Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha,  Ha’yadaha dawliga ah  iyo gobolada qaarkood ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo qayb ka ah balanqaadkii xiligii Ololaha doorashada ee kal hore Madaxweyne Siilaanyo ugu balanqaaday

shacbiga in waxqabadka xukuumaddiisa saddexdii biloodba mar dadweynaha losoo bandhigayo.
Qoraalkan oo ah qaybtii 10aad waxaanu kusoo gudbinayna  waxqabadka Wasaaradda War-faafinta iyo wacyigelinta  oo ugu danbaysay qoraalka taxanaha wasaaraddaha xukuumada iyo waxqabadkii  dhinaca gobolada ee lagu xusay qoraalkaa, iyadoo  oo qoraalka kasoo baxay xukuumadda Somaliland ee waxqabadkoodii saddexdii biood ee u danbeeyay u qornaa sidan:-

Wasaaradda War-faafinta & Wacyigelinta
20.
-istuudiyaha 1 aad ee Telefiishanka  oo la dayactiray lana qalabeeyey
-istuudiyaha 1 aad & 3 aad ee raadyow hargeysa oo qaboojiyayaakl lagu xidhay
–Qalabkii idaacadda oo la kiciyey )Kaamerado, rikoodho..iwm)
-Kayballada xidhiidhiya istuudiyaha iyo warlaliska oo xadhkihii laga beddelay.
-kaalmadii USAID oo wasaaraddu qaybteeda ka heshay.
Tababarro la siiyey shaqalaha wasaaradda
-dib u habayn ballaadhan oo lagu sameeyey barnaamijyada iyo wararka idaacadda iyo TV ga iyadoo waqtiyo munaasib ahna lagu kordhiyey.
-qoraal aannu ku dalbaynu idaacad dalka iyo dibeddaba gaadha ayaannu u dirnay guddida qandaraasyada
-gaadiidka wasaaradda oo la dayactiray

21.      Wasaaradda Madaxtooyada :–  waa Wasaarado Cusub
22.     Wasaaradda Did-u-dejinta :–  waa Wasaarado Cusub
23.     Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga :–  waa Wasaarado Cusub

Dhamaad ka Warbiximaha Wasaaradaha

Gobolada Dalka iyo Wax qabadkooda

Boorama:            
a)   – Waddo Magaalada dhexdeeda ah oo dhamaatay
b)  – Biriij yar oo ku yaala Tuulada Degmo-Laqas oo dhamaaday
c)   – Berkad ku taala tuulada Weeraarta oo dhamaad ku dhaw
d)  – Berked ku tuulada  gargooray  oo dhamaatay
e)   – Health post (goob caafimaad )  Garbo-haadlay oo dhamaatay

Dawlada Hoose ee Berbera:

Dawladda Hoose ee Berbera waxay wadaa Mashruuciicda kala ah: dhismaha wadooyin 9 wado Totalka Metter koodu dhanyahay 4587 Meter.
Mashruuca  Contrabution dhismaha Garoonka & wadada garoonka dhex marta
5. Mashruuca  Taarka lagu soo wareejiyay Garoonka .
6. Mashruuca  Garoon kubadeed (Play Ground Stadium) lagu hayo Gacanta
7. Mashruuca  Taalo kamida bilicda magaalada laga sameeyay Shide-yar New Roads
8. Mashruuca Banaynta Magaalada Dhexdeeda & Rarida Sandaqadaha & cooshadaha

9. Mashuuraca  Dhamaystirka sariibada 2aad ee magaalada kuna taal Burco-sheikh
10. Dhismaha Xafiis Dowladahoose ku leedahay Haamaha
11. Dhismaha Masaajid & Qolaalkalaga sameeyay Goobta Biya Guure Ee Biyaha Kulul
12. Mashruuca Town Plane ka & Maping ka loo sameeyay Magaalada Guud ahaan

Gobolka Togdheer:
Waddo magaalada dhexdeeda ah oo dhamaatay
a)   Biriij yar oo ku yaal waraabeeye
b)   MCH ku yaal War-cimraan oo dhamaday
c)   MCH ku yaldhoqoshay oo dhamaday
d)   Dhismaha barkad ee kal-bare ku taal oo dhaamd ku dhaw
e)   Dhismaha Saldhig ee Qoyta  ku yaal oo dhamaaday

Gobolka Sool:
Laas-caanood:
a)   – Sariibad hilibka laas-caanood oo dhamaatay
b)  – Sariibadii khudaarta oo dhamaatay
c)   – Dhismaha kawaanka gawraca oo dhamaaday

d)  – Dhismaha D/dhexe ee adhi cadays oo socda
f)    – Dhismaha guriga Cuqaasha Gobolka waa dhamaad dayactirka wadada isku xidha laascaanood Higlo 40KM,  8 Buundo iyo buuxbuuxinta wadada dhinacyadeeda oo dhamaad ah.
g)   – Dayactirka wadada isku xidha laas-caanood, Guumays 65KM iyo  buuxbuuxinta

gobolka Salal:

a.  – Ceel riig ah (bore hole) ayaa laga qoday tuulaada Ceel Gaal (150M oo hoos ah iyo 1,800m oo qasabdo lasii dhigay waxaana iska kaasahaday Wasaaradda  Macdanta Biyaha iyo  Dawlada D.Jabuuti .
b.  – Ceelka laanta Morohda oo laga shaqaysiiyey
c.   – Bariis laga beeray Degmada Garbo-dadar oo wax soo-saarkiisa dhawaan la sugaayo
d.  – Guryo badan oo loo dhisay Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo dayactir lagusameyey Guryihii hore ee Taliska

Gobolka Gabiley:
4 kaabadood oo labada kaantarool ah.
– Waxaa dhamaaday samaynta laba waddo 2KM oo laami ah oo isku xidha magaalada ilaa Dugsiga  Sare.
– Dhisme geerash dhan 50mx13m wuu dhamaaday.
– Dhismayaal lagu sameeyey kaantaroolada magaalada  oo kala ah
– Dib u dhis iyo balaadhin lagu sameyey khayriyada.

– Dib u dhis sddex suuli oo loo sameeyey saldhiga Booliiska.

Gobolka Hawd
Mashariiicda horumarineed ee Gobolka:
a.   – Dhisme laba qol iyo suuliyo ee saldhiga Boliiska magaalada Balligubadle (Hay’addaDDG)
b.  – Dayactir dhaam biyood  ee Tuulada Gunburaha (Havayoco)
c.   – Laba fasal kuraastoofda iyo miisaantooda dhisme afar suuli isla dugsigaas (NRC)
d.  -Baabuur Amblace ah ee dhakhtarka baligubadle (ee jaaliaya S/arabiya).

Gobolka Oodweyne:

Waxqabadka  Mashaariicda ka hirgashay Gobolka Oodweyne:
1.   Waddo-banayn laga fuliyey Magaaladda Oodweyne oo ah 12 waddo (6 barri –Galbeed iyo  6 waqooyi-Koonfur)
2.   Baabin ood xeryaha Magaalada dhexdeeda ah
3.    cusbitalka  Degmada oo la furay oo shaqaynaya
4.   Waxa la kiciyey  lagana  shaqaysiyey  Baabuurkii Ambalaaska ee  ee Cusbitaalka Degmada.
5.   Waxa la dhisay 3 qol oo ah  cusbitaalka TB ayna fulisay  (JPLG)

6.   Waxa la furay  cisbiitaalkii Guud  ee Gobolka ,waxaana la keenay shaqaalihii iyo dawadii
7.   Dhisme  2 fasal Dugsiga  hoose dhexe  ee Degmada Xaaji saalax  fulisayna JPLG
8.   Dhisme barkad biyood (12mX12mX4m) ee tuulada  cali faarax ayna fulisay (JPLG)
9.   Dhisme MCH 2 qol oo loo dhisay  Tuulada Gucundhaale fulisayna (JPLG)
10. Dayactir 4 barkadood  oo ku yaala  Tuulada  Laan-mulaaxo fulisayna (JPLG)
11.  Dhisme  barkad (12MX12mX4m) loo dhisay  Tuulada  xidh-xidh fulisayna JPLG
12.  Dhoobe-qaad lagu  sameeyey dhaamka Talaabo-yar ee tuulada galoolay.
13. Baabinta oodii  dhul-cawseedka Degaanadda  beerato  habaas-weyn- goryo-ood, qolqol, iyo  Haro –sheekh
14.  Ka qayb-qaadashada  waddada Burco –Oodweyne- Hargaysa oo hadda socota

Wasaaradu waxay u dirtay toban kooxood goboladda maroodi jeex, awdal, saaxil, togdheer, iyo sool
Dhamaadka Warbiximaha Gobolada. qoraalka ka ku xiggana waxaan kusoo gudbin doonaa waxqabadka Ha’addaha gaarka ah ee dawlada.
La soco————-

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *