii wakhtigii doorashada oo xukuumadu fulisay badankoodii ama kuwoodii u adkaa sida furida ururada kordhinta mushahaarooyinka adkaynta nabad geliyada.
Wax xusid mudan nadiifinta magaalooyinka oo shan iyo afrtankii cishoba mar la sameeyo,bedelaadii lacagtii burco oo ay xukuumadu ku guulaysatay ,xanaanaynta dadka dan yarta ah oo si wanaagsan loogu qaybiyo wixii mucaawino wadanka soo gaadha oo aan awal hore la arki jirin ama la lunsan jiray markii dawladii riyoole jirtay.
Waxaa xusid mudan madaaradii dalka oo si wanaagsan u wada shaqaynaya dhismayaal iyo kamarooyina lagu kordhiyey loona sameeyey meelo kala gaar ah oo dadku ka dhoofo kana soo dego oo qolo waliba albaab gaar ah leedahay,waxaa xusid mudan cadaaladii oo si fiican loo habeeyey isla markaana is bedel weyn ka muuqdo oo dhawaan la arki doono is bedelkooda.

Hadaba marka aan intaasi sheego oo aan dhafo in badan oo aanan xasuusnayan laakiin jira oo mudo sand gudihii ah ku fulay maxaa aad kafili karaa mudo afarsanadood oo danbe oo xukuumada Axmed maxamed siiraanyo sii hayn doonto xilka, waxaan ka filaynaa in ay xukuumadu wax qabadan badn samayn doontaa oo waliba la taaban karo waxaana aan filayaa in dhawaan ay xukuumadu ku guulaysan doonto qodobaka ugu muhiimsan ee ah kan aqoonsiga kaasi oo aan baahi wayn u qabno.
Guntii iyo gabagabadii waxaan dadka caafimaadka qaba ee arkaya wax qabadaka xukuumada mudo sannad ah gudihiin in ay ku taageeraan oo ay ku hambalyeeyaan guusha ay gaadheen mudadan yar.Dadka buka ee aan arkayn waxaasi oo waxtar ah waxaan leeyahay illaahay caafimaad ha idin siiyo.
Waxaan halkan ku cadaynayaa in wax qabadaka xukuumaddu yahay mid aad u badan oo aan lasoo koobi karin,  isla markaana aanay  qabanin xukuumadii hore oo sagaal sanadood joogtay xilka halka ay xukuumadani mudo sannad iyo inyar ah ku haabhaabanayso aqoonsi loo helo Somaliland iyo waxtarka ummada oo ay sii siyaadiso.

Ex- Xildhibaan Cabdi.D. Camuud Uk

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *