Hargeysa (ANN) Dallada Somaliland HIV/AIDS Network (SAHAN) oo ay ku bahoobeen ururrada waddaniga ah ee u ololeeya la-dagaallanka iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS, ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey ururka dhallinyarada mutadawaciinta ah ee Somaliland Health & SocialCare

Organization (SOHASCO) oo ka mid ah uruurrada hoos taga dalladaas.

Ururka SOHASCO oo shahaado-sharaftan lagu guddoonsiiyey xaflad ballaadhan oo loo sameeyey xidhitaanka shirweynihii 7aad ee dallada SAHAN oo shalay lagu soo gebagebeeyey hudheelka Maan-Soor ee magaalada Hargeysa, waxa laga sheegay in sababta SOHASCO ku mutaysatay shahadaasaasi tahay, kadib markii loo aqoonsaday inuu yahay ururka keliya ee isagoon wax caawimo ah meelna ka helin si mutadawacnimo ah dedaal badan ugu huray wacyigelinta bulshada ee xannuunka HIV/AIDS, Khaas ahaan dhalinyarta.

Guddoomiyaha ururka SOHASCO Cabdirisaaq Xuseen Jaamac oo shahaado-sharafta u guddoomay ururkiisa, ayaa dallada SAHAN uga mahad-celiyey shahaadadaay ururkooda kaga maamuustay ururrada tirada badan ee dallada ku hoos jira taas oo uu  ku tilmaamay mid ka dhalatay kartida iyo dedaalkii dhallinyarada SOHASCO u hureen inay ummadooda uga digaan halista cudurkaas oo furabaas ku haya guud ahaan dadyowga adduunka ku nool.
Ururka SOHASCO oo ah urur dhalinyaro kaasi oo ay ku midoobeen koox dhalin yaro jaamiciyiin ahi, ku waasi oo ka soo qalin jabiyey jaamacadaha dalka iyo kuwo dibada ah. Ururku wuxuu sannadka wacyigalin balaadahn ka fuliyey dugsiyada hoose/dhexe ee magaalada hargaysa, dhalin ardayd iskuulada kala hadlayeen khatarta uu lee yahay xanuunka HIV/AIDS ku,  waxyaalaha lagu kala qaado, sida laysaga ilaalin karo iyo sida looga hortagi karo faafista xanuunkan, waxa kala oo uu ururku qabtay tartan kubada cagta iyo Kubada Kolayga ah kaasi oo loogu talo galay sidii dhalinta ka qayb galaysay tartanadaasi loogu baraarujin lahaa khataraha uu lee yahay xanuunka faraha baas ku haya caalamka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *