Hargeysa(ANN) Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa  si adag  uga jawaabtay qoraalo lagu baahiyay maalmihii u danbeeyay  warbaahinta  maxaliga ah oo laga soo xigtay siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland, balse aaminsan mabda’a soomaali weynta iyo shaqsiyaad kale

oo yididiilada iyo rajada mustaqbalka aqoonsiga Somaliland ka muujiyay rajo la’aan.
Warsaxaafadeedka  ay soo saartay maanta wasaaradda warfaafinta  ayaa lagu difaacday siyaasada arrimaha dibada iyo cilaaqaadka xukuumaddu la leedahay dalalka caalamka. Kaas oo u dhignaa sidan:-
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku guulaysatay inay garaacdo oo ay furto albaabo badan oo hore inooga xidhnaa, dhinacyada xidhiidhka siyaasadda dibadda iyo ta diblomaasiyadda oo ay u horeeyaan dalalka carabtu, kuwaas oo dhawaan ay waddamadii u horeeyey ee carabta ay socdaal ku tageen Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo ay weheliyaan wasiirada arrimaha dibadda, duulista iyo hawada iyo chief of cabinet-ka madaxtooyada sida dalalka imaaraadka carabta iyo kuwayt martiqaad rasmi ah u fidiyey madaxweynaha, waxayna ahayd booqashadii ugu maqaam saraysey tan iyo intii ay jirtay Somaliland marka laga eego dhinacyadii soo dhaweynta, qaabilaadda iyo natiijada kulamadii uu la yeeshay madaxda ugu saraysa ee imaaraadka carabta iyo Amiirka waddanka kuwayt maxsuulkeedu noqday in Somaliland laga taageero dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, jidadka , biyaha iyo dublamaaisyadda oo gaadhsiisan heer ay imaaraadka carabtu ogolaadeen in aynu safaarad ka furano dalkooda.
Haddaba talaabadani iyo kuwo kale oo badan oo loo qaaday dhinacyada diblomaasiyadda iyo siyaasadda dibadda waxaa aad uga xumaaday qaar badan oo ka soo horjeeda meel marinta qaddiyadda Somaliland horumarinteeda Somaliland, kuwaas oo isticmaala sifo kasta oo ay ku shaki gelin karaan waxyaabaha aynu qabsanay iyagoo inta badan innagula meeraysta sheekooyin duugoobay oo ay Somaliland kasoo gudubtay wakhti hore oo ay ka mid yihiin, in madaxda Somaliland ay had iyo jeer ku sawiraan inay wadaan dib u soo celinta midnimadii waa hore saqiirtay, mana aha kuwa sidaa yidhaa hadalkoodu wax cusub maaha, waxaanay soo wadeen tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda 18kii May 1991kii, sheekadaasina waa mid shacbigu ka dharagsan yahay oo dib aan looga marin habaabin Karin himiladooda iyo hankooda labaatan jirsaday.

Waxaa haddaba la yaab leh saxaafadda madaxabannaan ee dalkeena gaar ahaan wargeysyada qaarkood oo buunbuuniya maalmahan dembe dacaayadahaa aan soo sheegnay una faafiya kuwa neceb qaddiyadda jiritaanka Somaliland, iyagoo ka soo xigtay shabakado cid walba wax gashan kartosss, waxayna ujeeddadoodu tahay inay la daba socdaan mafiiq ay ku tirtiraan raad kasta oo horumarineed oo ay qaado Somaliland iyagoo la moodo mas’uuliyiinta wargeysyada qaarkood inay ka maqan tahay ruuxiyadda waddaninomo iyo inay dhawraan mas’uuliyadda qaranimo inta ay ku leeyihiin.

Waxaa maanta looga baahan yahay muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi inuu barbar istaago hoggaanka dalka dhinac siyaasadeed , dhaqaale iyo bulshadaba isla markaana aynu dabo istaagno masuuliyiinta xilka qaran inoo haya aan dooranay lagana joojiyo doco-docaynta iyo durista qaawan ee ee lala daba socdo, taas oo wax u dhimi karta waxqabadkii firfircoonidii iyo dadaalkii ay ugu jireen shacbiga iyo masuuliyiinta qarankuba gaadhista himilooyinkooda, sidaa darteed inoo ballan ah hadda wixii ka dambeeya inaynu is barbar taagno hadba ciddii hoggaanka dalka aynu u doorano kana dhursugno.Barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen.” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda warfaafinta.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *