Kulanka aan loo kala hadhin iyo fagaaraha weyne ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo kula hadal reer Gabiiley, waxay ka dhigtay magaaladii ugu horeysay ee uu inta xilkan loo doortay uu fagaaare kala hadlo. Waa astaan muujinaysa mudanteeda. Gabiley waa mudanta Kulmiye, waa gobalka

halgankii SNM ka hanoqaaday. Waa gobal ku caana muruq maalnimo, xaq doon iyo milgo ay u hayaan madaxda qaranka. Goob soo dhoweyn iyo gacmo furan la barbar taagan madaxdooda. Madaxweyne Siilaanyo iyo Gabiley waa dad ay ka dhaxayso xishmad iyo maamuus, qadarin iyo abaal-marin. Waxay tahay meel aan KULMIYENIMADEEDA caad sarnayn, meel madaxweynaha la wadagta fikir siyaasadeed iyo mabda’.. Waxaana marag ka ah kalsoonidda iyo taageerada ka dhaxaysa Madaxweynaha iyo gobalka.

Taas macnaheedu ma aha inay tahay goob guulwade sida raqiisnimada ah ee qormooyinka qaar ku tilmaameen. Ka dheer oo ka qaayo weyn in taas loo xanbaariyo. Waxay taqaan milgaha loo maro qadyadeeda, tabashadeeda, tilmaanteeda iyo diidmadeedaba. Ka daaya ceebeenta gobalka oo eega boqolaalka kun ee farxadda la wadaagay madaxweynha. Inta garatay inkasta ooy wax tabanayaan, haddana in guusha sanadka la hantay tahay mid qadarin mudan ooy farxadeeda ummadda la qabaan, iyagana waa u gaar oo guusha si gaar ah ayey u tirsanayaan. Ma aha Gobal sadbursi iyo awood boob looga bartay, ma aha gobal la duda naf jacleysi iyo dan qofeed.

Dalku waa dimuquraadi. Rayiga oo afka leyskaga duuba ma jiro, gacanta oo qalinka leyska qabtaa ma jirto, hididaad iyo cago-juglayni ma jirto, ee sida inta yari xaq u leedahay ha loo siiyo inta badana. Ishaadu ha qabato boqolaalka kun ee damaashadka ku soo dhoweynaaya Madaxweynaha oo xaqooda sii, yeyna ku indhotirin dacaayadda la subkay, dhugo shacbiga garabka isku haya, dhegeyso reynka iyo ululugta dibnahooda ka soo baxaaya, maqal sacabka iyo durbaanka isu jiibinaaya.

Gabiley waa Kulmiye, KULMIYANA WAA GABILEY..Madaxweyne Axmedna waa aabaha Kulmiye, waana madaxa ay sida deeqsinimada ugu codeeyeen..Waa Gabiley tii uu Mad. Axmed Siilaanyo uu hiilka ka heli jiray kol kasta ooy marxaladdii mucaaridnimo cakirantaba. Inkasta oo dalkoo dhan looga codeeyey si mug leh haddana hab-degaan siyaasadeedka Somaliland (Geo-politics) waxa la ogyahay in Gobalka Gabiley iyo Waqooyiga Hargeysa yihiin lafdhabarka xaqiijinta guusha Kulmiye, maantana taageerda buuxda la barbar taagan Madaxweyne Siilaanyo. Ma aha wax walba waa sax iyo hagaag. Dunidaba sidaas looma uumin. Qaladbaa jira, cabashaa jirta, waxbaa la tabanayaa. Waxa se hubaal ah in sanadkan wax badan la qabtay, xawaaraha waxqabadkuna yahay mid dhowr jeer ku laban-laabmaaya kii xukuumaddii hore. 

Xaasha, Madaxweynaha umeynu dooran dan gaara iyo xukun eexo. Waxa Gabiley u dan ah ayaa gobalada kalana u dan ah, waa iyadoo dalkoo dhan la horumariyo iyadoo la eegaayo meel kasta baahideeda, qabnigeeda, iyo kheyraadka u gaarka ah. Waa ha la qabto kolba inta ugu wacan ee la qaban karo iyo goobta laga qaban karo.
Beenta la buunbuuniyey ee la gobaleeyey ee la faafiyey, waxay noqotay mid cimiri gaaban . Maanka fayoobina horeyba wuu u diiday, kii kalena indhihiisa iyo dhegehiisaa manta qanciyey. Waxa ina hor timid xaqiiqda dhabta ah iyo taageerda salka ballaadhan ee gobalkani u hayo Madaxweynaha siday horeyba ugu xaqiijiyeen marar badan codka ay siiyeen xisbiga Kulmiye.

Xukuumaddu shacbiga ayey shaqaale u tahay. Waana waajib la-xisaabtan, tabasho, cabasho, tilmaam iyo dhaleecaynba. Sharcigaa ogol. Hab loo maraa jira. Ma nihin dal car-juuq dhe iyo tacadi lagu hayo fikirka xorta ah. Waxa se habboon in si asluub ah oo nidaamsan loo maro. Sheeg fikirkaaga si xor ah oon cabsi lahyn, ka daa aflagaado iyo cay.  Waxii qaldan tilmaam, la kaalay barnaamaj mucaarid. Waayo mucaarid laáani waa dimuquraadiyad laáan.

Waa inagoo dhammaan wadajir ahaan u ilaalin xaqqa fikirka xorta ah, iskana jirna cayda iyo sharci-jebinta iyo wax kasta oo nabadda iyo nidaamka inaga qasaaya. Mana nihin dalalka keli-talisku ku habsaday een haysan sifo sharci oo ay mucaarid ku noqdaan amba fikir ka duwan kan xukunka haya la yimaadaan.
Waa Saoomaliland oo wada jirta, dalkoo dhammaan la horumariyo, cadaalad iyo sinaan lagu maamulo, iyo rumeynta maamul daah-furan oo ilaaliya sharciga, sharciguna qabto. 

Nabad iyo Mahad Alle,

Ahmed Hassan Arwo

Samotalis@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *