Hargeysa(ANN)Maamulaha shirkaddaha wadaniga ah ee Dahabshiil Group Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegyada kala duwan iyo shaqooyinka ay u hayaan bulshada reer Somalialnd iyo guud ahaan bulsho waynta caalamka ee isticmaala ama

ku xidhan adeegooda iyo weliba qaybaha ama faracyada kala duwan ee ku bahooba shirkaddan Dahabshiil oo dalka ka shaqaynaysay muddo aad u dheer oo ku siman 40 sannadood.
. “Shirkaddan Dahabshiil oo runtii ah shirkad wadani ah, waxay ka bilaabantay magaalada Burco sannadkii 1970-kii, waxkhtigaas oo ay ganacsiga alaabooiyinka dibada laga keeno ay ka mid ahayd arrimaha ay ka shaqayso.
Shirkadda Dahabshiil muddo markii ay shaqadaas ku jirtay iyada oo siyaabo kala duwanna shaqada u haysay, sannadkii 1988-kii bishii May, markii dagaaladu ay ka dhaceen wadanka ee loo qaxay dibadda ayay shirkaddu markaa bilowday qaybtan aadka loogu bartay ee ah ka shaqaynta lacagaha, ha noqoto lacag la xawilayo ama ha noqoto lacag la sarifayo iyo in ay boqol iyo konton wadan ku yeelato meelo lacagta loo diro ama laga soo diro,” ayuu yidhi C/Rashiid Maxamed Siciid.
Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo ka jawaabayay su’aal ahayd wakhtigii shirkadda Dahabshiil ay bilaabaysay adeegooda oo ay yaraayeen shirkadaha noocoode ahi iyo aaminaada ama fahanka ay dadku ka leeyihiin, waxa ay ku kasbadeen kalsoonida iyo aaminaada bulshada waxa uu ku jawaabay “Runtii waa xaqiiq jirta in 40 sanno ka hor iyo maanta ay kala duwan tahay, waxaa laga yaabaa 40 sanno ka hor qofku in uu is waydiinayay su’aalo badan, balse maanta dadku ay kugu aaminayaan wax kasta. Kasbashada aanu ku kasbanay aaminaadaasi waxa weeye dedaal, in aanu dadka daacadnimo ugu shaqayno, degdeg ugu shaqayno, qiimo hagaagsan oo ay naga helaan iyo dadka shirkadda u shaqaynaya oo runtii ah dad aad u wanaagsan, ha noqoto amaanadooda oo aanu ku dooranay, ama akhlaaqdooda aanu ku dooranay ha noqoto, ama tababarka iyo aqoonta ay leeyihiin ha noqoto, ama gobol kasta oo aanu ka shaqayno dadka gobolkaas u dhashay ha noqoto. Tusaale magaalada Boorame dadka ka shaqeeyaa waa reer Boorame, Gebilay kuwa ka shaqeeyaa waa reer Gabilay, Hargaysa waa reer Hargaysa Burco waa la mid, markaa waxaas oo dhan waxay noo suuro galisay in ay cid waliba u shaqayso, waad ka warhaysaa koonfurta Soomaaliya shirkaddu baaxadda ay ku leedahay, ilaa 220 laamood ayay gaadhayaan meelaha ay shiraddu lacagta gaadhsiiso, intuba waxay ku shaqeeyaan hanta ay shirkaddu leedahay, dhisme ay shirkadu leedahay ayay ku shaqeeyaan, waxaas oo dhamina ay sharaf u tahay wadanka. Runtii waxaan odhan karaa waxaanu nahay shirkadda wadaniga ah ee aamintay wadanka ee dhismayaasheeda gashatay ee xoolaheedii gashatay halka shirkadaha qaar ay lacagta dibada u dhoofiyaan, balse anagu wadanka ayaanu u soo dhoofinaa.’
Maamulaha shirkaddaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo ka hadlayay tirade shaqaalaha ka hawl gala shirkadaha Dahabshiil waxa uu yidhi “Runtii shaqaalaha shirkadu way is bedelaan, qaybo kala duwan ayay ka shaqeeyaan, shaqaalaha xawaaladda ka shaqeeya laba kun oo qof (2000) ayaan ku qiyaasi karaa, waa dhamaan laamaha wadanka gudihiisa ku yaala. Waxa jira shirkado kale oo Dahabshiil Group hoos yimaada. Waad ka warhaysaa shirkadda Somtel oo hadda runtii isgaadhsiinta oo xaga internetka ha noqoto ama xaga Telefoonka ha noqotee, inkasta oo ay cusub tahay haddana aad arkaysid in ay dadku ka helayaan Seerfis aad u fiican iyo qiimo aad u wanaagsan. Waxa kale oo jira Dahabshiil Bank oo isna shaqooyin kala duwan qabta dad gaar ahina ay u shaqeeyaan, waxaa jira qaybtii ganacsiga oo 40 sanno ka hor uu Xaajigi Maxamed Siciid ku bilaabay markuu shirkadda asaasay in ay weli sii jirto oo runtii qayb kooban ah oo runtii aanu uga danleenahay magacii uun in uu jiro qaybtaa ganacsiga, siyaabo kala duwan ayay shirkaddu u shaqaysaa. Waxa k ale oo jirta ganacsatada wadanka in aanu la shaqayno, siyaabo badan oo aanay dadku ogayn ayaanu ula shaqaynaa, dhamaan ganacsatada waawayn ee dalka ka jirta, maadaama aanu shirkad wadaniya nahay, shirkaddii wadanka ka shaqaynaysa wada shaqayn gaar ah ayaa naga dhaxaysa.”
“Waxaanu kaga duwanahay marka ugu horaysa shirkad wadaniya ayaanu nahay, marka labaad 220 laamood gaadhaya ayaa ka shaqeeya, mar saddexaad shirkadda ugu wayn ee marka la eego dalka ka shaqeeya, ama ha noqoto meelaha aanu ka shaqayno, tuulo kasta lacagtaadi baa gaadhaysa daqiiqad, shirkadda kale ee taa soo gaadhaysa garanmaayo ee daqiiqad ku gaadhaysa halkii loo diray. Dhinaca kale maal gelinta aanu gelinay dalka anagu waxaanu u haysanaa in aanu anagu ugu horayno, laga soo bilaabo Boorame ilaa koonaha kale waxaanu nahay shirkadda kaliya ee intaas oo dhisme ku leh, intaas oo shaqaale ku leh, ee lacagteedii taalo ee bulshadii u shaqaynaysa ee dadkii wadaniga ahaa u shaqaynayaan, markaad intaas oo dhan eegto waxaan filayaa in aad ogaan karto in Dahabshiil ay tahay ta ugu wayn,”ayuu yidhi Maamulaha guud ee shirkada Dahabshiil oo u waramayay Wargeyska Dawan ee ka soo baxa caasimada Hargeysa.
Maamulaha shirkadda Dahabshiil Group oo ka jawaabayay tartanka shirkadaha kale ka dhexeeya iyo dedaalka ay shirkadda Dahabshiil ugu jirto sidii ay u sii haysan lahayd horyaalka xawaaladaha dalka ka jira waxa uu ku jawaabay “Tartanku wuu jiray ilaa maalintii aanu asaasnay, ilaa maalinta ugu dambaysana wuu jirayaa oo tartanku ganacsiga ayuu la socdaa, 40 sannadood ka hor markii ay shirkaddu yarad markaaba tartanku wuu socday, tartankuna waa caafimaad, haddii uu qof waliba yidhaahdo halkayga ayaan xidhanayaa oo aniga ayay gaar ii noqonaysaa ma shaqaynayso, maxaa tartanku u baahan yahay, isgaadhsiinta oo kale, hadda waad la socotaan oo shirkadaha qaar ayaa ku heshiiyay in ay isku xidhmaan, waa qayb ka mid ah oo dadka isticmaalaya u wanaagsan, haddii aad hadda haysato shirkad hebel oo aanad shirkad hebel kale la hadli karaynin, qofka khasaaraha ku jiraa waa adiga, qofkaagan telefoonka haysta ee lacagta laga qaaday ee Simikaadhka iibsaday ee walaalkiisa kale aan la hadli karayn ama aan lala soo hadli karayn , aduunkana kama jirto shirkad tidhaahda aniga oo kaliya ayaa meel fadhiyaya cid kalena ilama soo hadli karto, waa qof yidhi tartamimaayo, markaa tartanku waa kaas.”
Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd kaalinta shirkadda Dahabshiil Group ay ka qaadato fursadaha shaqo abuurista dalka waxa uu ku jawaabay “Mar walba shaqo la’aani way jiraysaa, tusaale ahaan saddex milyan oo qof ayaa wadanka Ingiriiska oo kale shaqo la’ hadda, mar walba qofka yidhaahda shaqada waan buuxinayaa been ayuu sheegayaa. Anaguse waxaanu u haysanaa haddaanu shirkadda Dahabshiil nahay in aanu qayb weyn ka qaadano shaqo abuurista.
Shaqo abuuriddu marna shirkadda ayaa dad shaqaalaysa oo waa dadkaan kuu sheegayay ee aan ku lahaa 2000 oo qof ayaanu shaqaalaynay, ama mashaariic kale ayay maalgelisay, tusaale ahaan shirkadda ganacsiga ee aanu lacag amaahinay ee raashin dibada ka keentay, ama guryo dhistay, sow shaqadii ay abuurtay si dadban umaanu caawin, markaa taasi waxay ka mid noqonaysaa in aanu si dadban shaqo abuurista uga qayb qaadanay. Waxaa guryo la dhisaayo ama hore loo dhisay dadka dhisanayaa lacagta Dahabshiil ayay soo mariyaan, ka waran haddii qofka London joogaa aanu lacagta soo xawilan karayn? Ka waran haddii shirkadda uu lacagta soo marinayaa ay tahay mid lacagta kala sagsaagaya, miyay suuro gelilahayd waxyaabo badani? Markaa si toos ah iyo si dadbanba waanu uga qayb qaadanaa, ILLAAHAY mahaddii amaanka dalkeena ka jiraana fursad buu leeyahay. Markaa runtii waan aaminsanahay in fursadda shaqo abuuristu ay marba marka ka dambaysa ka sii wanaagsanaanayso. Qasab waxa kale oo shaqooyinka qaar ay la imanayaan aqoon iyo xirfado loo baahan yahay, Jaamacadda waadigii ogaa dhawaan in aanu ka hadlaynay, waxyaanu kaga hadlaynay mashaariic aanu soo bandhigayno, marka mashaariicdaa la soo bandhigo ama Sibidh ha noqoto ama dhisme kaleba ha noqotee waxay ka qayb qaadanaysaa fursadaha shaqo abuurista. Shirkadaha kale ee aanu la shaqaynaana qayb ayay ka yihiin in ay shaqo abuuraan.”
“Mustaqbalka waxaanu rajaynaynaa horta ILLAAHAY in nabadgelyada wadankeena ka jirta uu inoo sii siyaadiyo, Barwaaqo ayaanu rajaynaynaa, wadankayagu marka uu horumarana shirkadaha aanu ka midka nahay way horumarayaan, way isku xidhan yihiin, in aanu mashaariic cusub oo shaqo abuuraya keeno ayaanu jecelnahay, in aanu kuwan jira sii horumarino ayaanu jecelnahay, in shaqaalahayaga iyo dadku wada horumaro ayaanu jecelnahay, horumarkaas ayaanuna ka qayb qaadanaynaa,” ayuu ydihi Maamulaha shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale.
Mr. Cabdirashiid oo ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd doorka ay shirkadda Dahabshiil Group ka qaadato arrimaha samofalka waxa uu ku jawaabay “Arrimaha samofalka iyo arrimaha kale ee dadka caawinaya, xaqiiqda haddii aan sheego aniga oo aan waxba ku darayn, koone ilaa koone dhibaatooyinka naloola yimaado ee aanu u aragno in ay tahay caqli gal waligayo kamaanaan hadhin, haddii laga hadlayo Jidka Boorame laga samaynayo, Dahabshiil waxa uu ahaa kii ugu horeeyay ee ay odayaasha reer Boorame u yimaadaan, haddii Gebilay, Hargaysa iyo meel kale wax laga qabanayo, dadku horta iyagaaba fiican in ay ka hadlaan oo mararka qaar in aanu anagu ka sheekayno ma wanaagsanaba. Koone ilaa koone wax umadda loo qabanayo, waddo ha noqoto, isbitaal ha noqoto, qof bukooday ha noqoto, iskuul ha noqoto am caruurta adarbi jiifka ah ha noqoto, waligayaba kamaanaan hadhin, arrimaha samofalku waxay ka mid tahay sidaan kuu leeyahay nabadgelyadu waa noo muhiim, haddii ay dadku dhibaatoonayaan in aanu lacag meel dhigano nooma aha dan, lacag in aanu dhoofinana dan nooma aha, wadanku waa wadankayagii, haddii ay shaqo noqoto iyo haddii ay noqoto arrimaha samofalkaba waanu ka qayb qaadanaynaa, arrintaa anaga ayaa isu xilsaarnay, cid noo sheegtayna ma jirto, waanuna wadaynaa.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *