Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha Ha’yadaha dawliga ah ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo qayb ka ah balanqaadkii xiligii Ololaha doorashada ee kal hore Madaxweyne Siilaanyo ugu balanqaaday shacbiga in waxqabadka xukuumaddiisa

saddexdii biloodba mar dadweynaha losoo bandhigayo.
Qoraal dheer oo saxaafada maanta loo qaybiyay ayaa lagu sharaxay xog waranka  waxqabadkii sadexdii bilood ee la soo dhaafay u qabsoomay dhammaan wasaaradaha iyo Hay’addaha  dawliga ah ee dhinacyada siyaasada arrimaha debeda, arrimaha gudaha caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah. Waxaanu usoo gudbinaynaa si taxane ah, iyadoo aanu maalinba   wasaarad kusoo gudbin doono.
Qaybtii shalay ayaanu kusoo gudbinay wasaaradda arrimaha Debeda, iyadoo qaybtana aanu kusoo gudbinayno  Wasaarada Arrimaha gudaha 

Qoraalka Warbixinta waxqabadka wasaaradaa  waxa uu u dhignaa sidan:-
Wasaarada Arrimaha Gudaha
NABADGELYADA:
a)- Shirarkii nabadda ee Widhwidh
b) kuwii SSC-da
c)- shaqaaqadii Kalshaale
d) Ceelbardaale
e) Booliska
Waxqabadka Ciidanka Booliska
Bilaha Maxkamad Xukun Heshiis Been Baadhis Total
April 2011 610 195 537 186 132 1465
May 2011 580 212 564 178 121 1443
June 587 254 622 338 60 1587
f) ciidanka ilaalada xeebaha
11 laash oo loo dayactiray saldhigyada Berbera, maydh, Saylac iyo Lughaya
Waxa la dayac tiray dekedda dabbaalata ee laashshka berbera
-tababar isgaadhsiinta ah oo ay ka soo qaybgaleen 30 askari ciidanka ilaalada xeebaha
-dhammaystirka qorista ciidan cusub oo ilaalaada xeebaha ah
-dayactirka iyo dhisme cusub
-budhcad badeed la qabtay.
-Bishii Afraad waxa taliyaha ciidanka ilaaladu u baxay xeebta ilaa laaso surad isagoo siimaray xeebta bada, isla bishaa afraad abaanduulaha ciidanka ilaalad ayaa kormeer ku tegay xeebta galbeed ilaa lawyacado.
-Waxa la dhamaystiay qorista ciidan cusub oo ilaaladu yeelato.
-Waxa la dayactiray dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha ee demada Saylac,
-Waxa la dhisay hangar furusta lau siiyo ciidanka dhibooga ah ee cusub.
-Waxa dusgisa cusub ee dhibooga loo sameeyy musqulo iyo barkado biyaha lagukeydiyo.
-Waxanu fashilinay fal ay budhcad badeed rabeen inay inay xeebaha Saylac kaga afduubaan doonyo kalluumaysi.
g) laanta socdaalka
Waxa la xakameeyay tahriibta dadka ka dib markii ay iskaashi la samaysay Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Xuduudaha Bariga Jooga.
2. Dhismaha Xafiis laanta socdaalka ee Saylac oo hada socda
3. Waxaa la sameeyay data base lagu kaydiyo nidaamka Baasaboorada Somaliland.
h) Miinada wadanka laga sifeeyay
Walxaha qarxaha ee ay Hay’addu soo ururisay
? April Miinada lidka dadka 4 xabo
? Noocyada loo adeegsado qaraxa 90 xabo
? Tim Pump 5 xabo
? Pump faal 2 xabo
Dhulka laga sifeeyay walxaha qarxaha April ilaa june
Hargeysa Air port 32,966mitir Square
Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo adeegyada kale
Dhinaca dhaqaalaha, waxa lacagtii Giinbaarta ahayd laga bedelay gobolka Togdheer.
Waxa loo kordhiyay 100% mushaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada.
Waxa la tirtiray fiigii laga qaadi jiray ardayda dugsiyada Hoose/Dhexe.
Waxa la kordhiyay miisaaniyada Wasaaradaha adeegga bixiya iyo kuwa nabadgelyada 70%
Waxa la jaangooyay mushaarooyinka, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Goleyaasha Qaranka.
Waxa la abuuray Gate way ay dawladu leedahay (Isgaadhsiinta )
Waxa la xareeyay dakhliyadii khasnadda dawlada baal-mari jiray oo dhan.
Waxa la gudbiyay xisaab-xidhkii sanadka 2010 markii ugu horaysay.
Waxa la dhamaystiray Biriijkii 2-aad ee Hargeysa oo shan-sanadood qaybo ahaa.
Arrimaha Bulshada:
Waxa la dhisay xarun lagu daryeelo caruurta darbi-jiifka ah.
Waxa la diyaariyay siyaasad qaran oo la xidhiidha dabar-goynta gudniinka fircooniga ah.
Waxa la hirgeliyay nidaamka ogolaanshaha shaqaalaha ajaanibka ah.
Waxa la hubiyay sinaanshaha fursadaha shaqo ee muwaadiniinta.
Waxa hubin iyo wax ka bedel lagu sameeyay xeerka shaqaalaha rayidka ah.
i) Jidadka iyo dhismeyaasha la hirgeliyay
Waxa la hir-geliyay dhisme casri ah oo loo dhisay wasaaradd Gaashaandhigga oo 3 Dabaq ah
-waxa la dayactiray cisbitaalka ciidanka qaranka JSL
-dugsiga tababarka ciidanka qaranka dararweyne oo dhismihiisu dhammaystirmay
Hargeysa ilaa Dila.
-Dayactirka wadada Oog-Burco.
Waxa la bilaabayaa dayactirka waddada tuulada Crusher – Hudusa.
Waxa laga hirgeliyay Debis meesha la yidhaahdo xarun loogu talogalay dalxiis oo laga dhisay saddex qol oo dalxiisayaashu seexdaan, saddex hall oo waaweyn iyo laba barkadood iyo hal dhaam iyo laba kun oo geed oo baxarasaaf ah.
Hal Bakhaar iyo darykiisii ayaa laga dhisay xaga dambe ee xarunta Manaahijta, kaasi oo loogu talo-galay in lagu saxo imtixaanaadka shahadiga ah.”

Lasoco…….

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *