wasiirka macdanta golis2Hargeysa (araweelo News Network)) Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa khudbad-cilmiyeed muhiimada ballaadhan leh u jeediyey ardayda qaadata

Injineernimada ee wax ka barta Jaamacadda GOLLIS qaybteeda Hargeysa.

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo ka qaybgalay kulan lagu qabtay hool wayn oo Jaamacadda Gollis leedahay gelinkii dambe ee Sabtida oo ay ka qaybgaleen boqolaal arday oo wax ka barata qaybaha cilmiga injineernimada sida; Civil engineering-ka, Geoloyg-ga, Telecomunication-ka iyo qaybo kale, kuwaas oo uu u jeediyey khudbad ballaadhan oo la xidhiidha tacliintooda, gaar ahaan culuunta ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee ku duuggan dhulka hoostiisa.

ardayda golis iyo wasiirka Macdanta SomalilandGuddoomiyaha Jaamacadda Gollis Dr. Siciid Axmed Xasan oo hadalka ka jeediyey furitaankii kulankaasi, ayaa erayo soo dhawayn iyo mahadnaq ah ku qaabilay Wasiirka oo uu sheegay inay si wayn ugu faraxsan yihiin jaamacad ahaan inuu aqoontiisa uga faa’iideeyo ardayda dhigata qaybaha kala duwan ee kulliyadda Injineernimada.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo ardayda u jeediyey khudbad cilmi u badan oo socotay muddo ku dhaw saacadood ah, wuxuuna ugu horreyn uga sheekeeyey heerarka tacliintiisa iyo shaqooyinkii kala duwanaa ee uu ka soo shaqeeyey, gaar ahaan shirkado waawayn oo dhinaca shidaalka ah oo ka jira dalalka Imaaraadka iyo Maraykanka ah oo uu muddo dheer ka hawlgali jiray. Waxa kale oo uu ka warramay shaqadiisa wasiirnimo iyo waxqabadkii uga hirgalay intii uu xilka hayey iyo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu ka beddelay.
wasiirka macdanta iyo siciid Golis
Eng. Xuseen waxa uu si faahfaahsan ugu sharraxay ardayda khayraadka kala duwan ee loo malaynayo inay ku jiraan dhulka Somaliland ee kala ah; shidaalka, macdanta iyo saliidda qaybaha ka kala kooban yihiin, meelaha laga helo iyo astaamaha lagu kala garto, siyaabaha loo ogaado iyo soo-saaristooda.

“Batroolka oo ka kooban isutaga naqasyada la kala yidhaa Carbon iyo Oxgen, waxa hoosyimaada saliid qaydhin iyo gaas, kuwaas oo isugu xidhan siday u kala culusyihiin oo ay u kala hooseeyaan oo markay fududyihiin waxay isku beddelaan Gaas markay culus yihiin waxay noqonaysaa Saliid ilaa Daamur la gaadhayo. Waxa kale oo soo raaca macdanaha kale oo ah kuwa adag (Rock solid). Labadaasba Ilaahay dhulka ayuu geliyey, marka laga hadlayo waqtiga macdanta Batroolku xilliguu samaysmay waxa lagu qiyaasaa ilaa 150 malyuun oo sannadood, isagoo ka samaysmay unugyo dhintay oo ciid waawayn fuushay oo gubtay kadib markii kulayl badani fuulay, dabadeedna markii waxaasi karsameen ayey saliiddaasi samaysantay,” ayuu yidhi Eng. Xuseen.

Waxa kale oo uu ka hadlay noocyada khayraadka ku jira dhulka Somaliland iyo rajada ay ka qabaan in la soo saaro, waxaannu yidhi, “Dhulkeenna markaynu eegno waa ka lagu tuhmi karo inay saliidi ku jirto, waayo waxa uu u badan yahay degaanka saliidda laga helo ee la yidhaa (Sedimentary Enviroment), dalkeennuna meelo badan ayuu leeyahay, waxa kale oo soo raacda in saliidda oo soconaysaa ay dhulka dushiisaba u soo dusto, markaa saliiddu inay dhulkeenna ku jirto shaki kuma jiro, waxase la is waydiinayaa waa in la helaa saliid tijaari ah, waayo lacag aad u fara badan iyo waqti dheer ayaa la geliyaa baadhisteeda.

Muhiimada ugu way nee Wasaaradda Macdantu waa in aynu khayraadka dalkeenna la soo baxno, waxaannu ku guulaysanay in shirkado kuwa waawayn ah iyo kuwa heer dhexeba ah oo ilaa afar shirkadood ahi ay inala joogaan. Waxaannu filaynaa in Wasaaradda Daakhiligu sannadkan gudihiisa ay samaynaysaa ciidammadii ilaalinayey shaqada baadhista shidaalka kadibna ay shaqada sahaminta shirkaduhu dib u bilaabanto, shirkadaha inala joogaana aad iyo aad ayey ugu hanwayn yihiin inuu shidaal ku jiro dalkeenna.”

“Macdanta oo dalkeenna ku jirta buularayda Gollis ee taxan Gobolka Awdal ilaa Ceerigaabo, waxaanna lagu hayaa tibaaxo oo ay ka mid yihiin birta, naxaasta, rasaasta iyo waxyaabaha la xidho, markaa sannadkan gudihiisa ayaanu rajaynaynaa in aannu heshiiskii u horreeyey ee macdanta ah galno,” ayuu yidhi Wasiir Xuseen.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu kula dardaarmay ardayda inay aaminaan in mustaqbalka dalka ay yihiin, inay ku faro-adaygaan oo ay kordhistaan aqoontooda, kuna sabraan barashadeeda oo aanay ku fikirin tahriib iyo wax la mid ah, isla markaana waxa uu u balalnqaaday in wixii shaqo ka soo baxa baadhista khayraadka dalka uu kaalin wayn ka siin doono iyo weliba inay tababaro ku qaataan hawlaha shidaal baadhista.

Ugu dambayntii, Guddomiyaha Gollis Dr. Siciid Axmed Xasan waxa uu wasiirka guddoonsiiyey shahaado ay jaamacad ahaan ku maamuuseen waxqabadkiisa iyo buugaag ay leedahay jaamacaddu.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *