Hargeysa (ANN)- Dalxiisihii ugu horeeyey ee inta la ogyahay booqasho ku taga magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Mr.Mike Spencer Bown oo ah muwaadin u dhashay dalka Kanadda, ayaa dalxiisayaasha caalamka ugu baaqay inay yimaadaan Somaliland oo uu ku tilmaamay dal xasiloon

 

oo noloshiisu aad u jaban tahay, isla markaana aan wax cashuur ah lagaa qaadayn.
Dalxiise Mike Spencer Bown oo xalay hudheelka Oriental-ka ee magaalada Hargeysa ugu waramay Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) iyo Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo ka tirsan bahda Jamhuuriya, waxa uu sheegay inuu toddobaadkan dalxiis ahaan ku yimi Somaliland, kadib markii uu ka yimi dhinaca magaalada Muqdisho oo uu muddo saddex maalmood ah ku sugnaa, isaga oo sharaxaad ka bixiyey qaabkii uu ku tagay magaalada Muqdsiho iyo nolosha uu kala kulmay Somaliland.
Mr. Mike Spencer Bown oo ka sheekaynaya waxyaabihii uu kala kulmay magaalada Muqdisho iyo qaabka ay ula dhaqmeen saraakiisha socdaalka madaarka Muqdisho, waxa uu yidhi; “Ka hor intii aanan toddobaadkan Somaliland iman, waxaan tagay magaalada Muqdisho, afar jeer bay saraakiisha socdaalka Muqdisho isku dayeen inay dib ii saaraan diyaaradii Muqdisho I keentay, waan qayliyey oo xirfadayda ayaan kaga badbaaday inay dib ii celyaan, markii diyaaradii aan la socday duushay ayaa la I geeyey hudheel ammaankiisa aad loo ilaaliyo. Waanan garanayey in magaalada Muqdisho tahay goob dagaalo ka socdaan oo halisteeda leh, dad badan ayaana igula taliyey in aanan tagin, laakiin aad baan u xiisanayey in aan mar uun tago Soomaaliya sidaas ayaanan ku tagay magaalada Muqdisho, waxaanan joogay laba maalmood oo qudha oo la igu yidhi albaabka hudheelka ha ka bixin haddii kale naftaada ayaa halis gelaysa, markii dambena waxaan u imin Somaliland oo nabad buuxda ka jirto.”
Mr. Mike Spencer Bown oo la weydiiyey sida uu u arko inuu noqdo dalxiisihii ugu horreeyey ee booqda magaalada Muqdisho intii dagaalada iyo dhibaatooyinku ka socdeen, waxa uu ku jawaabay “Aad baan ugu faraxsanahay in aan noqdo dalxiisihii ugu horreeyey ee Muqdisho taga, laakiin waxa jira dad kale oo ajaanib ah oo siyaabo kala duwan Muqdisho u booqda oo madaarka Muqdisho waxaanu ku kulanay nin u dhashay Koonfurta Afrika oo halkaa u tagay inuu allaabooyin ka iibiyo ciidammada AMISOM, laakiin wax dalxiisayaal ahi ma joogaan,dadka Soomaaliyeed ee aan Muqdisho kula kulmay waxay ahaayeen dad noloshooda ku faraxsan oo ganacsigooda wata, inkasta oo ay jirto cabsida la xidhiidha khataraha dagaalada sida joogtada ah u socda.
Anigu hudheelka aan deganaa dagaal kama socon, laakiin waxaan markasta maqlayey dhawaqa rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayaan dadka dagaalamayaa oo qiyaastii oo jiray ilaa laba kilo mitir, cabsi badana imay hayn oo waxaan joogay hudheel ammaankiisa aad loo ilaalinayey.”
Waxa dalxiise Mike sheegay inuu toddobaadkii hore yimi Somaliland, islamarkaana uu booqday magaalada dekedda ah ee Berbera, goobaha laga helay aasaarta qadiimiga ah ee
Dalxiisaha oo ka hadlayey sida uu dareemay markii uu yimi Somaliland, waxa uu yidhi; “Wax fiican baan dareemay, aad baan uga helay joogitaankayga Hargeysaa iyo Somaaliland, gaar ahaan hudheelka Orientalka ee aan degenahay, raashinka Hargeysa aad buu u fiican yahay, waxaanan rajanayaa in dalxiisayaal badan Hargeysa iman doonaan, iyaga oo ka heli doona cimilada Somalilan, isla markaana wakhti fiican ku qaadan doona magaalooyinka dalka.”
Waxa dalxiise Mike sheegay inuu booqday ilaa 160 wadan oo Somaliland iyo dalal kale oo aan la aqoonsan ku jiraan, wadamadaasi oo uu xusay inay ku yaalaan Qaaradaha adduunka, isaga oo sheegay inuu dalalka uu booqday ku arkay waxyaabo badan oo cajab geliyey, haday tahay dhinaca dhaqanka, habnololeedka bulshooyinkaa iyo xadaaradaha kala duwan ee wadamadaas ka jiraa.
Mr. Mike oo sharaxaad ka bixinayey farqiqa u dhexeeya hab-nololeedka magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, waxa uu yidhi; “Muqdisho waxaan joogay saddex maalmood oo waxaan uga imi nolosheeda oo qaali ah, iyada oo miisaaniyada aan safarkayga ugu tallogalay aanay ii saamaxayn in aan maalmo kale sii joogo Muqdisho, sababtoo ah nolosheeda ayaa aad u qaali ah oo baabuurka tagsiga ah ee aan mar raacdo wuxuu kaa qaadayaa $50 doollar, hudheelku waa $100 doollar, wax walibana waa qaali oo xaataa ciidammada ammaankaaga ilaalinaya ayaa kharashkoodii doonaya.
Markaan Muqdisho eegto Somaliland ayaa aad uga jaban dhinaca nolosha oo hudheelkan aan ku jiro waa $15 doollar oo qudha oo wax walba aad helayso,markaad barbardhigto hudheelkii Muqdisho ee $100 doollar ahaa runtii aad buu uga jaban yahay, waxaanan dalxiisayaasha caalamka kula talin lahaa inay yimaadaan Somaliland, cashuur lagaa qaadayaa ma jirto, rasaas dhacaysana maqli maysid, dalxiisayaashuna waxay jecelyihiin meel lacagtooduna ugu madhxayso nolol fiicana ay ka helayaan, markaan waxaan leeyahay Somaliland ayaa ah halka ugu haboon ee aad tegi kartaan.”
Dalxiise Mike Spencer Bown oo weriyeyaashu waydiiyeen waxyaabaha ugu yaabka badnaa ee soo jiitay mudadii uu Somalland joogay, waxa uu yidhi; “Waxyaaba aadka ii soo jiitay waxa ka mid ah dadka oo dariiqyada kugula sheekaysanayaa oo farxad kugu soo dhawaynaya, waxa kale oo runtii aad ii soo jiitay salayda geela lagu iibiyo oo shaqo fiican ka socotay, sababtoo ah hore ayaan u akhriyey buug la daabacay 140 sanno ka hor oo ka sheekaynaya in Somaliland laga helo nooc gaar ah oo geela la dhaqdo ka mid ah, buugaasi oo uu qoray socdaale (traveler) socdaal ku yimi Somaliland 140 sanno ka hor. Waxaan salayda ku arkay tiro geela oo gaadhaya ilaa 30 neef oo la iibinayo, qof saylada joogay ayaana ii sheegay in geelan loo iibgaynayo dalalka Carabta oo hilibkiisa macaan jecel.”
Waxa Mr. Mike Spencer Bown uu weriyeyaasha u sheegay in markiisii hore ee aanu hawlaha dalxiiska bilaabin uu ka ganacsan jiray dalka Indooniisaya, balse uu markii dambe ku hamiyey sidii uu u noqon lahaa dalxiise booqda meelo badan oo caalamka ah, isaga oo xusay inuu hadda qorshaysanayo inuu Somaliland uga sii gudbo dhinaca Itoobiya, gaar ahaan magaalada qadiimiga ah ee Herero o uu doonayo inuu soo daawado.

Jamhuuriya Online

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *