Burco(Araweelo News Network)Wasiirka Madaxtoyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weftigii uu Hoggaaminayay oo mashaariic dhinaca horumarka ah ka waday deegaamada Qoyaale ayaa sshalay xadhiga ka jaray

mashruuc 75 gurri oo loo dhisay qoysas danyar ah oo degan magaaladda Burco.

“Saaka oo jimce ah waxaan ka qaybgalay munaasabad ay soo agaasimeen Wasaaradda dib-u-dejinta oo kaashanaysaa hay’adda NRC muhiimadeeduna ahayd in lagu wareejiyo dad danyar ah guryo tiro badan oo loo dhisay.

Waxay ahayd madal aan la soo farxad iyo dareen qaybsanay dadkii calaf iyo sad u helay in ay guryahaas helaan,Tirada guryaha aan xadhiga ka jarnay ayaa dhamaa 75 guri oo wax weyn ka tari doonaa baahida hoy la’aanta ah ee haysatay,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland qoraal uu ku baahiyay  bartiisa guusha.com.

Wasiirka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku yidhi,  “Talaabadani waxay kamid tahay talaabooyinka kala duwan ee looga dan leeyahay in horumarku wada gaadho dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan. u naxariisashada bulshadeenna qaybaheeda jilicsadasan waa waajib diini ah oo dhamaanteen ina saaran, ka dawlad ahaana waanu ku dedaalaynaa horumarintooda. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa hay’adda NRC oo mashruucan hirgalisay, isla markaana gacan buuxda ka gaysatay.”

Wasiir Xirsi oo ka hadlaya horumarka dalka waxa uu yidhi,“Waxaa hubaal ah in ay dal horumariyaan dadkiisa oo leh dareen midaysan isla markaana higsanaya yool iyo ujeedo nololeed oo cad. Dhex jooga , dhiiri galinta,iyo la dareen qaybsiga bulshada qaybaheeda jilicdasan waxay maanta ii ahayd farxad iyo qalbi qabowsi. Waxaa run ah in horumarku maalin iyo habeen ku iman balse waxaa muhiim ah in aynu leenahay niyad dhisan, samir badan iyo qalbi hiigsanaya hammi sare,”ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Wasiirka Madaxtooyaddu.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *