Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha,  Ha’yadaha dawliga ah  iyo gobolada qaarkood ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo qayb ka ah balanqaadkii xiligii Ololaha doorashada ee kal hore Madaxweyne Siilaanyo ugu balanqaaday shacbiga in waxqabadka xukuumaddiisa saddexdii biloodba mar dadweynaha losoo bandhigayo.
Qoraalkan oo ah qaybtii 11aad waxaanu kusoo gudbinaynaa  waxqabadka Hay’addaha dawladda ee lagu xusay qoraalkaa sida Baanka Somaliland iyo Xafiiska samafalka Madaxtooyada oo  qoraalka kasoo baxay xukuumadda Somaliland ee waxqabadkoodii saddexdii biood ee u danbeeyay u qornaa sidan:-

Xafiiska Samafalka Madaxtooyada

Xafiisku waxaa uu madaxwayanuhu ku dhawaaqay bishii 9.2010 kii,
4 bilood oo xog urursi ah iyo mashaariic diyaarin iyo siduu u shaqayn lahaa iyo aragtida guud
Xafiisku hawshiisii kowaad waxa uu bilaabay 12.2010 waxaanu fuliyey qaybinta barmaamijkii xoolaha IIDUL ADXA, xafiiskoo la kaashanaya hayadda Zamzam foundation iyo dalada Haado,muslim aid iyo haayadda Islamic relief waxaana loo qaybiyey tiro gadhaysa lixkun oo qoys oo danyar ah (6000qoys) oo aad u baahnaa.
Xafiisku waxa uu ka qayb galay gurmadkii ka hortagii abaarihii dalka aafeeyey bari iyo galbeedba ,ha ahaato  biyo dhaamis, raashin qaybin, tiro gadhaysa shan iyo tobankun oo qoys(15000 qoys)
Xafiisku waxaa uu ka qayb galay abaartii lama filaanka ahayd ee aafeysay waqooyiga gobolka maroodi jeex oo la quudiyey sagaal kun iyo sideed boqol oo qoys (9800qoys) waxaanu xafiisku ka qayb galay soo raristii  dadkii tabaalaysanaa ee abaartu aafeysay iyo dejintoodii
Xafiisku waxa uu ka qayb galay dhagax dhigii xarunta agoomaha ee burco, halkaas oo ay tageen waftigii ay marwadu hogaaminaysay.
Xafiisku waxaa uu fuliyey Barmaamijkiisa ku saabsan caawinta danyarta isagoo la kaashanaya haayddaha Manhal , Qarnul ifriiqiya iyo Zamzam foundation waxaana la gaadhsiyey tiro dhan  afar kun oo qoys (4000)
Xafiisku waxa uu ka qayb galay caawintii la cawinayey danyarta ku nool Gobolkada Somaliland deeq ka soo gaadhay isu tag imaaradka carabta oo soo marariyey Bisha Cas ee Abudubay deeq dhan 30 tan oo raashin ah

loona qaybiyey Bari iyo Galbeed,) shan iyo toban tan bari( 15 tan) iyo shan iyo toban tan (15 tan) galbeed.
Xafiiska oo ay hoggaminayso marwada koowaad marwo amina waris  waxay deeq gaadhsiisay dhakhtarka dhimirka ee Hargiesa oo ahayd deeq raashin ah oo kala duwan
Xafiiska oo ay hoggaminayso marwada koowaad marwo amina waris  waxay deeq gaadhsiisa xarunta agoomaha ee hargiesa deeq raashin ah oo kala duwan
Safarkii ay Marwada madaxweynuhu ku tagtay Gobolka Cayn iyadoo halkaas ay gaadhsiisay deeq loogu talagalay dadkii ku wax yeeloobay tuulada Tukub.
Xafiiska sama falku waxa uu deeq raashin ah gaadhsiyey iyadooy marwada kowaad hogaaminayso deeq raashin ah oo kala duwan oo loo qaybiyey 300 qoys tuulada agabar iyo tuulada caada
Isugaynta tirada qoysaska ka faa’iidaystay barmaajijka taakulaynta dan yarta uu xafiisku fuliyey
Tirade guud oo ah 33,100 qoys oo dan yar ah, dhamaan lixda gobol ee Somaliland.
Xafiiska oo dhiirigalinaya ardayda jamacaddaha ee soo kordhiya wax ku cusub dalka oon hore loo arag  si ay u sii dedaalaan intaasi iyo in ka badana aya qabtaan. Iyadoo loo sameeyey xaflado dhirigalineed

Baanka Somaliland
Bilowgii April 2011 waxa dalka soo gaadhay qaybtii hore ee dalabkii lacageed, taasi oo ka soo degtay madaaarka Berbera si nabadgelyo ahna ugu soo xarootay xarunta dhexe ee Baanka Somaliland,
– Waxaanu Baarlamaanka ka dalbanay ansixinta Noodhadhka 1000 iyo 5000, waanay ansixiyeen.

waxanu dalabnay badhtamihii April lacag cusub (new notes) oo ka kooban 1000sh.sl & 5000Sl/shs, taasi oo aanu shubnay qaybtii hore ee qiimaha lacagtaasi

(60% advice payment), taasi oo aanu rajaynayno inay dalka soo gaadho sannadkan dabayaaqadiisa.

*Bilowgii bisha May 2011 waxanu u hawlgalnay beddelkii lacagta giimbaarta ee gobolka Togdheer iyo nawaaxigiisa, waxanan si raasmi ah u soo gabagabaynay 24/05/2011. Lacagta aanu bedelay waxay ahayd 20 Bilyan oo Giinbaar, laguna bedelay lacag u dhigmaysa 10 Bilyan oo SLSHL ah.
*Bilowgii bisha June waxanu la kulanay khabiir aqoonyahan oo ka socda dalka Malaysiya, kaasi oo aanu sila gaadhnay inuunoo samyeeyo xidhiidh aanu la kulanao Bangiga dhexe ee Malaysiya., bishan waxanu ka qaybgalnay “Workshop” soconayey saddex cisho oo ka dhacay Maansoor Hotel kaasi oo ay soo qabanqaabsaiy gudida dhaqaalaha ee Golaha WAkiilada Somaliland. Kaasoo lagaga hadlayay sharciyayntii shuruucda Baanka Dhexe.
Lasoco —————

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *