Waxaan U Sharaxanahay Xil Wasiir,By. Qasim A Saleebaan

Sida laga war-qabo waxaa la filayaa in mudo yar ka dib ay qabsoomi doonto dhamaystirka xulashadii Golihii Baarlamaanka Soomaaliya oo hada heer gabo-gabo ah ku dhow, kuwaas

oo sidaan ka war-qabno iska dhex dooran doona Gudoomiye Baarlamaan.
Intaasi markay qabsoonto ayaa hadii illaahay ogolaado la gaari doonaa doorashada tartanka dad badani indhaha ku hayaan ee Madaxweynenimada Waddanka Soomaaliya.
Sida laga war-qabo waxaa xilkan u sharaxan shacabka Soomaaliyeed gebi-ahaantii oo Rag iyo Dumarba u dhan, qofwalbana waxuu doonayaan inuu Waddankan ka noqdo Madaxweyne. Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa hadda isu soo qaawiyey xilkan oo diyaar u ah inay Cawradooda daboolka ka qaadaan, tusaana dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo weliba Aduunkoo dhan tiro Rag iyo Dumarba ku dhow Boqoleeyo,  kuwaas oo si aan yax-yax lahayn intay dadka hortooda u soo is-taageen ku hadaaqay inay xilkan u taagan yihiin.

Hadaba, waxaa is-weydiin u baahan waa kuwama dadkani? Maxayse xilkan u doonayaan? Maxaanse talo u soo jeedinayaa?. Waxaa hubaal noqonaysa in qof walba ka bixinayo jawaab su’aalahan kuwaas oo kala duwanaan kara, balse waxaan shaki lahayn in ay jirto jawaabo dad badani isku aragti ka noqon karaan oo isku raaci karaan, Akhristahana way u furan tahay aragtidiisu.

Anigoo ka faa’iidaysanaya qoraalkan ayay iila muuqatay inaan Shacabka Soomaaliyeed u iftiimiyo aragtidayda ku wajahan jawaabaha su’aalahan: Hadaan ku bilaabo su’aasha hore, Dadkani (xildoonayaal), waa kuwo dhamaantood xilal ka soo qabtay Waddankan, xajmiguu doonaba xilkaasi ha la’ekaadee, xiligay doontana ha ahaatee, bal dib u milicsada taariikh nololeedkii xildoonayaashan.

Kuwii xiligii dowladii ugu danbeysay ee aduunka laga aqoonsanaa gobolada waddanka maalinba gobol burburinaysay ka qayb qaatay amaba sacabka u tumayey ayaa xildoonadan ka mid ah.
Kuwii markii shacabka Soomaaliyeed deegaan-deegaan isu laynayey inna hor boodayey, inna abaabulayey, innana dagaal-gelinayey ayaa xildoonadan ka mid ah.
Kuwii gaadhsiiyey waddanka  xaalada uu maanta ku sugan yahay ee gacanta  u geliyey in maamulkii iyo taladii waddanku gacanta soomaalida ka baxdo, isla markaana u gacan gasho  gumeysi arxan daran oo aan wanaag iyo nolol midnaba u ogolayn ayaa ka mid ah dadka xildoonka ah. Waxaa suurowda in akhristaha shaki ka galo cidda gacanta waddanka gelisay shisheeyaha,  balse oggow dhalinyarada hada dagaalamaysa ragii sameeyey ee horjoogayaasha u ahaa ayaa hadana xildoonadan ka mid ah.
Kuwii ku caanbaxay qaadashada lacagaha lagu burburinayo Diinta Islaamka oo aynu wada ognahay ayaa xildoonka ka mid ah.
Kuwii dowladaha shisheeye u isticmaalay aarsiga deegaanada bulshada qaarkood  iyo xasuuqista shacabka ayaa xildoonkan ka mid ah. kuwii markii xasuuqa shacabku socday ku faraxsanaa ee u sacabinayey ayaa xildoonkan ka mid ah. kuwii Badda iyo Berrigaba wadamo kale siiyey ee u saxeexay ayaa xildoonadan ka mid ah. Kuwii markii shisheeyihii meesha keenay  ee ka gaadhay dantii uu ka lahaa,  amarka ku siiyey inay is-casilaan ee ka yeelay ayaa xildoonkan ka mid ah.

Kuwo hada dhegta loogu sheegay waanu ku soo saaraynaaye waa inaad waxii aan kaa doonaba noo yeeshaa oo dano wadamo kale wada ayaa xildoonkan ka mid ah. Kuwii markii Culimadii diintu is-qabatay ee khilaafku soo kala dhex-galay kala jihayn waayey ee isku jebiyey ayaa xildoonadan ka mid ah. 
Kuwii waxii aduunku ugu deeqay dadkii gaajada u dhimanayey jeebkooda ku shubtay, hungurigoodana mariyey ee weliba calooshooda dhigay, Ubadkoodana ku quudiyey ayaa xildoonadan ka mid ah.
Isku soo wada duuboo ma jiro xildoon ka nadiif ah masiibooyinkan waddanka ka dhacay, hadana waxay u hamuun qabaan xatooyo, burburinta iyo barakicin  hor leh oo ay kula kacaan inta yar ee nafta silica-lihi ku sii jirto. Akhristow Dadkani waa kuwo astaamahaas kore ku sifaysan sida xaqiiqadu tahay; haday xataa yihiin, Aabahaa/Aabahay; Walaalkaa/Walaalkay; Adeerkaa/Adeerkay; Ehelkaa/Ehelkay; Xididkaa/Xididkay; Adiga ama Anigaba.

Jawaabta su’aasha labaad hadaan u soo daadego waxaan shaki lahayn waxa xildoonadan tirada badani doonayaan iyo qorshaha ka dambeeya isu soo sharixidoodan xilka Madaxweyne oo in badan oo ka mid ahi og-yihiin in aanay heliba doonin wax cod ah amaba cid u codaysaba, inay Madaxweyne noqdaan haba joogtee. Dhamaantoodna waxay doonayaan xil, si ay u helaana waa inay baadigoobaan meeshii ay ka soo cidhiidhsan –lahaayeen,  ama kasoo geli lahaayeen in ay xil ka helaan Xukuumadda dhalan doonta, awoodii uu doonaba ha la-haado xilkaasiye’: Wasiir, Wasiir kuxigeen, Agaasime, Maareeye, Gudoomiye, Qunsul iwm. Taasi waxay tusaale cad u tahay sida xildoonadani ugu hamuun qabaan waxyeelada Dalkan iyo Dadkan, taas ayaana keentay in tiro aad u badani hadda isa soo qaawiso, lacago badana ku bixiyaan sidii ay ugu gor-gortami lahaayeen xil Wasiir; iyagoo doonaya inay xilkan ku doontaan ‘Miyaadan i garanayn, Hebel baan ahay oo xilka Madaxweynenimo isu soo taagey’.
Talo soo jeedin: Xildoonayaashan tirada badan waxaan leeyahay hungurigiina dib u liqa, dadku waa idin yaqaanaan codkoodana idin siin-maayaan; gaar ahaan horjoogayaashii xukuumadan hadda u dambaysay maamulka haysey. Shacabkana waxaan u soo jeedinayaa in aanay ku dhicin dabinada iyo beerlaxawsiga ay ka dhex wadaan shaqsiyaadka danaha gaarka ah lihi oo ay ka koraan u sacabinta maanta ah iyo qoomamada berrito ah.
Qasim A Saleebaan
Kasslmn@aol.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *