Download Mulkiilah...JPG (141.8 KB)

Hargeysa (ANN)-Naadiga akhristayaasha Jaamacadda ALPHA (Alpha readers Club) ee magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay mudada sannadka ah ee ay jiraan iyo buug ka hadlaya dhibaatooyinka dhinaca guurka la xidhiidha ee lagu hayo bulshada  la hayb sooco. Kulan

ballaadhan oo naadiga akhrisatayaasha Alpha toddobaadkan ku qabteen xarunta jaamacadda Alpha ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda Alpha, ardayda wax ka barta kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda, ardayda sannadkan ka soo baxay dugsiyada sare ee dalka, hal abuuro reer Somaliland ah iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay, iyada oo kulankaasnina lagu soo bandhigay buugga Hiil oo uu qoray Xasan Cabdi Madar, kaasi oo si qoto dheer uga sheekaynaya dhibaatooyinka lagu hayo beelaha la hayb-sooco, gaar ahaan dhinaca guurka.

Guddoomiyaha naadiga akhristayaasha Jaamacadda Alpha Mr. Cabdiweli Sheekh Cabdi oo ugu horayn xafladaasi ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray naadigoodu, waxyaabaha u qabsoomay iyo waxyaabaha u qorshaysan xilligan, isaga oo xusay in mudadii ay jireen sameeyeen wacyigelin badan oo la xidhiidha wax akriska, isla markaana ay ka qaybgaleen tartamo loo qabtay naadiyada wax akhriska ee dalka ka jira. Waxaannu sheegay in Jaamacadda Alpha tahay ta qudha eel eh naadi akhris marka la eego jaamacada badan ee dalka ka jira.

Waxa Guddoomiyaha naadiga akhriska Alpha uu tilmaaamay faa’iidooyinka akhrisku u leeyahay dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda, isaga oo xusay in akhrisku kaabo aqoonta iyo waxbarashadda da’yarta iyo qaybaha kala duwan ee mushtamacu u baahan yihiin.waxaannu tilmaamay in naadigoodu kaalin ka qaadan doono sidii bulshadda loogu baraarujin lahaa wax akhriska, isla markaana ay soo bandhiggi doonaan buuggaan laga qoray mawduucyo kala duwan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha Mr. Maxamed Xuseen Muwaadinka oo isna halkaasi a hadlay ayaa ka waramay in sababta loo aasaasay naadiga akhriska ay tahay sidii loogu dhiirigelin lahaa wax akhriska si ay suurtagal u noqoto in hadhaw wax akhristayaashu u noqdaan qorayaal, wuxuuna sheegay in  Jaamacadda Alpha  tahay jaamacadda qudha eel eh naadig akhris, isaga oo tilmaamay inay jaamacad ahaan si weyn u dhiirigelin doonaan naadiga akhriska jaamacadda Alpha si uu u noqdo naadiga bulshadda iyo dadka aqoonta jecelba faa’iido u yeesha.

Buugga Hiil ee naadiga akhriska Jaamacadda Alpha soo bandhigeen waxa si wada jir ah u akhriyey suxufiga weyn ee Maxamed Xasan Cali (Weji) iyo Cabdixakiim Maxamed Cabdi oo ah arday ka tirsan jaamacadda Alpha, waxayna halkaasi ka akhriyeen qaybaha kala duwan ee buugu ka kooban yahay iyo dulucda buugga Hiil xambaarsan yahay ee la xidhiidha dhibaatooyinka dhinaca guurka ah la xidhiidha ee lagu hayo bulshadda la haybsooco.

Waxa isna halkaa ka hadlay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka tirsan hormuudka Jaamacadda Alpha, isna ka hadlay buuga la soo bandhigay, isaga oo xusay in aanay xilligan jirin wax dhibaato ah oo ka taagan haybsooca, balse ay jiraan dhibaatooyin la xidhiidha dhinaca guurka oo lagu hayo beelaha laga tirada badan yahay, waxaannu soo jeediyey in arrintaasna fiiro gaar ah loo yeesho.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *