Tan iyo markii la soo doortay xildhibaannada muddo haatan laga joogo shan sannadood oo ahayd markii gu horraysay ee Somaliland looga dareero codbixinta xildhibaanno ay shacabku soo doorteen, taasoo dawlad iyo shacaba ay muujiyeen sida ay Somaliland uga go’antahay

 

hirgelinta dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorasho ee xorta ah.

Doorashaddaa Golaha Wakiillada waxaa ka markhaati furay goobjoogayaashii beesha caalamku u soo direen, arrintaasina waxay yidiidiilo gelisay shacabka Somaliland oo niyada gashaday inay doorteen xildhibaanno wakiil ka noqda oo u sammeeya xeerar iyo sharciyo dhaxalgal u noqda oo ay ka dhaxli doonaan muddada shanta sannadooda ee xildhibaanadu xilka hayaan.

Adduunka aynu maanta ku wada noolnahay ayaa noqday tuulo qudha oo layskaga warhayo, waxaana marag ma doon ah in xildhibaannadii aynu soo dooranay ay mudadii kaga dhamaatay murran iyo isqabsi ragaadiyay shaqadii loo igmaday ee ay ummadda wakiilka uga ahaayeen, taas oo keentay inay  seetada ku dheeraystaan oo ay mar mar siinyo ka dhigteen xukuummadda(Maamulkii Rayaale) ayaa xun oo aanu waxba ka qaban weynay, iyagoo u muuqday kooxo qaarkood  xukuumaddaa ku eedeeyn jiray distoor jebin, ha ugu horreeyo madaxweynihii waqtigaa.

Koox kale oo ka tirsan xildhibaannada, ayaa iyaguna oo lidi ku ahaa kooxda hore oo khalad iyo saxba ku taageersanaa madaxweynihii markaa tallada hayay  iyo xukuumaddaba.

Sharciyan xildhibaannada hawshoodu waa  mid ku kooban sharci-dejin aan ku sallaysnayn danno kooxo gaar ahi wataan iyo wakhti cayiman toona, balse u tagaan sharci dhaxalgal u noqda ummada soo dooratay oo anfici kara kusinaan 30 illaa 50 sannadood.

Waxaan shaki ku jirin in mudanayaasha golaha wakiilladu ay naxash saareen filashadii shacabku ka naawilayeen iyo waxqabad ay ka dhaxlaan xildhibaannadii ay doorteen, nasiib darro-se waxa dhammaatay muddadii shanta sannadood ahayd oo ay ku dhammaysteen weedho aad u macaan oo xildhibaannada qaarkood ku beerlaxawysanayeen shacabka, iyagoo sheegayay ballanqaadyo ku dhammaaday guuldarro, sidoo kale waxaa masaaricooyinka golaha ka jiray koox xildhibaanno ah oo wejiga dahaadh iskaga qariyay,  oo muddo badan isweydiini ka taagnayd, waxaana la filayay inay la jaanqaadi doonnaan isbedelka ka dhacay dalka, maadaama uu meesha ka baxay Maamulkii hore ee ay ka caban jireen, balse waxay kooxdaasii soo shaac baxeen oo bannaanka isu soo saareen markii uu ka soo yeedhay dhawaaq aad u dheer oo ay ku doonayaan in mushaharka loo kordhiyo, iyagoo indhaha ka qarsaday duruufaha qallafsan ee ay ku shaqeeyaan ciidammada iyo shaqaalaha dawladda ee bishii u xaadira wax ka yar $50.

Nin masuulla oo umadda xil u haya waxa fool xummo ku aha inuu wax kasta naftiisa ka bilaabo oo yidhaahdo”aniga, aniga, aniga cidi igamama baahi badna” Nin Caraba ayaa laga hayaa “Haddii tukuhu horseed u noqon lahaa qoom, qoomkaas iyo tukahaba guuli uma soo hoyato , waayo siduu u hogaaminayo ayuunbuu arkayaa raq, dabadeedna raqdaa ayuu kaga hadhaa qoomkii uu hogaaminayay oo iyaguna sidaa ku jaba.

Haddaba waxay shacbigu maanta is weydiinayaan Tolow, kooxdan Isbahaysiga Ujeedo Badan xaggee arrinkoodu ku socdaa? Ma Madaxweynaha, ma shirguddoonka mise arrimmo aan weli soo shaac bixin?
By, Cabdi Xuseen Yuusuf(Cabdi flosy)

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *