Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha Ha’yadaha dawliga ah ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo qayb ka ah balanqaadkii xiligii Ololaha doorashada eek al hore Madaxweyne Siilaanyo ugu balanqaaday shacbiga in waxqabadka xukuumaddiisa

saddexdii biloodba mar dadweynaha losoo bandhigayo.
Labada wasaaradood ee Macdanta, Tamarta Iyo Biyaha Iyo Beeraha ayaa waxqabadkoodii saddexdii biood ee u danbeeyay u qornaa sidan:-

Wasaaradda Beeruhu waxay dib u bilawday Beertii Tijaabadda ee Abuuriin oo aan shaqayn 20kii sano ee ugu dambeeyay kaasoo  loogu talagalay in lagu tijaabiyo dalagyadda kala gadisan ee ku baxa roobka( Rain fed) dalagyadaas oo qaar ka mida lagu tijaabiyay oo marka lagu guulaysto tijaabadooda loo gudbiyo beeralayda caadiga ah si ay u kordhiyaan waxsoosaarka.

Wasaaradda beeraha waxaa usuurta gashay inay mashruucii Wajaale ee Wasaaradda Beeraha dib u qodo dhul dhan 500 saacadood,kuna beerto noocyo kala gadisan sida ‘Hadhuudhka cilmi jaamac, digiro kala gadisan, sareen, fool, tukhun, fasuuliye, galay, misir, heed, qamadi, xabasuud, lows, shunburo, sinsin, beertaas oo loogu talagalay in lagu sameeyo abuur badinta

Wasaaradda beeruhu waxay ku guulaysatay inay keento mashiinkii bariiska galka ka saarayay, kaasoo si fiican u shaqeeyay markii la tijaabiyay galkana ka saaray ilaa(50 kiish).

Wasaarada beeraha iyo hayadda IFAD waxay si wada  jira u fuliyeen saacado qodaala oo dhan 3000 sacadood waxaa kale oo ay u qaybiyeen danyarta beeralayda gobolada Awdal, Gabiley & Maroodi jeex 100 dibi

Wasaaradda beeraha iyo hayadda ADO waxay wada jir u fuliyeen saacado qodaala oo dhan      3000 oo sacadood iyo 30,000 oo moos oo ah kuwa biyaha qabta yareeyana nabaad guurka kana fuliyeen qobolada M/jeex, Tog dheer, Saaxil & Awdal.
Wasaradda beeraha iyo hayadda DRC waxay wada wada jir uga fuliyeen gobolka Saraar saacado qodaala, waxa kale oo ay qodeen ceelal (Shallow Wells) waxayna u qaybiyeen matoorada biyaha

Wasaaradda beeraha iyo hayadda ADRA waxay Ceelal tijaabo ah (Shallow Wells) ka sameeyeen dagmooyinka Arabsiyo, Gabiley & Baki celashaas oo tiradoodu dhamayd     (6 ceel) waxaa kale oo ay dhiseen (3Green House) oo laga sameeyay Arabsiyo, Gabiley & Baki.

Wasarada beeraha iyo hayada Havoyoco waxay deeganka sayla iyo wado bariis ka fuliyeen moosas (soil bunds) dhererkoodu yahay 2000m, daad leexin (water diversion) gaadhaya 750m.

Wasaradda beeraha iyo hayadda MADO waxay ka fuliyeen deegaanka Darar wayne iyo Rabley saacado qodaala waxa kale oo ay qaybiyeen qalabka beeraha ( Hand tools) waxa kale oo ay qaybiyeen seed gaadhaya 450G oo seed ah, waxa kale oo ay qodeen 15 ceel.

Wasaaradda beeraha iyo hayadda German Agro Action waxay ka fuliyeen gobolka Awdal hawlgal isugu jirta nafaqaynta ciida iyo beerista noocyo kala duwanoo digiraha ah iyo tababaro ku saabsan dhinacyada wax soo saarka
Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo Biyaha

Meelaha laga fuliyay mashaariicda biyaha seddexdii bilood ee ina soo dhaafay waxay kala yihiin sidan:-
Nidaamyada mashaariicda Biyaha ee dhamaaday ama socda
Tobabaradda
Cilmibaadhista iyo horumarinta
Dayactirka iyo xanaanaynta
Siyaasadda iyo xeerarka
Caqabadaha

Waaxda Biyaha  Qabsoomay 
10 Ceel oo rig ah oo loogu talogalay magaalo madaxda Hargaysa laguna soo xidhi doono
6 Ceel oo rig ah oo loogu talo galay magaalada Burco
Sadex nidaam oo biyo galinta tuulooyinka bariga Saaxil ( Haatuf, Xagal iyo Ceelbaxay)
• Ceel gacmoodyo
• Barkado
• Dayactir
• Dhisme suuliyo
• Hagaajin
Waxqabadka Dhamaaday

Tobabarka dayactirka qalabka  Biyaha  ee mishiin wadayaasha Gobolada Bariga ee dhinacyada                                               
ü Dabka
ü Tamarta cadceeda iyo dabaysha
ü Nidaamka tayada biyaha
ü Rakibaad bamka iyo dayactirkiisa
Tobabaradda Socda:

Tobabarka dayactirka iyo xanaanaynta 12 tobabarayaal oo laga soo xulay goboladda dalka kaas oo socon doona Muddo 18 bilood ah ($250,000)
Cilmi Baadhista iyo Horumarinta:
Waxa  socda tobabarka  10 xubnood  oo sahamiyaasha cilmiga badhista biyaha dhulka hoostiisa oo cusub oo la rabo in lagu tobabaro qodista ceelasha riiga ah iyo ogaanshaha biyaha dhulka hoostiisa ku jira

Dayactirka iyo xanaanaynta ceelasha Wasaaradu fulisay ee
dhamaadad
Ceelka dagu
• Xanaanaynta iyo dayactirka mishiinka iyo Hagaajinta xadhkaha dabka 

Geed balaadh
Bedelaad       
• Bamka
• Mishiinka dhuunta biyaha soo saarta
• Qalabka beebka
Dameeroboob
Bedelaad
• Mishiinka
• Xadhkaha dabka
• Beebka 
• Dhuunta biyo soo saarka
• Barta dabqaybinta
Ceelka Kalawle ( Awdal)
•  Ka shaqaysiinta iyo Dayactirka Mashiinka
• Badalada xadhkaha  dabka
• Rakibaada barta laga xukumo dabka 
Ceelka Buqleeya (Togdheer)
Badaladda
• Bamka
• Dayactirka iyo Xanaanayta mashiinka
Ceelgaal    

• Qodista ceel cusub
• 2km oo beeb ah
• Mashiin 

Kuwa la qorsheeyey
Laagta Mohorda waxaa loo baahan yahay
• Badalida mashiinka iyo xadhka dabka
• Bedalada bamka
Baki  waxaa loo baahan yahay badalada

• Banka
• Mashiinka
• Barta dabka laga xukumo
Ceelka Buqleeya iyo  jadhleeya 
• Beddalada dhuumaha biyo soo saarka
• Beddalada mashiinka 

Siyaasadda iyo Shuruucdda Biyaha 
Sharicga Biyaha oo hor yaala golaha Wakiilada si loo ansixiyo, madaxwaynuhuna u ansixiyo sharcigaas oo Wasaaradda ka caawinayso:-
Ø In si haboon loo maareeyo khayraadka Biyaha
Ø In adeeg hufan loo fudiyo Magaalooyinka 
Ø In la xagaajiyo habnidaamikii xafiisyada
Ø Hagaajinta wada shaqaynta xafisyadda  Wasaaradda Gudaheeda 
Waxyaabaha Qabsoomay
Ø Wada shaqayn badan baa u qabsoomay Wasaaradda si aan loogu dhex tuurin Putland iyo Somalia marka la qorshaynayo mashaariicda bini-adamnimada
Ø Waraddaradu waxay samaysay qayb madax banan oo khusaysa biyaha

Caqabadaha
Ø Dhaqaale xumo iyo miisaniyadda oo aad u yar taas oo dabin ku noqotay Wasaradda
Ø Shaqaalaha aqoonyahanada ah oo aad ugu yar, dhaqaale xumo darteed
Ø Qalabka Wasaaradda oo ah  caqabada weyn siiba Riigaga ceelasha lagu qado
Ø Shuruucda lagu maamulo Biyaha oo aan wali la ansixin, taas oo dhalisay in xitaa lagu  mormo  masuuliyadda biyaha taas oo wasaradaha qaar ku andacoodaan in ay masuul ka yihiin qaybo ka mid ah biyaha xalka sharciguna tilmaamayo in biyaha dhamaan Wasaaraddu ka masuul tahay iyadoo Wasaarado kale kaalin ku leeyihiin maarayntooda
Ø Waxaan jirin wax dakhli ah oo ka soo xarooda biyaha la isdicmaalo oo la soo ururinaayey  waxqabka Wasaaradda
Ø Xidhiidhka  Hay’addaha biyaha 

Waaxda Tamarta
Waaxdu waxay dib ugu noqosho ku samaysay, qorshihii shanta Sano ee Tamarta.
Waxay waaxdu kordhisay bahwadaagta dhinaca Tamarta
Haatan waxay heshiis la gelaysa Bisha Cas ee Somaliland,waxa iyana ku jira ajendaha UNDP iyo DAI
Iyadda oo bisha Cas Kaashanaysi waxay tababar u fidisay dhinac waxa  soo saarka iyo farsamaynta walxa laga sameeyo dhoobadda (Ceramics A-Z) lix Shaqaale ah oo ka socda Waaxda iyo kuwa Bahwadaagta la ah ee wadanagi ah, Tababarkaas oo socday  23 Maalmood.
Waxay dhabada u sii xadhay oo la sugayaa in la bilaabo Samaynta Xeerarka iyo habraacyada nidaam ee Tamarta Somaliland(Somaliland Energy regulations and legal frame work)

Waxaa isna socda horumarinta Rugta Kayd ee Waaxda
Waxaa iyana Socda oo lagu guda jiraa  Gacan ku dhigista Dhul u gaar ah Tamarta dhammaan magaalooyinka Waawayn ee Somaliland(Taas oo  gaar ahaan  loogu tallagay horumarinta Tamarta  cusub ee joogtada ah (Renewable energy) ta dabaysha iyo cadceeda iwm.

Waxay bilawday soo afjarista turjumidda, Jihaynta, Tamarta ee dawladdu ansixasay.
Ugu danbayna waxaa isna sitimaanka bilaabmay barnaamijka baykhaaminta dhuxusha ee cad ceeda salka ku hayaa
Waaxda Macdanta 
Bishii May 2011 waxa soo booqday dalka khabiir Macdanta ah. 
Safaro lagu soo eegay  sahan dhul badan oo ay danayanyaan   khubaro ajaaniba  oo lagu tegay degaamo ka tirsan  Gobalka saaxil.
Shirkadahani waxay soo sahansadeen dhul baaxad leh oo laga sameeyo daraasad dhalin karta wax soo saar Macdaneed. 
Waxaa kale oo dalkeena yimid wafti ka socda Dalka Tanzaaniya oo uu hogaaminayo madaxa shirkadda ugu weyn ee ka soo saarta macdanta loo yaqaan (TANZANITE) waxayna booqdeen goobo ka tirsan Gobolka Awdal.  

Waftigani waxaa kale oo ay soo booqdeen goobo ka tirsan Gobalka Awdal oo ay soo xaqiijiyeen isu eekaanshaha labada goobood ee Somaliland iyo Tanzani, arintaas oo dhiiri galisay wax wada qabsi iyo taakulayn labada  Dal dhexmarta 
Wasaaradu waxay dhiirigalin weyn u fidisaa Shirkaddaha iyo Muwaadiniinta Somliland sidii Macdanaha ku jira dalkeena looga ogaado dunida kale iyadoo u ogolaata in la diro muunado kala duwan oo muujinaysa in dalka laga helo macdanahaas
Goobaha wax ka dhaafaan waxa la dhigay shaqaale u tababaran  baadhista macdanta si aan sharcidaro loola bixin.

Waaxda Maamulka
Waaxddu waxay diyaarisay xisaab xidhkii sanadkii hore ee 2010 una gudbisay Hantidhawrka Guud 

Waxaa kale oo ay waaxdu diyaarisay xisaabxidhkii sanadka aan ku jiro lixdii bilood ee ugu horeysay ee January ilaa june una gudbinay Wasaaradda Maaliyadda

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *