Waxaan ilaahay ugu mahad celinaya inuu  ii sahlay qoraalkan oo ah warqad furan oo ku socota Baarlamaanka Somaliland, kuna saabsan shacabka reer Somaliland hantidooda. Waxaan  kusoo qaadanayaa maqaalkan oo aad umihiim u ah shacabka Somaliland oo ku saabsan

Wasaaradda, Macdanta, Tamarta iyo Biyaha (WTB) in wasaaraddaasi ay la xidhiidheysey  qorshe ah sanadihii u danbeeyey  Qandaraas shirkaddo shisheeye, shirkaddahaas oo WTB ay siisey liisanka,  ama  sahaminta batroolka, macdanta iyo gaaaska.

Waxaa marba marka kasii dambeysa sii badanaya, Fadeexado iyo lunsasho Hanti Dadweyne oo kusoo baxaya Madaxda Sare Sare ee ka taliya Qaarada Afrika, taas oo caalamku indhaha ku hayaan una saareen Gudiyo Garsoor iyo Guddi Kormeer ah, kuwaas  oo hoos taga Qaramada Midoobey, isla markaana shaqadoodu tahay inay ilaaliyaan musuq-maasaqa,  ka faaiideysiga mashaariicda,  ama lunsiga kheyraadka dabiiciga ah ee hantida shacabka ka dibna ay u bedeshaan ganacsi gaar loo leeyahay.

Dhowaan waxa  soo shaac baxay in la magacaabay xilal qarsoodi  ah Madaxtooyada Somaliland dad ku dhow dhow, loona  magacaabay Heshiisyada gaarka ah ee Kheyraadka dalka. Hadaba waxa baarlamaanka iyo ummada reer Soomaliland muhiim u ah iney ogaadaan shirkadahaa Sahaminta Batroolka iyo Macdantu halka ay ka yimideen, shaqada ay hayaan iyo halka ay hiigsanayaan, iyadoo xaqiiqdu tahay in ay yihiin shirkado mug yar oo aan awood balaadhan lahayn, isla markaana haysan dhaqaalle badan oo ay wax ku qabtaan, ama baaritaaneedsadaan  aanay laheyn ama heli karin. Balse ay jirto xidhiidh iyo heshiisyo gaar ah oo ay wada yeesheen madaxda sare ee dalka si ay u suurtowdo inuu hamigoodu noqdo in ay gacanta ku dhigaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka iyo Maareynta shidaalka Somaliland.

Sidaa awgeed waxa mudan in lays weydiiyo Muxuu yahay heshiisyada qarsoodiga ah  eel ala galay shirkaddahaa,  miyaanayse  baarlamaanku,  ama shacab weynaha reer Soomaliland ogeyn¬?…Anigoo si faahfaahsan idiinku soo gudbin doona, aan inyar idin tuso, sida ku cad saamiyada la kala iibsaday ilaa ganacsato carbeed  wax ku leeyihiin kheyraadkeenii  iyo dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.  laakiin haysta dhalashooyin ajnabi,  ka akhri halkan      http://www.ophir-energy.com/assets/somaliland#licence  tasoo aad ka dheehan kartid runtii, Percentage ama tirro aad u badan oo ay shirkado shisheeya lahaadaan iyo Maamulista Maareynta Batroolka iyo kheyraadka dalka Somaliland, marka loo eego shirkadahan Orphin, Asante, Australia Jacka Farms Resources iyo kuwa kaleba oo haba yaraatee wax qarash ah oo la taaban karo aysan ka gelin howlahan cilmi baarista shidaalka ku saabsan, ama haddey noqon laheyd wixii kalee horumarin arrimaha bulshada ee dalka ku saabsan oo aysan waxba ka geysan, kheyraadkii dabiiciga ahna dalka ka guranaya.

Qoraalkeygaan aan ugu tallo galey in aan dareen geliyo shacabkayga iyo galaha Wakiilada waxaan u sheegayaa inaan maqaalkayga dambe ku soo gudbinayo, sida, Macluumaadka guud ee shirkad walba, Sharciga Maareynta Kheyraadka dabiiciga ah, Madaxda dalkeena ilaa inta ay kaga jiraan ama ashkhaasta ku lug leh arrimahan lunsiga kheyraadka dalka iyo waxa la gudboon Baarlamaanka, kuna soo gudbin doono dukumentyo cadeynaya arrimaha aan soo sheegay.

Prof. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa)
Jaafaa66@yahoo.no

Oslo Noway Cristina

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *