Your browser may not support display of this image.Waxa kale oo uu sannadkaa 1972kii ahaa sannadkii la sharciyeeyay qoraalka Afka Soomaaliga. Saaxiibbadeen Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo Dr.  Cabdishakuur iyaga oo ku jira shaqadii Qaranka ayay bilaabeen in ay bartaan Hanti-wadaagga iyaga oo

abaabulay wareegyo (circles) dhallinyaro ah oo ay tababari jireen oo ay bari jireen Hanti-wadaagga. Xataa Cartan waxa uu ii sheegay in uu mararka qaarkood Dr, Cabdishakuur ku booqan jiray magaalada Boorame. Waayadaa, Dr. Cabdirashakuur Sheekh Cali Jowhar, waxay Boorame isku baranayaan Nimco Xuseen Giirre oo ay magaalada Qaahira isku guursadeen xilli la iigu sheegay 1976kii. Iskuma ay raagin, ubadna isumaay yeelan.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar wuxu ka mid noqday koox arday ahayd oo loo qaaday magaalo-madaxdii dalkii Midowga Soofiyeti ee Moosko. Aniga qudheydu kooxdaa ka mid ayaan ahaa oo waa halka aanu isku barannay Dr. Cabdishakuur Cali Sheekh Cali Jowhar. Waxa kale oo kooxdaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan. Waxa isaguna naga mid ahaa halgamaagii weynaa ee shahiiday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, ee la odhan jiray Maxamuud Xaaji Xasan oo loo yaqaannay Hurre.

Waa xilliyadaa xilliyada aan sida fiican u baranayaa Dr, Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar. Waa xilliyadaa xilliyada aanu wada gelaynaa liisaskii madoobaa ee nidaamkii Siyaad Barre. Waxaan u malaynayaa in aanu ahayn ilaa saddex fasal oo halkaa ku qaadan jiray duruus la xidhiidha culuunta Hanti-wadaagga. Keli ma aanu ahayn. Haddii aanay xusuustaydu I dagayn, waxa nala joogtay arday ka timid dalal badan oo dunida saddexaad ah. Waxa ka mid ahaa dalkii Yamantii Koonfureed, Angoola, Mosambiik iyo dal ku yaallay Koonfurta Ameerika oo la yidhaahdo Guyana oo Ingiriisku gumeysan jiray.

Dood ayaa ka dhici jirtay fasalladaa aanu wax ku baran jirnay. Ardayda waxa ku jiray niman Nabad-sugidda ka tirsanaa oo warbixino joogto ah diri jiray. Warbixin-xilliyeedka ka-sokow, markii aanu Soomaaliya ku noqonnayna warbixintii kama danbaysta ahayd ayay bixiyeen, taas oo keentay in in badan oo naga mid ahayd la eryaba.

Waa halkaa meelaha la naga raacay ee aanu ku collownay nidaamkii Siyaad Barre oo no aqoonsaday dad kacaan-diid ah ama aan eedba u galayn ‘Kacaanka.’

Iyada oo warbixinihii nalaga soo qoray ee qarsoodiga ahaa la adeegsanayo ayaa markiiba nalagu shubay meel la odhan jiray Dugsiga Tababarka ee Xalane oo nidaamkii Siyaad Barre u adeegsan jiray si uu dadka u kala shaandheeyo, isaga oo qaarna adeegsan jiray, qaarna shaqada ka eryi jiray.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Maxamuud Xaaji Xasan (Hurre) iyo aniguba waxaanu ka mid ahayn dadkii aan la jeclaysan ee la fogeeyay. Dr. Cabdishakuur waxa lagu qoray Hanti-dhowrka, Xildhibaan Cartan waxa lagu qoray Madbacaddii Qaranka, Hurre isagana waxa lagu qoray Wersheddii Sonkorta ee Jowhar, anigana waxa la ii diray magaalada Laas-qoray aniga oo noqday Wakiilka Ururrada Shaqaalaha ee Wersheddii Kalluunka ee Laas-qoray.

Iyada oo meelahaa nalagu kala qoray, ayaa haddana isha lagu hayay hadba waxa aanu ku jirno ama qabanayno. Warbixintii qarsoodiga ahayd ayaa sideedii iskaga socotay, taasina waxay keentay in habeen habeennada ka mid ahaa oo 1975kii ahayd la baadhay guryihii Dr, Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar iyo Xildhibaan Cartan ee magaalada Muqdisho.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar xataa xagga hooyada waxa uu ka dhashay qoys diiniya oo hooyadii waxay ahayd Xabiiba Xaddi Taani.

Baadhistii habeennimo ka dib oo dhaqan u ahayd nidaamkii Siyaad Barre saaxiibbaday Dr, Cabdishakuur iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan sas iyo baqdin laxaad leh ayaa ku beerantay. Waxay go’aansadeen in ay baxsadaan inta aan la qaban.

(La soco…………………..)

Qormadii: 5aad

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *