Hargeysa(ANN)Shirweynaha afraad ee Ururka SOLJA ayaa shlay lagu soo gebe-gebeeyay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa,  waxaana  lagu doortay 15 Xubnood oo ah Gudida fulinta ee Ururkaa, kuwaas  oo iyaguna iska sii dhex doortay Gudoomiye, Guddoomiye Ku Xigeen iyo Xoghaye guud.

iyadoo  loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Ururuka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, Gudoomiye Ku Xigeenna waxa loo doortay Saleebaan Ibraahim (Saleebaan Guray),halka Xoghayaha guud ee Ururka SOLJA loo doortay Maxamed-Rashiid Maxamed Faarax.
Hoggaanka cusub ee la doortay ayaa u mahad celiyay ergadii shirweynaha afraad ee codka aqlabiyadda ah ku doortay, waxaanay balan qaadeen inay sadexda sanadood ee ay maamulka ururkaasi hayaan ay dedaal weyn u geli doonaan sidii ay ururkaasi u dhaqaajin lahaayeen waxaanay ku doodeen inay ka shaqayn doonaan danaha iyo kor u qaadida xubnaha Suxufiyiinta Somaliland ee ku bahoobay ururkaasi.

Xubnaha kale ee Guddida fulinta ee shirweynahan lagu doortay waxay kala yihiin Barkhad Maxamuud Kaariye, Maxamed Cabdi Curad, Maxamed Jamaac (Caloolay), Maxamed Siciid Cabdilaahi (Xarago), Cali Jaamac Maxamed, Keyse Axmed Digaale, C/Salaan Xariir Sheekh Cismaan, Mustafe Sheekh Cumar Geeddi, Cali Aare, Nimco Samriye, Sahra Sh. C/Wahaab iyo Maxamed Shaqalle.

Waxa doorashada Guddida Fulintu u qabsoontay si hufan oo xor ah waxaana shirweynaha lagu kala saaray 27 Murashax oo isku soo taagay tartanka loo galay 15 xubnood ee Gudida fulinta SOLJA.

Guddoomiyihii Shirweynaha afraad ee Ururka SOLJA Yuusuf Ibraahim Warsame (Ilkacase) ayaa gabogabadii shirweynaha hadal uu ka jeediyay waxa uu bogaadiyay Hoggaanka cusub iyo Guddida fulinta ee la doortay. waxaanu u soo jeediyay inay iska xil saaraan sidii loo midayn lahaa Suxufiyiinta isla markaana looga shaqayn lahaa midnimada iyo danaha suxufiyiinta.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *