https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1176/4?uidval=1268568853Hargeysa(ANN)Haween kas oo jeeda bulshada  wada dega gobollada Bari ee Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray bulshada ku dhaqan deegaannada Sool iyo Buuhoodle, kuwaas oo ay usoo  jeediyeen in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal iyo walaaltinimo.

 

Haweenka baaqa Nabadeed diray soo saaray oo todobaadkan  iskugu yimi Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa soo jeediyay  in arrimaha siyaasadeed ee ka jira gobolladda bariga Somaliland qaarkood  nabad lagu soo dabbaalo.
Marwo.  Aamina Faarax Caarshe oo ka mid ah dumarka baaqa dirayey ayaa ugu horreyn bulshada deegaanada Sool iyo Buuhoodle ugu baaqday nabadgalyo iyo walaaltinimo, iyada oo arrimahaa ka hadlaysana waxa ay tidhi,  “Anigoo ka mid ah haweenka u dhashay deegaannada bariga, waxaan ugu baaqayaa dhammaan salaadiinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan walaaltinimo, abtinimo iyo ehelnimo, oo aanan ahayn dad kala maarmaya, oo dhibaato iyo wanaagba wada qaybsanno, sidaas awgeed waxaanu leennahay in aan wax dhibaato ahi dhicin, dumarkana waxaan leeyahay dagaalka wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, arrintaasna nabad lagu dhameeyo,” ayay tidhi, iyada oo intaas raacisay, “Anigu labada dhinacba waan ahay oo waa dadkaygii marka waxaan leeyahay nabadda ayaa lagu horumaraa, nabad ayaa meel lagu gaadhaa, ee walaalayaal gogosha uu madaxweynuhu idiin fidiyey kasoo  qaybgala, waxa kale oo aan hambalyeynayaa hadalkaas ka soo yeedhay Xagle toosiye oo ah qabanqaabiyaasha shirkaasi, marka nin kasta oo qori sita waa inuu qoriga dhigaa oo qofkasta oo ka qaybqaato horumarka iyo dhismaha dhulkeenna”.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1176/3?uidval=1268568853

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Cibaaddo Diiriye Cartan waxaanay baaq nabadeed u dirtay gobollada bariga Somaliland, iyada oo sheegtay in aan meelna lagu kala tegayn “Waxaan baaq nabadeed u dirayaa eheladayda, walaaladay, ilmaadeertay, tolkey iyo dumaashiyaday oo aan leeyahay wax kasta oo dhaca ha lagu dhammeeyo nabad oo lagu dabaalo wada hadal, Madaxweynaha Somaliland isagana waxaan ka codsan lahaa tabashooyinka deegaanada  bariga qaarkood ka taagan  in hadalkooda lagu dhammeeyo wada hadal iyo nabad, wax kasta oo dhaca waxa lagu dhameeyaa wada hadal, dalkana adiga Madaxweyne ka ah waxaan ku leeyahay dadka walaalaha ah ee wada dhashay waa inay midigtaada iyo bidixdaada kala noqdaan, waa inaad arrintoodda lagu dhameeya nabad, dagaalku waxba ma taro, kala qoqobnaantu waxba ma tarto, waa dad isku dhiig ah isku dhaqan ah, waxay kuwaasi tabanayaan  waa inay helaan, dadka iyaga ka dhashay ee iyaga loo diro waa inay kuwo aanay diidanayn loo diro, sababtu waxay tahay ilmaadeer isma indho buuxiso, kuwa ka hadalka wanaagsan ee ka dabacsan waa in loo diraa”ayey tidhi. Cibaado.

Farduus Siciid Dirir oo ka mid ah haweenkan baaqa nabadeed dirayey ee ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa ku baaqday in nabad iyo wada hadal lagu dhammeeyo wax kasta oo la isku hayo, iyadoo tidhi,  “Dagaalku waligiiba wuu dhici jiray waase la xallin jiray, markaa labada dhinacba waxaan ugu baaqayaa inay nabadda qaatan oo aanay geesiyaal iyo halyeeyo badani inagaga dhiman wax la dhammayn karo, waxa aan halkan hambalyo ugu diriyaa Saleebaan Xagle-Toosiye oo isagu nabad qaatay, waana wakhti ku munaasib ah, dariiq fiicanna wuu maray, waxaan leeyahay walaal qabyaaladi waxay dhinto mooyee waxay soo kordhinaysaa ma jirto, waxaanu halkan iskugu nimid sidii aanu u diri lahayn farriin laba dhinac wadata, hore ayaa baaq sidan oo kale ah loo diray, markaas mar haddii aannu nahay haweenkii bariga, maadaama oo ay si gaar ah noo taabanayso, oo aannu dhinac walba ku xidhan nahay oo dhal iyo dhasheed nahay, dhinac  kasta oo guul sheegata annaga guul darro ayay noo tahay, kuwa ku dhimanayaa waa dadkayaga uun, labada dhinac  kii ay wax ka dhimataa waa isla anagii uun, marka waligeedba waa la is layn jiray ee waxa fiican uun inta nool loo taliyo oo nabad lagu dhameeyo khilaaf kasta oo dhaca, nabadduna waxay ku imanaysaa maxay eegna oo inoo dan ah, mana jeclin carruur innaga agoomawda iyo dumar inaga asay qaata, labada dhinaca kii dhintaa midna janno kuma galayo waayo wuxuu la dagaallamayaa waa dad muslim ah”, ayey tidhi Farduus Dirir.
Marka laga yimaado xubnaha haweenka ah ee ka hadlay kulankaa, waxa jiray haween kale oo kasoo qaybgalay si ay u jeediyaan baaqaa nabadeed, kuwaas  oo ku taliyay in laga waantoobo wax kasta oo dagaal iyo colaad abuuri kara, isla markaana wahadal lagu dabaalo xaaladda colaadeed ee ka jirta deegaanka Buuhoodle ee colaadu ka jirto.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *