Hargeysa (ANN) Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayaraadka badaha Cabdillaahi Maxamed Geeljire,ayaa xalay cassuumad sharafeed aafur iyo casho ah ugu sammeeyay Hudheelka Ambasaddor  ee magaalada Hargeysa Urur ay leeyihiin  Haween ka mid ah qurba-jooga Somaliland oo

 

lagu magcaabo  (Somaliland Women Association), isla markaana loo soo gaabiyo SLWA, kaas  oo ah urur xaruntiisu  tahay London, oo laamo faracyo ah  ku leh Somaliland.


Munaasibad-sharafeedkan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir iyo Agaasimaha xafiiska xidhiidhka goleyaasha madaxtooyadda Bashiir Cabdi Xariir, ayaa Wasiir Geel-jire oo hadal kooban ka jeediyay,sheegay in munaasibada ayaa xusay inay   tahay mid ka jawaabaysa soo-dhawayn Haweenka SLWA ee ay ku bahoobeen haweenka qurbaha ee Somaliland, kuwaas oo sida uu sheegay  u sammeeyeen isaga iyo xubno xukuumada ka tirsan oo safar ku tegay London soo dhawyn balaadhan.

Wasiirku waxa uu xogwaran ka bixiyay duruufaha ku xeeran mandaqada Afrika ee badankeeda qalalaasuhu hadheeyay iyo sida Somaliland uga nabadgashay, una abuurtay nabadgelyo iyo hanaan dimuqraadi ah oo ay kaga gaashaamatay dhibaatooyinkaa.


Wasiir Geeljire waxa uu carabka ku dhuftay in dalal badan oo adduunka ahi u soo jeesteen Somaliland oo ay danaynayaan, gaar ahaan dawladda Ingiriiska oo wakhtiyadan danbe taageero u muujinaysa Somaliland.


Guddoomiyaha Ururka SLWA Marwo Caasha Xuseen Maraykan, ayaa uga mahadcelisay  sida qiimaha leh ee Wasiiraddu u soo dhaweeyeen, islamarkaana xustay in ururkoodu yahay mid ka shaqayn doona horumarinta iyo taakulaynta dadka ku dayacan dalka gudihiisa (Vulnerable people).
Guddoomiye Caasha waxay intaa raacisay in ururku wakiillo iyo xafiisyo ku leeyahay gudaha Somaliland, iyadoo qaar ka mid ah wakiillada gudaha ee SLWA ka soo qaybgaleen munaasibadda.
Qaar ka mid ah haweenka qurba-jooga ah ee ka soo qaybgalay, ayaa iyaguna su’aalo kala duwan ka weydiiyaya wasiiradda xaaladaha kala duwan ee dalku ku suganyahay, qorshaha dawladda iyo tilmaamo iyo tallooyin ay u jeediyeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *