Hargeysa(ANN)Xaflad balaadhan oo lagu daah-furayey Buug cusub oo loogu magacdaray  “Buugga Tilmaamaha Suxufiyiinta Somaliland”  ayaa maanta lagu qabtay Hotel Guuleed ee magalada Hargeysa, Buugaa  oo uu qoray qoraaga magaciisu yahay Doug Ruston, waxa soo saartay oo

Turjuntay  Hay’adda IPRT, kaas oo ay  maalgalisay Safaarada Dalka Ingiriiska ee Ethiopia.
Munaasibadaa oo si weyn loo soo Agaasimay,  waxa ka soo qaybgalay Dhammaan Suxufiyiinta kala Duwan ee ka Hawlgala Warbaahinta Somaliland  ee kala duwan, waxaana Masuuliyiinta kasoo  qaybgalay waxa ka mid ahaa, Agaasimaha Telefishinka Qaranka Somaliland ahana Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasarada Warfaafinta Axmed Saleeban (Dhuxul) Agaasimaha Hay’adda IPRT Dr. Axmed Xusseen Ciise, Xildhibaan C/qaadir Jirde, Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, Wariyaha BBC Axmed Siciid Cige, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed Rashiid, Nafiisa Maxamud Xusseen, Tifatiraha Telefishinka Horn Cable TV Cabdilaahi (Wayb), Madax-Tababrada Wasarada Warfaafinta Faysal Fadhfadhle,Iyo Masuuliyiin kale.
Xafladaasi ugu horeyan waxa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda IPRT Dr.Axmed Xusseen Ciise, Waxanu sheegay In buugani yahay buug Muhiimad Weyn u leh Saxaafada Somaliland, waxanu Xusay in buuggan ay ku jiraan Tilmaamo badan oo Suxufiga Hagaya,
Agaasimaha Telefishinka Qaranka Somaliland ahana Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasarada Warfaafinta Axmed Saleeban  (Dhuxul) Waxa uu sheegay in Saxaafadu soo dhaweynayso, Waxanu Sheegay in Saxaafada Somaliland ay ka soo qaybqaadatay Horumarkii ay Somaliland gaadhay, isaga oo xusay in kaalintaasi saaxafadu kulahayd aan la ilaawi Karin.
Madax-Tababrada Wasarada Warfaafinta Faysal Fadhfadhle, Waxa uu sheegay in Cilmiga Saxaafadu aanu lahayn mid dhamaada, waxanu Suxufiyiinta Somaliland u soo jeediyey in ay ka faa’iideystaan Buugan, Waxanu Tilmaamay in Markii uu buuggan uu arkay aad ugu farxay oo uu la dhacay hanaanka uu u qoran yahay iyo faa’iidada uu leeyahay, waxanu hoosta ka xariiqay in ay iyaguna wax ku soo kordhiyeen.
Tifatiraha Telefishinka Horn Cable TV Cabdilaahi (Wayb) oo isaguna xaflaadasi ka hadlay ayaa sheegay in Buuggan Suxufiiyiinta ay ku dhan yihiin dhammaan wixii uu u bahnaa Suxufigu, waxa kale oo uu Suxufiyiintii ka soo qaybgalay Xaflaadasi ku booriyey in ay saxaafadu tahay Seef Laba Afleh oo haddii xaga wanaagsan loo isticmaalo Faa’iido keenaysa haddii Dhinca Xun loo isticmaalana Dhibaato keenaysa.
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed Rashiid, Waxa uu isna sheegay in Qodobo badan oo ay saxaafadu baahi weyn u qabtay ay ku jiran, balse waxa uu soo jeediyey in Buugga lagu soo darro Xoriyatul qawlka Saxaafada ee ku jira Dasduurka Somaliland iyo Xeerka Anshaxa ay Saxaafadu ay leedahay, Waxanu sheegay in Ururkoodu u taagan yahay kor u qaadk Aqoonta  Suxufiyiinta Somaliland, Waxa kale oo uu sheegay in wixii kale ee ay ku soo kordhinayaan ay ku soo Hagaajin doonan hay’adda IPRT.
Cabdishakuur Heersarre oo isaguna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in Buuggan uu ku arkay wax yaabo badan oo suxufiga u mihiim ah,  sida Hanaanka waraysiga iyo Kalsoonida Qofka Suxufiga ah looga bahan yahay in u isku kalsoonado, Waxa kale oo uu soo jeediyey in Buuggan lagu soo darro Sida wax looga qoro Arrimaha Bulshada iyo Hanaanka waxa loo Falanqeeyo.
Suxufiga Axmed Siciid Cige ee BBC oo isna halkaasi hadla ka jeediyey ayaa sheegay in Saxaafadu Aqoon u baahan tahay si dadka aad wax u gudbinaysaa ay wax kaaga  faa’iideystaan oo ay ku qancaan wixii aad u tabinaysay, Waayo macaalin weyn ayaad tahay oo Ummad dhan ayaa Xog kaa sugeysa, waxa kale oo uu sheegay in Suxufiga looga bahan yahay in uu isku dheeli tirro Warka uu qorayo oo haddii uu arin ka hadlayo uu dhinaca kalana soo qaato.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Nafiisa Maxamud Xusseen, waxayna Suxufiyiintii Xafladaasi ka soo qaybgalay ku boorisay in ay wararka ay qorayaan ay noqdaan qaar dhexe ah, oo aanay noqonin warar dhinca u jan-jeedha.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan C/qaadir Jirde,  Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, Waxayna sheegen in Buugani yahay mid muhiimad weyn u leh Suxufiyiinta Somaliland, Waxayna Hoosta ka xariiqeen in suxufiyiinta looga baahan yahay in Qaranimada Somaliland ilaaliyaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *