-
Published On: Fri, Jun 3rd, 2011

LAFO- GUR DHACDOOYIN IYO TALO-BIXIN SIYAASADEED

Smiley face
Share This
Tags

Warqad furan oo ku socota madax-dhaqameedka, aqoonyahanada, wax garadka iyo  jabhada (SSC) ee Beesha dhulbahante dibada iyo gudahaba.
By, Col. Abdilaahi X. Jaamac Calas
Dhacdada kowaad : galitaankii magaalada laascanood:-

Marka si cilmiyaysan loo eego habsiyaasadeedkii iyo qaab-tabeedkii ay ciidamada qaranku ku galeen gudaha magaalada laascanood ayaa ahaa mid gebi ahaanba ka qaawan dhanka diblolomaasiyada .
Fikradii faltanka ee madaxwayne Rayaale iyo kooxdiisii diiradoodu sida fiiqan u saarnayd ku danaysiga awooda dowladeed ku waas oo aan danayn ama aan minqiyaasi karayn natiijada shaqooyinka ay manta qabanayaan ku yeelan doonaan aayaha dambe ee dalka ayaa laga maashaday muruga iyo ismariwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya xukumada talada haysa iyo madaxda gobolada bari siiba kuwa gobolada sool iyo buuhoodle.
Barbilawga iyo bu’da mushkiladaasi waxay ahay siyaasada oo mashruucaysnayd ee aan qaramaysnayn daacad daro hogaanka awgeed.

Dhacdadii 2aad:-jawaabtii madax dhaqameeka sool dhamaanba dadwaynaha degaanadaasi madax iyo mijaba waxay howl galkaas u higaadiyeen weerar gardaro ah oo qaawan(aggressive invision oo waliba si caadifad ah loo taageeray .
Dabadeena, cadho daran oo ka dhalatay jawigaas ayaa garaaradadii beesha dhulbahante ku xambaartay in ay si fudud nidar ugu maraan in aanay aqblayn wax wada hadal ah ilaa inta ciidamada xooga  ku soo galay joogaan dhulka dhulbahante.
Waan ka xumahay in aan yidhaahdo garaadadu waa il duufeen maxaa yeelay waxay ahayd in ay marwalba nabada hagaajinteeda u guntanaadaan , ee ma ahayn inay u tallaabaan dhanka dagaal oogayaasha.

Isku soo duub oo talabadaas military ee siyaasada ka aradnayd ( the poor political action) iyo nidarkaas seef laboodnimada ahaa ( the impulsive reaction) waxay sababeen in ay xidhmaan dhamaanba albaabadii wada hadalka iyo wada xaajoodyada.
Dabcan taasi waxay ahayd  dharbaaxo siyaasadeed oo qofwalba oo u dhashay Somaliland wuxuu doonaba ha aaminsanaadee ku dhacday, ayada  oo qiimaynteedna dhinacyada oo dhami aad uga soke dhaceen.

Eebe ha inaga gudbiyo marxaladan isma dhaantada la noqdaye waxaan ayaguna roolkoodi ciyaarin madax dhaqameedada kale waayo waxay ahayd inay saaxiibadooda cadhadu dhanka guracan u daafadaysay kaga daba tagaan meeshii ay tagaanba kun qarqarsiyaan inay dejinta nabada gacamaha isu qabsadaan, dabadeedna furan albaabada xidhmay oo ay waajibaadkooda ahayd in aanay xidhmin wax kasta oo dhaca..

Dhacdadii sadexaad:- side madaxweyne Ahmed siilaanyo u fahmay siyaasi ahaan galitaankii gudaha magaalada laasanood?

Eeg xaqiiqooyinkan.
(A) Aniga iyo Mr Mohamed Xirsi Muslim ayaa madaxwayne siilaanyo kulan gaaban kula yeelanay xafiiskiisii xarunta kulmiye maalintii labaad 10:30 subaxnimo.

marxaladaas weedhiisii aan hoosta ka xariiqay waxay ahayd( it is not wise to touch the pride of the people) waayo waxay wiiqaysaa  niyadsamida iyo wada jirka bulshada Somaliland man jirto cid xoog lagu muquunin karaa haba yaratee .
(B) markii madaxwayne siilaanyo ka soo laabtay safarkiisi  uu ku tagay dalka USA aniga iyo saaxiibkay Mr Mohamed Muuse (Galaydh) ayaa gurigiisa ku booqanay, dabadeedna waxaanu iswaydiinay waar sidee baynu u xalin doonaa arinta gobolada bari hadii aynu guulaysano doorashada madaxtooyada .
Anigaa bilaabay falanqaynti waxaan idhi:-
Mudane gudoomiye, dadku mabda ahaan ma diidana asal ahaanshahooda somalilandnimo, balse waa mucaarad kakan tabashooyin ay ugu muhiibsanyihiin qodabadani awgeed.
(1) barbilawga iyo bu’ad tabashooyinkaas waa saluug saami oo sed iyo sowd oo mug leh.
(2) Badankoodu waxay qabaan in lafo gur siyaasadeed  lagu sameeyo faa’iidada iyo khasaaraha talada gooni-isu taga.

Mudane galaydh wuxuu ku soo ururiyey doodisi waa in la sugo cadaalada saami qaybsiga maxaa  yeelay inta sed- bursiinyo jiro Somaliland israaci mayso oo degi- mayso.

Madaxwayne siilaanyo oo ay ma muqanaysay inuu aad ugu qushuucay afkaartayadii ayaa ku soo ururiyey jawaabtiisii oo yidhi:-
Insha allahu ” waxaynu sida ugu dhakhso badan u qaban doonaa shir dib u heshiinayd oo kama dambays ah waana lagama maarmaan in la xaliyo dhamaanba tabashooyinka la soo bandhigo isla markaana la turxaan bixiyo siyaasada  guud ee dalka, wuxuuna raaciyey waa in dhinac hour marintana la soo gaadhsiiyo gobolada kale, run ahaantii waxay ii ahayd farxad iyo ididiilo siyaasadeed markuu madaxweyne siilaanyo soo saaray baaqii gogasha wadahadalada iyo wadaxaajoodyada ka hor doorashadii madaxtooyada iyo ka dib doorashadii madaxtooyadaba.
Hadaba maandhooyinow ma maan galbaa in shucaac siyaasadeed iyo ku tidi ku teen si sahlan loo rumaysto oo la yidhaahdo madaxwayne ahmed siilaanyo wuxuu cadaawad u hayaa dadka ku dhaqan gobolad bariga Somaliland?

Maandhooyinow baha’sha beenta ahi wax yar bay kuugu gabata ee anigu ma arag madaxweyne Ahmed siilaanyo doorashadii madaxtooyada dabadeed ilaahay amarkii lakiinse waxaan hubaa in mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadanaa qadiyada gobolada bariga Somaliland uu ahaa sidaas aan kor ku soo sharaxay doorashadii madaxtooyada ka hor mana qabo in waxba iska bedeleen maxaa yeelay xudunta ama bu’ada siyaasadaas waxay ahayd  fidinta gogasha wada hadala dee ayadiina waa kan weli ku celcelinaya baaqeedii
Talo bixin siyaasaded oo stratigi ah)
Waxaan garaadada iyo cuqaasha beesha dhulbahante ka codsanayaa in ay diirada saaraan fahanka nuxurka ku duugan su’aalahan.
1) hadii siyaasiyiinta beeshiinu iska kala daaq-tageen markaas maxaa idinka idinla gudboon si aad dadkiina uga samata bixisaan tafaraaruqa iyo kala lunka siyaasadeed ee ku habsaday ?
Maxay tahay udub dhexaadka shaqada ay dadku idiin caleemo saarteen ma nabad hagaajinbaa mise waa dagaal oogid?
(3)Madaxda dhaqanka beel waliba waxay lig-ligahaystaan xuquuqdooda wadaniyadeed oo ay ku jirto saamiga ay ku leeyihiin deeqaha beesha caalimku ku bixiso dib u dhiska iyo mashaariicda horumarineed hadaba idinku ma iswaydiiseen halka lamariyey saamigu heeshiina
(4) marka aad ahmiyadooda siisaan xeerarka dhaqanka somaliyeed oo aad xisaanada ku leedihiin meenqaankiinu ma yahay in aad shuruudo ku xirtaan googol nabadeed oo la idiin fidiyey.

Gunaanad

Mudanayaal ogaada siyaasadu waa xisaabtan dan ku salaysan ee maaha ciriq iyo caashaq-toona, hadaba aniga oo ka duulaya odhaahdii Mr Tolly ee ahayd “the mind is a superb instrument If used rightly, but if used wrongly however is it very destructive element , ayaan si adag idiin kula talinayaa inaad ka digtoonaataan abid in aaad maskaxda shacabkiina u jahaysaan dhinaca khaldan.
Waayo bal eega hadana odhaahdan kale military oo si kooban loogu sideeyey micna dagaal”war is not a matter of prejudice, but it is a matter of circumstance any way”
Hadaba waxaan leeyahay waar meel gogolnabadeed fidsantahay ma jirto duruuf dagaal kalifaysaa  ee talada dib u ruuga oo u garaadeeya siday garaad jaamac garaad cali iyo garaad Mohamed garaad mahamoud ugu garaadayn jireen fadlan.

Mudanayaal dabcan waad ogsoontihiin in aanan anigu lahayn hal abuurka siyaasada lagu dilaalo, balseaan leeyahay mid yool abaar leh oo runta farta ku fiiqda.
Hadaba aniga oo garaadkayga iyo damiirkayga hadlaya ayaan mar idin kula talinayaa marna idinka codsanayaa inaad si garwaaqsi iyo geesinimo leh uga tanaasushaan go’aankii boocame ee cadhadu idinku xambaartay isla markaana ku baaqdaan aqbalaadiina gogosha wada hadalada iyo wada xaajoodyada ee madaxweynaha Somaliland aAhmed siilaanyo idiiku baaqay, aqoonyahanada iyo waxgaradka waxaan u qeexayaa in aan dulucda iyo u jeedada dhawaaqaygu ahaynin aan idinku gacan haadinayo in aad ceelal biyo macaan oo la idiin sii qoday ka cabaysaan balse ay tahay inaad doonida kaluumaysiga ee Somaliland saaran tahay oo ay mawjado ku kacsan yihiin aad dhiniciin ka fuushaan oo wax ka badbaadisaan dabadeenda kaluunka qaybtiina dhacsataan.

Allaa mahad leh
Col. Abdilaahi X. Jaamac Calas
Tell:4047496
E-mail cals12@yahoo.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>