Kooxda Hargeysa Basket Ball1
Hargeysa(Araweelo News Network)Somaliland ayaa balanqaad dhinaca kor u qaadista Kubadda Kolayga ka heshay dalka Masar iyo Gudidda Ciyaaraha Fudud ee Afrika ee loo soo gaabiyo FIBA. Sidaana waxa sheegay

 

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Somaliland Mr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qadax), oo xaqiijiyay in dalka Masar iyo Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Afrika ee FIBA AFRICA, ay ballanqaadeen inay Somaliland ka taageeraan sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha kubbadda Kolayga.
Guddoomiyaha iyo Kooxda Kubbadda Kolayga Hargeysa oo ka soo laabtay tantanka magaalooyinka bariga iyo badhtaha Afrika oo ka dhacay caasimadda Darasaal ee dalka Tansaaniya, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray shalay ku sheegay in khubaro ka socda FIBA AfRICA Somaliland iman doonaan sannadkan 2014.
“Xidhiidhka Kubbadda kollayga Somaliland, ayaa soo saaray warsaxafadeed uu kaga warbixinayo tartankii Bariga iyo Badhtamaha Afrika ee kooxda caasimadda Hargeysa kaga qaybgashay caasimadda Tanzania ee Darasalaam.
Waxaannu aad ugu faraxsanahay in aannu ka qaybgalo tartankan oo ay ka soo gaybgaleen 10 magaalo oo ka dhisan wadamada Bariga iyo Badhtamaha Afrika iyo waliba caasimada Masar ee  Qaahira.
Tartanka oo si heer sare ah loo soo aggaasimay, waxa ku guulaystay kooxda dalka Masar oo ahayd kooxdii ugu awooda badnayd.
Ka qaybgalkayagu wuxuu noo ahaa fursad aannu ku abuuray xidhiidho aannu la yeelano Guddida Kubbadda Kollayga ee Afrika iyo tan Bariga iyo Badhtamaha Afrika, waxanay noo ballanqaadeen inay Somaliland ka fulinayaan sannadkan gudihiisa tobarbaro xirfadeed oo kor loogu qaadayo tababarayaasha iyo garsoorka (Referees and Coaches capacity buildings trainings), iyagoo soo diri doona khuburo ka socota FIBA Africa.
Sidoo kale, Aniga (Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Somaliland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, waxaannu  kulamo gaar ah la qaadanay masuuliyiintii ka socotay Masar, kuwaasoo noo ballanqaaday inay tageero xaga farsamada ah siin doonaan kooxaha kubbadda Kollayga iyo garsoorka Somaliland (Technical Training support).
Ugu dambayntii waxaannu u mahadcelinayaa Maayorka caasimadda Hargeysa iyo dhammaan xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa, Wasiirka Wasaraadda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Reygal oo aanay laa’aantood suurto-gasheen in aannu tartankan ka qaybgalo. Waxan ka rajaynayaa, kuna dhiiri-gelinayaa inay sii wadaan garab istaaga kooxda caasimadda oo aan is-leeyahay waxa u soo kordhay khibrada iyo waayo-aragnimo aad u weyn oo wax ka tari doonta ka qaybgalka tartamada soo socda.
Kooxda kubbadda Kollayga ee caasimadda Hargeysa waxay sameeyeen dedaal ballaadhan, mastawahooduna wuxuu aad uga sarreeyey sidii sannadkii hore, waxanan filayaa inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Kollayga Somaliland Md. Maxamuud Xassan Cabdilaahi (Qodax).
Kooxda Kubbadda Kollayga caasimadda Hargeysa, ayaa ciyaarihii ay ka qaybgaleen lagaga badiyey dhibco aad u yar, kuwaasoo aad uga fiicnaa sidii natiijadii ay ka keeneen tartankan oo ay hore uga qaybgaleen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *