Hargeysa (Araweelo News Network ) Tartan fahamka Qur’aanka Kariimka ah, ayaa loo qabtay lixdan arday oo ka kala socda Jaamacaddaha Geeska (International Horn University)  iyo 

(Hargeisa University), iyadoo ardayda la weydiinayo su’aalo la xidhiidha xiftiga iyo culuumka kala duwan eek u duugan kitaabka qur’aanka ee qawlka Ilaahay (SWT).
Tartankan oo socon doono muddo laba maalmood ah, waxa uu ka furmay hudheelka Summer Time ee magaalada Hargeysa shalay, kaasoo ay maalgelintiisa leedahay hay’adda caalamiga ah ee taxfiidka qur’aanka ee dalka Sucuudiga, halka ay fulintiisa iyo qabanqaabadiisana ka shaqaysay Jaamacadda Geeska (International Horn University) oo xarunteedu tahay caasimadda Hargeysa.
Ardayda tartanka ka qaybgelaysa oo isugu jira wiilal iyo gabdho xafidsan qur’aanka kariimka ah, isla markaana bartay macnayaasha iyo culuumka kitaabka Ilaahay xambaarsan yahay, waxa loo qaybiyo dhawr kooxood oo qaab is-reeb-reeb ah u kala hadhaya, waxa dhaqaalaha ku baxay bixisay Hay’adda Caalamiga ah ee taxfiidka qur’aanka dalka Sucuudi Carabiya, iyadoo ardayga ugu horeeya ee kaalinta koowaad ku guulaysta lagu abaalmarin doono in loo diro safar dalka Sucuudiga ah si uu u soo cimraysto sannadkan haddii Ilaahay yidhaahdo, halka ardayda kale ee kaalmaha ugu sareeya ka gala tartankaas la siin doono abaalmarino kala duwan oo lacag ku jirto.
Tantanka fahamka qur’aanka kariimka ah, waxa hoggaaminaya, ardaydana su’aalaha weydiinaya Madaxa qaybta tacliinta ee Hay’adda Caalamiga ah ee Xiftiga Qur’aanka dalka Sucuudiga Sheekh Muxamed Sanbuul, iyadoo xubno kale oo hay’adaas ka socdaa wehelinayaan, halka Guddoomiyaha Jaamacadda Geeska Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim qayb ka yahay hoggaaminta tartankaas loo qabtay ardayda kala duwan ee ka socda Jaamacadaha.
Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim oo furitaankii tartankaas ka hadlay, ayaa ka xog-waramay muhiimada iyo faa’iidooyinka if iyo aakhiraba ku jira barashada, xiftiga iyo weynaynta qur’aanka kariimka ah, maadaama uu yahay qawlkii Ilaahay ee uu kula hadlayo addoomihiisa.
“Waxaynu isugu nimi in aynu weynayno qur’aanka kariimka ah oo qawlkii Ilaahay ah, markaa si Ilaahay loogu dhawaado, waa in aynu ku dedaalno, isla markaana weynayno qur’aanka kariimka ah, barashadiisa, xiftigiisa iyo akhriskiisaba.Cilmiga loo baahan yahay in la barto oo takhasus lagu noqdo waa cilmiga diinta islaaamka, taas ayaana faa’iido inoo ah, culuumta kale ee maadiga ahna maaha mid meesha laga saarayo oo way wanaagsan tahay in la barto.
Inta aynu kitaabka Ilaahay ku dheganahay oo barashadiisa, akhriskiisa iyo ku camal-falkiisa ku dheganahay ayey badbaadadeenu ku jirtaa, markaa qur’aanka aynu masaajidada ku hayno ee salaadda ku tukano waa in laga helo oo ay ka muuqato nolol-maalmeedkeenna, iyadoo la fulinayo qawlka Alle, waxaana fiican in qur’aanku ka muuqdo nolosheena iyo shaqooyinkeena, haday bulshada tahay, baarlamaanka iyo dawladdaba waa in aynu ku dhaqano oo lagu saleeyo hab-dhaqankeena iyo nolosheenaba,” ayuu yidhi Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim.
Tantanka fahamka qur’aanka kariimka ah oo si weyn loo qabanqaabiyey, waxa ujeeddada loogu tallogalay tahay sidii loo dhiirigelin lahaa barashada qur’aanka kariimka ah iyo ku dhaqankiisa, iyadoo tartankaas oo socday ilaa gelinkii dambe ee shalay, la soo gunnanadi doono Khamiista maanta.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *