Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha Ha’yadaha dawliga ah ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo qayb ka ah balanqaadkii xiligii Ololaha doorashada eek al hore Madaxweyne Siilaanyo ugu balanqaaday shacbiga in waxqabadka

xukuumaddiisa saddexdii biloodba mar dadweynaha losoo bandhigayo.
Qoraal dheer oo saxaafada maanta loo qaybiyay ayaa lagu sharaxay xog waranka  waxqabadkii sadexdii bilood ee la soo dhaafay u qabsoomay dhammaan wasaaradaha iyo Hay’addaha  dawliga ah ee dhinacyada siyaasada arrimaha debeda, arrimaha gudaha caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah. Waxaanu usoo gudbinaynaa si taxane ah, iyadoo aanu maalinba   wasaarad kusoo gudbin doono, balse qormada qoraalkan, waxaanu kusoo gudbinaynaa  waxqabadkii labada wasaaradood ee  wasaaradaha Maaliyadda iyo Duulista Hawada. Waxaanu warbixintii waxqabadkoodu u dhignaa sidan:-

Wasaarada Duulista Hawada
Madaaradda
Waxaa laga hirgeliyey Madaarada Dalka maamul wanaag, iyadoo lala dagaalamay musuqmaasuqii ragaadiyey Hay’adaha ka hawl-gala Madaarada. Taasi waxay sabab u noqotay inuu dakhligii Dawladu kordho labanlaab marka la barbar dhigo sannadkii hore.
Waxaa si rasmi ah looga mamnuucay dhammaan Madaarada Somaliland in Xafiisyada & Terminalada dhexdooda lagu isticmaalo Jaad iyo Sigaar.
Sidoo kale waxaa lagu soo rogay dhammaan Hay’adaha kala duduwan ee ka hawl-gala Madaarada Dalka oo ah muraayadda Qarankani leeyahay inay direys & aqoonsi u gaara yeeshaan si loogu garto hawl-wadeennimadooda
Iyadoo la fulinaayo ballan-qaadkii Xisbiga Kulmiye ee ahaa in shaqo abuuris loo sameeyo da’yarta reer Somaliland, waxay Wasaaraddu si rasmi ah u shaqaaleysay 73 qof oo u kala baxa sidan:-
a) Shaqaale ku meel gaadh ahaa muddo dheer oo dhan 39 qof,
b) Dhalinyaro Jaamiciyiin ah oo dhan 34 qof kuwaas oo Wasaaradda ku soo kordhiyey dar-dar cusub.
Mudadii gaabnayd waxaa la suura geliyey in tababaro iyo aqoon korodhsi loo
sameeyo shaqaalaha ka hawl-gala Madaarada.
Iyadoo Wasaaraddu fulinaysa siyaasadda Xukuumada ee ku saabsan tixgelinta shuruucda Dalka, waxay ugu horeyntiiba joojisay lacagtii aan sharciyeysnayn ee Wasaaraddu u qaadan jirtay (Navigation and Over fly charges).
sidoo kale waxaa Golaha Wakiilada la horgeeyey lana ansixiyey lacagta $ 3 ah ee
loogu talo-galay kharashyada adeegyada Madaarada, taas oo hore loo qaadi jiray
laba dollar oo ka mid ah, iyadoo aan xeer jideyn.
Iyada oo la dhiiri gelinaayo dhalinyarada iyo ciyaaraha waxay Wasaaraddu balaysintay sameysayna koox ku ciyaarta magaca Wasaaradda, taasoo ay maal-gelinteeda iska iska kaashadeen Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha.
8. Wasaaraddu waxay dayactir & dib u furis ku sameysay Madaarada Burco &
Boorama oo muddo xidhnaa, sidoo kale waxay gacanta Dawladda ku soo celisay
Madaarka Ceerigaabo, kaasoo hadda shaqeeya isaga oo qarameysan.
9. Waxay Wasaaraddu ku guuleysatay in deeq dhan $ 10 Milyan oo doller ay
Dawladda Kuweit uga soo hesho dhismaha & dayactirka Madaarada
Hargeysa & Berbera.
Heshiiskii deeqdaas markii qalinka lagu duugay, waxaa la bilaabay Mashruuca
wejigisii kowaad oo ahaa in daraasad sax ah iyo qiimeyn sugan lagu sameeyo
baahiyaha aasaasiga ah ee Madaarada Hargeysa iyo Berbera.
Mashruuca qeybta hore ee aynu kor ku soo sheegnay waxaa fulisay Shirkad
Kuwaitiyiin ah oo la yidhaahdo ( NARCO ), waxayna ku soo afjartay (4) bilood.
Haatanna si loo gudagalo wejigii labaad ee Mashruuca loona bixiyo qandaraaska, waxaa
Wasaaradda laga sugayaa in ay qeexdo waxa loogu qabanaayo lacagtaa deeqda ah.
Sidaa darteed, waxay Wasaaraddu mudnaanshaha baahideeda u astaysay sidan:-
1. Sameynta run-way cusub oo laga dhiso Hargeysa.
2. Deyr lagu sameeyo Madaarka Hargeysa
3. Deyr lagu sameeyo Madaarka Berbera
4. Navigetion Aid laga sameeyo Madaarka Berbera
Afartan Mashruuc oo lacagta ku baxaysaa ka badan tahay ta la innoogu deeqay, waxay
Xukuumadda Somaliland ka codsatay Dawladda Kuwait in deeqda la inoo kordhiyo.
Arrintaa jawaabteedana dhaqso ayaannu u filaynaa.
4.Wasaarada Maaliyadda
– Kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamada 100%.
– Tir-tiristii fee lacagtii dugsiyada h/dhexe caruurta laga qaadi jiray.
-Kor-dhinta miisaaniyadda Wasaaradaha adeega bixiya iyo kuwa nabad-gelyada.
-Jaangoynta mushahaarooyinka madaxweynaha iyo m/weyne ku xigeenka iyo goleyaasha qaranka.
-Idaacada Qaranka.
-isku xidhka telefoonada dalka iyo lahaanshaha gate-way.
-Yaraynta cashuuraadka iyo dib-u-habayntooda.
-Xaraynta dakhliyaddii khasnada dawaladda baal mari jiray.
-Gudbinta xisaab xidhka.
-Bedelida lacagtii Gobolka Togdheer.
-Dhismihii biriijka.
Qorshaha Wasaaradda:
Waxa qorshaha noogu jira sannadkan in la bilaabo cashuur gadista baabuurta.
Cashuur gadista isgaadh-siinta, wershadaha laydhka iyo suparmarkts-
La soco….

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *