Hargeysa(ANN)Wefdi ka socda Urur siyaasadeedka dhowaan lagaga dhawaaqay Somaliland ee DALSAN ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Sanaag ee magaalada Ceergaabo. Xoghayaha guud ee urur siyaasadeedka DALSAN Maxamed Axmed Colujoog oo hogaaminaya wefdigaa ayaa sheegay inay
kasoo kicitimeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco.Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah dadka Magaalada Ceergaabo, Wefdiga ka socday Ururkaa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Ceerigaabo, iyadoo dadweyne aad u tiro badan iyo gaadiidka yar yar oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Dalsan ee gobolka Sanaag Shiine Mire Maxamed Nuux ay wefdigaa magaalada kusoo wareejiyeen, isla markaana shaaracyada waaweyn oo ay isugu soo bexeen dadweyne tiro badan oo isugu jirey qaybaha bulshadu ka kooban tahay oo ruxaya calaamadda ururkaa iyo caleemo qoyan ay weftiga kusoo dhoweeyeen halkaa. Iyadoo markaa kadib la dejiyey guri ka mid ah guryaha waaweyn ee magaalada Ceerigaabo oo wefdiga loo sii diyaariyey.
Xoghayaha guud ee urur-siyaasadeedkan Maxamed Axmed Colujoog oo markii ay gurigaa hadal kooban jeediyay ayaa dadweynaha uga mahad celiyey soo dhowayntooda, wuxuuna isagoo la hadlaya dadka gobolka Sanaag yidhi, “Dhammaan dadweynaha reer Ceerigaabo waxannu si weyn idiinkaga mahad celinaynaa sida wanaagsan iyo soo dhowaynta ballaadhan ee aad noo samayseen”. Wuxuna intaas kusii daray “Waxannu halkan joogi doonnaa saddex casho oo bulshada qaybaheeda kala duwanna aannu shirar iyo kulammo la yeelan doonno xafiiskii ururkanna aannu halkan ka furi doonno markaa wixii danbe waynu iska arkii doonnaa”.
Dalsan wuxuu ka mid yahay dhawr urur siyaasadeed oo dhowaab lagaga dhawaaqay Somalialnd, waana ururkii u horeeyay ee gaadha gobolka Sanaag.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com