Sida cilmiga saynisku u sheegay maskaxda aadamigu waxay ka kooban tahay qaybo fara badan oo kala shaqo duwan. Qaybaha kala duwan ee kala xilka ahi waa sidatan qaybta maskaxda ugu muhimsani waa qaybta loo yaqaan cerebrumka

waana qaybta ugu muhimsan maskaxda waxayna qaabilsan tahay fekerka, qiyaasta, go’aan qaadashada, wax malaynta, dheeli tiranka iyo hawlo kale oo fara badan. Alkohoshu waxay saamaysaa qayb ka mid ah cerebrumta oo qaabilsan dheelli tiranka, qiyaasta iyo fekerka, laakiin qaybaha kale ee cerebrumta ma saamayso. Sida alkohosha oo kale darooyinka kala duwan midiba qayb ka mid ah maskaxda ayay saamaysaa.
Sida aynu ka warqabno qaadku wuxuu saameeyaa qaybta cerebrumta qaabilsan daalka, hurdada, galmada, hadalka, fekerka iyo waxyaabo kale. Waxaa la og yahay in ruuxu markii uu cunayo qaad aanay hurdo iyo daal toona qabanayn hadalkana waa badiyaa in kasta oo uu dadka qaar aamusiiyo, xagga galmada naagahana waa dilaa in kasta oo dadka uu qaar u badiyo mid kasta oo ay tahayba waa is beddel ku dhacay oo uu ka tegey caadigii. Daawyoonka xanuunka jebiya waa maan dooriyeyaal saameeya cerebrumka qaybta u qaabilsan dareenka xanuunka.
Dadku waxay quraanka ka raadiyaan ereyga qaadka taasina waa u maan gaab waayo qaadku wuxuu lee yahay qabiil sidaas darteed qabiilka oo dhan ayuu quraanku isku qaadayaa oo uu wada xaaraantimaynayaa ee mid mid gaar uma qaadayo. Sida ku cad quraanka wuxuu Alle csw naga reebay khamriga, cabistiisa iyo ka ganacsigiisaba dheeho aayaddan:
يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْخَمْرِ وَالْمَيْسِرِ قُلْ فِيهِمَا إِثْمٌ كَبِيرٌ وَمَنَافِعُ لِلنَّاسِ وَإِثْمُهُمَا أَكْبَرُ مِنْ نَفْعِهِمَا وَيَسْأَلُونَكَ مَاذَا يُنْفِقُونَ قُلِ الْعَفْوَ كَذَلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمُ الْآيَاتِ لَعَلَّكُمْ تَتَفَكَّرُونَ(البقرة 219)  . يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا إِنَّمَا الْخَمْرُ وَالْمَيْسِرُ وَالْأَنْصَابُ وَالْأَزْلَامُ رِجْسٌ مِنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ فَاجْتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ(المائدة 90).
Aayadahaas iyo kuwo kale ayaa Alle ku xaaraantimeeyey khamriga iyo waxyaabo kaleba hase yeeshee maqaalku wuxuu ku saabsan yahay khamriga. Wuxuu rasuulkuna csw dhahay “wax kasta oo ah maan dooriye waa khamri khamriguna waa xaaraan”.
4253 حَدَّثَنَا إِسْحَاقُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ الْحَنْظَلِيُّ أَخْبَرَنَا عِيسَى وَابْنُ إِدْرِيسَ عَنْ أَبِي حَيَّانَ عَنِ الشَّعْبِيِّ عَنِ ابْنِ عُمَرَ قَالَ سَمِعْتُ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَلَى مِنْبَرِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ أَمَّا بَعْدُ أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّهُ نَزَلَ تَحْرِيمُ الْخَمْرِ وَهْيَ مِنْ خَمْسَةٍ مِنَ الْعِنَبِ وَالتَّمْرِ وَالْعَسَلِ وَالْحِنْطَةِ وَالشَّعِيرِ وَالْخَمْرُ مَا خَامَرَ الْعَقْلَ *
Sida xadiiskan Bukhaariga ah ka muuqata waxay wax xaaraantimoobayaan markii ay noqdaan maan dooriye, haddii kale ma aha xaraan, sidaas darteed canabka, malabka, galeyda iyo qamandidu ma aha xaaraan marba haddii aanay ahayn maan dooriye waxayse xaaraantimoobayaan markii ay noqdaan maan dooriyeyaal.
3734 و حَدَّثَنَا إِسْحَقُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ وَأَبُو بَكْرِ بْنُ إِسْحَقَ كِلَاهُمَا عَنْ رَوْحِ بْنِ عُبَادَةَ حَدَّثَنَا ابْنُ جُرَيْجٍ أَخْبَرَنِي مُوسَى ابْنُ عُقْبَةَ عَنْ نَافِعٍ عَنِ ابْنِ عُمَرَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ كُلُّ مُسْكِرٍ خَمْرٌ وَكُلُّ مُسْكِرٍ حَرَامٌ و حَدَّثَنَا صَالِحُ بْنُ مِسْمَارٍ السُّلَمِيُّ حَدَّثَنَا مَعْنٌ حَدَّثَنَا عَبْدُ الْعَزِيزِ بْنُ الْمُطَّلِبِ عَنْ مُوسَى بْنِ عُقْبَةَ بِهَذَا الْإِسْنَادِ مِثْلَهُ * مسلم
3735 و حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ الْمُثَنَّى وَمُحَمَّدُ بْنُ حَاتِمٍ قَالَا حَدَّثَنَا يَحْيَى وَهُوَ الْقَطَّانُ عَنْ عُبَيْدِ اللَّهِ أَخْبَرَنَا نَافِعٌ عَنِ ابْنِ عُمَرَ قَالَ وَلَا أَعْلَمُهُ إِلَّا عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ كُلُّ مُسْكِرٍ خَمْرٌ وَكُلُّ خَمْرٍ حَرَامٌ *
Labadan xadiis ee Muslim qoray iyana waxaa ka muuqata in wax kasta oo maan dooriye ahi yahay khamri isla mar ahaantaasna uu khamrigu yahay xaaraan. Ereyga خَمْرٌ wuxuu ka soo jeedaa خمر oo macnaheedu yahay maan dooriye sidaas darteed ereyga خَمْرٌ macnahiisu waa maan dooriye, sidaas darteed waxa wax xaaraanimayna waa maan dooriyenimada haddii kale ma noqdeen maan dooriye, isla mar ahaantaas wax kasta oo maan dooriye ahi waa khamri waana xaraan.
Haddaba aan is weyddiinno ee qaadku ma yahay maan dooriye mase ma aha? Sida aan kor ku soo taabtay waa maan dooriye saameeye qaybta daalka, hurdada, hadalka iyo galmada u qaabilsan maskaxda qaybta ugu muhimsan ee loo yaqaan cerebrumka, sidaas darteed qaadku waa maan dooriye ama waa khamri, ninka ama naagta cuntaana waxay la mid yihiin ruux khamri cabbay, in kasta oo aqood darrida jirta awgeed uusan ruuxaasi isu qabin in uu khamri cabbo haddii aad ku dhahdo khariya cab ayaa tahayna laga yaabo in uu kula dagaalo.
Marka walaalayaal waxaan idiinka digayaa in aad khamri qaadataan nooc kasta oo uu yahay kana fogaantaan ganacsigiisa iyo cunistiisaba qaadku waa xaaraan maqdaca ah. Waxaan idiinku celinayaa walaalayaal cunistaa iyo ka ganacsigiisuba waa xaaraan qaadku waana khamri ee ka fogaada.
2082 حَدَّثَنَا قُتَيْبَةُ حَدَّثَنَا اللَّيْثُ عَنْ يَزِيدَ بْنِ أَبِي حَبِيبٍ عَنْ عَطَاءِ بْنِ أَبِي رَبَاحٍ عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِاللَّهِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّهُ سَمِعَ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ عَامَ الْفَتْحِ وَهُوَ بِمَكَّةَ إِنَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ حَرَّمَ بَيْعَ الْخَمْرِ وَالْمَيْتَةِ وَالْخِنْزِيرِ وَالْأَصْنَامِ فَقِيلَ يَا رَسُولَ اللَّهِ أَرَأَيْتَ شُحُومَ الْمَيْتَةِ فَإِنَّهَا يُطْلَى بِهَا السُّفُنُ وَيُدْهَنُ بِهَا الْجُلُودُ وَيَسْتَصْبِحُ بِهَا النَّاسُ فَقَالَ لَا هُوَ حَرَامٌ ثُمَّ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عِنْدَ ذَلِكَ قَاتَلَ اللَّهُ الْيَهُودَ إِنَّ اللَّهَ لَمَّا حَرَّمَ شُحُومَهَا جَمَلُوهُ ثُمَّ بَاعُوهُ فَأَكَلُوا ثَمَنَهُ قَالَ أَبُو عَاصِمٍ حَدَّثَنَا عَبْدُالْحَمِيدِ حَدَّثَنَا يَزِيدُ كَتَبَ إِلَيَّ عَطَاءٌ سَمِعْتُ جَابِرًا رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ *البخاري
Ruuxii qaad cunaa wuxuu la mid yahay qof khamri cabba ama daroogo qaata ee sidaas ogaada. Marka ruuxii doonaya in uu qaad si gaar ah uga dhex helo quraanka iyo axaadiista rasuulka waa uu qaldan yahay, wuxuu Alle iyo rasuulkiisuba noo caddeeyeen qaadka iyo qoladiisuba in ay khamri yihiin khamriguna xaaraan yahay. Marka rasuulka wuxuu na siiyey qeexidda ama tacriifta khamrigu in uu yahay wax kasta oo ah maan dooriye.
Waxaan ka codsnayaa culumadu in ay dadka u sheegaan daawooyinka laga sameeyey daroogada in ay daawo ahaan ku xalaaloobayaan iyo in ay xaaraan noqonayaan. Waxaanna u sheegayaa culumada in daawooyinka maanta adduunka laga isticmaalo kuwa ugu muhimsan ee cudurada dilaaga ah lagula dagaalamo ay yihiin darooga ama maan dooriyeyaal. Ereyga daroogo waa eray Griig ah oo macnihiisu yahay sunta.
Waxaan kale oo culumada doonayaa in ay ka hadlaan bunka iyo shaah oo ay ku kala jiraan daroogooyinka kala ah kafa’iin iyo ta’iin, ma xaaraantimoobayaan mase waa xalaal. Wixii faah faahin ah kala soo xiriir www.omersuleiman.co.uk

G/le Sare Omer Suleiman Ali            4/8/11

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *