Inline image 1Wakhti haatan laga joogo muddo dhowr sanadood ah, ayey ahayd markii ay dhalin yaro reer Hargeisa iyo reer berbera ahi ay isku dayeen inay  sameeyaan Fikir  dahabi ah kaasoo ka soo baaxday fikirkooda iyo

garaadkooda qiyamka ah, in kastoo ay iiga cudurdaartay inaanan magacooda halkan ku xusin sababo jirra awgood.
Maxamed Xaaji Ibraahim Ciggaal oo ahaa madax-weynihii labaad ee jamhuuriyadda Somaliland  Alla ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka South Africa taariikhdu markii ay aheyd 03dii Bishii May sannadkii 2002-kii, waxaana lagu aasay magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda ee Somaliland, inkastoo  haddii aynu qalinka u qaadano taariikhdiisii aynaan halkan ku soo koobi karayn, balse waxaan mowduuca dulucda qormadeydan ee ku saabsan muuqaalkii dahabka ahaa ee maarta isku badelay kaasoo ahaa fikirkii ama aragtidii dhalin-yaradu ay ku hamiyeen taasoo ahayd himilo fog oo if iyo aakhiraba u wanaagsanayd ka midho dhalinteedu,  nasiib darase markii ay cidi dhag jalaq u siin weyday ka dibna ay waayeen fikirkaa suuban cid barbar istaaga ka qayb qaadashada masjid ciggaal, waxay noqdeen kuwo ka muquurtay fikirkoodii dahabiga ahaa xitaa waxay soo gaadheen inay qariyaan magacyadoodii, taasoo sababtay markii ay waayeen muuqaalka dahabiga ah iyo nuxurka uu xanbaarsan yahay cid wax kala qabata oo garab  istaagta fikirkoodaasi, isla markaana hormood iyo gadhwadeen ka noqota hadday noqon lahayd  wax-garadka, maalqabeenada, culimadda, siyaasiyiinta, iyo aqoon yahaynka  bulshadda reer Somaliland.

waxba yaanan ku raad gadan dulucda Muuqaalka dahabiga ah ee dhalin yaradaasi ay isku abaabuleen,  taasi oo ahayd sidii loogu  dhisi lahaa  Masjid waqfiya iyagoo u qorsheeyey in Masjid Ciggaal  laga dhiso magaalada Berbera  gaar ahaan meel ka yar fog Qabriga uu ku aasan yahay  nuxurka ay xanbaarsan tahay oo ah in dadka ehli cibaadada ah ee masjid Jaamac ka soo baxaa ay ugu faataxeeyaan  Alle ha naxariistee  madax-weynihii  labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Ciggaal.
waxaan qormadaydan ku soo gunaanadayaa maanta in ay u taalo hadday noqon lahayd ehelkiisii iyo hadday noqon lahayd maayarka Magaalad Berbera iyo dhamaan bulshadda reer Somaliland inay hormood ka noqdaan muuqaalkan dahabiga ah maadaama Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Ciggaal aanu xitaa gurri ka dhisan wadankan uu madax-weynaha ka ahaa mudadii 9-ka sannadood ahayd,
Gabagabadii fikirkan dahabiga ahi wuxuu dhex yaala bulshadda reer Somaliland mid yar iyo mid weyn, mid wax haysta iyo mid aan waxba haysan, sidii loo abaabuli lahaa iyo cidii gadhwadeen ka noqon lahayd dhex buu u yaalaa maanta.
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *