Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo isaga iyo wefti uu hogaaminayo ay muddo todobaad ah socdaal ku joogaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in sababta Tv-ga qaranku ugu fashilmay inuu

si toosa u baahiyo xafladii habeenkii 18-ka May lagu qabtay Madaxtooyada ay ka dhalatay Aalad ka maqan oo suurta galin kari weyday in la baahiyo isaga oo intaa ku daray in wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami uu ku sime ka yahay wasaarada warfaafinta, hawsha maamulkana uu sii wado agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu sheegay, in gogoshii nabada ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u fidiyey madaxdhaqameedyada Sool iyo Buuhoodle ay diyaar garowgeedii ku guda jiraan, isaga oo dhinaca kalena hambalyo iyo bogaadin u diray Saxaafada Madaxbanaan, ta dawlada iyo warbaahinta kale ee Caalamku sidii ay uga hawlgaleen baahinta xuskii 18ka-May ee lagu qabtay dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay galab khadka Telephone-ka ugu xogwarmayey wargeyska Haatuf, isaga oo ku sugan Laascaanood.

Mr Xaabsade oo ugu horayn ka hadlaya doorkii warbaahinta, waxa uu yidhi “Saxaafada iyo warbaahinta kala duwan ee dalka iyo waraabintii kale ee Caalamka inooga timid munaasabadii xuska 18-may ee qaranimada Somaliland aynu ku xusnay, waxaan hambalyo iyo bogaadin uga jeedinayaa sidii xilkasnimada lahayd ee ay u baahiyeen munaasibadihii 18-ka May ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa lagu kala qabtay iyo guud ahaan hawlwadeenada wasaarada warfaafinta waxaan leeyahay halgamayaal baad tihiin sii wada dadaalkiina, shacbiga Somaliland waxan ugu baaqayaa inay ku midoobaan mawqifkooda gooni isku taaga, kuna faro-adaygaan qadiyada Madaxbanaanida”.

Wasiirka warfaafinta oo aanu weydiinay sababta Tv-ga qaranku ugu fashilmay, in xafladii xuska 18-May ee habeenkii Khamiistii lagu qabtay Madaxtooyada inuu si toosa ugu baahiyo dadweynaha dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku kala dhaqan maadaana Tv-ga Horn Cable si live isagu u baahiyey, waxa uu yidhi “Waxay yidhaahdeen Aalad yar oo aan lahayn ayaa keentay arrintaasi, oo Tv-ga Horn Cable isagu haystay, kaas oo kaliya ayaa si toos ah u baahiyey, Aaladaasi yar ee ka maqana waan u raadinaynaa insha Allaah si dhakhso ah ayaana loo keeni doonaa”

Wasiir Xaabsade, oo aanu waydiinay maadaama isaga iyo agaasimihii guud ee ku maqan UK ay wasaaradii ka maqan yihiin, cidda xilkii maamulka wasaarada uu u sii igmaday ee maamulka sii wada, waxa uu yidhi “Hawshii wasaarada waxa sii wada agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa, wasiirka gaashaandhigga Axmed X. Cali Cadami ayaana ku sime wasiir ka sii ah wasaarada warfaafinta”

Wasiirka mar aanu waydiinay su’aalu dhignayd, gogoshii madaxwaynuhu u fidiyay madaxdhaqameedyada gobolka Sool iyo Buuhoodle halka waftigooda u marayso hawlahaasi, waxa uu yidhi “Gogoshii waanu fidinay dadkuna diyaar bay u yihiin gogosha nabada ee madaxweynuhu ugu baaqay, imikana odayaashii iyo waxgaradkii ayaanu ururinaynaa, diyaar garow baa lagu guda jiraa oo meel fiican ayaanay hawshu noo maraysaa”

Wasiirka oo aanu su’aalnay goobta lagu qabanayo shirka wada hadalka nabadaynta, waxa u yidhi “Wali islamaanu meel dhigin goobta ay noqon doonto gogosha wada hadalku, balse hada waxaanu ku guda jirnaa gogol xaadhkii iyo diyaar garowgii”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

Source Haatuf

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *