Garyaqaan  Maxamed Maxamud Xaashi  ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay Magacaabista uu cadaaladda u magacaabay Guddi ka shaqaysa sixitaanka Cabashooyinka ka soo baxaya Dadweynaha waxaanu sheegay inay arrintaasi ka hor imanayso Distoorka.

Qoraal uu garyaqaanku kaga waramayo Magcaaabista iyo Hawlaha ay guddi Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u magcawday arrimaha garsoorka Dalka oo faahfaahsani waxa uu u dhignaa sidan:-
Horta waxaan sharciyan xaraan ah dastuur ahaan in madaxwaynuhu gudi wasiiro ah u magacaabo cabashooyinka garsoorka  waxaanay ka hor imanaysaa taasi qod:37 ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland  oo sheegaya in dowladu u qaybsanto saddex waaxood oo kala ah fulinta, sharci dajinta ,garsoorka mid walibana waxay shaqadeed u gudanaysaa si madaxbaan oo aan lagu fara galin Karin waxaana cad  mar haddii guddi wasiiro ah loo magacaabo garsoorka in la faragilyey shaqadii garsoorka oo aanay jirin madaxbanaanidii garsoorku waana fargalin lagu fara galiyey garsoorka shaqadoodii iyo kiisaskii ay qaadayeen  waxaanay taasi  marag u tahay xamashadii garsoorka lagu xamanayey inaanu madaxbanaanayn xukuumaduna way cadaysatay arinkaasi.
2   sidoo kale qodobka 97 ee dastuurka jamhuuriyada somalilaand wuxuu sharaxay  shaqada garsoorka waxaanu leeyahay garsoorka shaqadiisu  waa inuu u garnaqo dacwadaha ka dhexeeya dowlada iyo shicibka, khilaafka haya’daha dowlada, khilaafka dadwaynaha  iyagoo shaqadooda u gudanaya si madaxbanaan oo kalsooni leh
Qodobkani wuxuu sifiican u sharaxayaa shaqada garsoorku uu qarankan u hayo waana kii u garnaqayey dowlada iyo shacabka ee qabanayey ama xukumayey dowlada oo ah golaha fulinta hadii golahii fulinta uu gudi u magacaabo garsoorkii shaqadii garsoorkana maamulo side uu ugu garnaqayaa dadwaynaha iyo dowlada  waxaana meesha ka baxaysa kolsoonidii muwaadiniintu ku qabeen cadaalada oo haddii qof muwaadin ah uu wasiir ka tirsan xukumada ay isqabtaan ama dacwadi ku dhexmarto maxkamada kama sugayo cadaalada haddiba loo yeedhinayo ama lagu maamulayo shaqadii garsoorka  waxaana cadaan ah inaanu garsoorku u garnaqi Karin xisbiyada iyo dowlada ,barlamaanka iyo dowlada oo aanu madaxbanaanayn
3  sida ku cad qodobka 106 ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland wasaarada cadaaladu waxay u xil-saarantahay  fulinta go’aanada ka soo baxa gudida cadaalada oo uu gudoomiye u yahay gudoomiyahay maxkamada sare taasi oo macnaheedu yahay shaqada wasarada cadaaladu u qabato garsoorka waa inay fuliso amarada maamul ee ka soo baxa gudida cadaalada ,wasiirka cadaaladuna ma toosin karo garsoor awood sharcina uma laha inuu ka hadlo arimaha ku shaqada leh kiisas iyo cabashooyin loogu cowdo waxaanad moodaa sida uu u hadlayo inaanu garanayn-shaqadiisa iyo roolka uu ku leeyahay garsoorka inuu yahay oo kaliya fulinta go,aanada maamul ee ka soo baxay gudida cadaalada waxaanu ku gafay qodobka 106 ee dasturka  waxaanu wasiirku cunaqbatayn ku hayaa dhaqaalaha garsoorka uu wali gacanta ku hayo isagu sharci u fasaxayaana  aanu jirin dhibaatada ugu badan ee maxkamadaha haystaana ay  tahay iyadoo maxkamaduhu  dhaqaale ahaan iyo maamul ahaanba uu madaxbaneeyey dastuurku sida ku cad qodobka hore e 37 e dastuurku
Waxaanan ku talin lahaa in xukuumadu ixtiraamto dastuurka oo aanay ku tuman sharciga golaha wasiiraduna aanay sixi Karin garsoorka magacaabitaanka loo magacaabayna uu yahay sharci darro badheedha oo ay xukumadu ku hayso garsoorka  kuna xadgudubtay dastuurka  khaas ahaan qodobada 37,97,106 dastuurka jamhuuriyada Somaliland  haddii aan talaabadaasi laga noqona ay keeni doonto cadaalad darro waligeed ah oo aanay dadwaynaha iyo xisbiyada iyo haya’daha kale ee dowladuna aanay ku kalsoonaan cadaalada  waxaanad moodaa in xukumadu caadaysatay ku xad-gudubka dastuurka Somaliland
Run ahaantiina garsoorka waxa dabada haya xukumada  oo dhaqaale ahaan iyo faragalinba ku haysa garsoorka  waxaana madaxwaynaha  Hal sano iy badh ah laga sugayaa xubnihii maxkamada sare  taasoo ah  waajib gudasho la’aan uu madax waynuhu ku samaynayo  maxkamada sare iyadoo dadwaynahana culays badan ay ku haysa garsoorkana  waxa dhibaatada ugu badani ka haystaa waa xukumada xaqiiq ahaan  haddii cadaalad darro jirtana waxa sabab u ah.
xukuumada imikana  waxay marays inay gudi u saarto garsoorka oo lagu maamulo kiisaskii ay gacanta ku hayeen  ama uu golihii fulintuba noqdo meel garsoorka lagaga cowdo oo sax waana gaf sharci oo ay xukumadu ku hayso garsoorka
Garyaqaan  Maxamed Maxamud Xaashi

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *