Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee wasaaradda xanaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa ka dib markii uu xalay ku geeriyooday Cusbitaalka Hargeysa oo la geeyay shalay markii dhiig madaxa kaga furmay.

Alle ha u naxariistee Dr. Idiris Ibraahim Cabdi waxa ahaa xilka Wasiirka xanaada xoolaha ahaa 2003-dii illaa 2010-kii, waxaanu ahaa dhakhtar xoolaha ah oo muddo badan ku soo jiray mihnada dhakhtarnimo ee caafimaadinta xoolaha.
Marxuum- Idiris Ibraahim Cabdi waxa uu xiligan ka mid ahaa Garabka Xisbiga UDUB ee uu hoggaamiyo ku simaha Guddoomiyaha,  ahna Gudoomiye Ku xigeenka xisbigaa Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxa kale oo uu ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee u olalaynayay murashaxa lagu kala qeybsan yahay ee Jamaal Cali Xuseen oo Garabka Axmed Yuusuf Yaasiin u doorteen inuu noqdo murashaxa xisbigooda ee u tartami doona jagada madaxweynaha doorashada madaxtooyada ee soo socota.
Ku simaha Guddoomiyaha Gudoomiyaha xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo bahweynta xisbiga UDUB ee uu ka baxay, waxaanu marxuumka ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale waxa dhambaalo tacsi ah u diray qoyskii Dr. Idiris Ibraahim Cabdi Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Xuseen, waxaanay marxuumka ILAAHAY uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa tacsi u diray qoyskii qaraabadii, ehelkii iyo umadda Somaliland, isagoo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi Marxuum Idiris, taas oo u qornayd sidan: Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu
tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga
Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku
timid MARXUUM Dr. Idiris Ibraahin Cabdi oo ahaa Wasiirkii hore ee
Xanaanada Xoolaha JSL oo manta ku geeriyooday magaalada Hargeysa,
laguna aasay.Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii
Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo
bulshada reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Sidoo kale Tafaftiraha shebekada Araweelonews Carraale M. Jama , Maamulka iyo weriyayaasha shebekada Araweelonews ayaa dhambaal  tacsi ah u diraya  qoyskii , asxaabtii iyo bulshada Somaliland ee ka baxay Marxuum Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, iyagoo si gaara u tacsiyadaynaya Marwo Faadumo Siciid oo marxuumkaasi ahaa seygeeda, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo geerida naxdinta leh eek u timi, marxuumkana Illaahay janadii Fardawsa ka waraabiyo Inaa Lilaah wa Inaa Ilayhu Raajiciin

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *