Mudane wasiir, marka hore qallinku waxa uu kugu hambalyeynayaa xilka culus ee lagu magacaabay, Illaahayna ha kuu fuddudeey, mar labaadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulkeeda laguu dhiibay waxay ka mid tahay hay’adaha ugu baaxadda weyn, isla markaana ugu miisaanka

 

culus hay’adaha kala duwan ee dawladda Somaliland, waxaanna hoosyimaad madaxda iyo masuuliyiinta dhammaanba gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo dhinaca kalena hay’adaha kale ee dawladda iyo kuwa madaxabannaanba siyaabo kala duwan ula shaqaysa, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, nabadgelyada iyo ka shaqaynta xasilloonida guud ee qaranka Somaliland.
Mudane wasiir; sida Daymadda Wargeyska Jamhuuriya hore loogu faafiyey faallo ciwaankeedu ahaa ‘Daakhiligu ka Culus Xil Lagu Xusho, Reernimo, Eex iyo Saaxiibtinimo!,  Wasaaradda daakhiligu waa hay’ad waajibaadkeeda shaqo yahay ka warhaynta iyo la socodka waxkasta oo ka dhaca ama ka socda gudaha xuduudaha Somaliland bad iyo berriba, iyada oo la shaqaynaysa hay’adaha kale ee aan sida toos ka ah u hoos iman, balse qaabilsan arrimahan aynu xusnay.Waxa wasaaradda daakhiligu u xilsaaran tahay ilaalinta ammaanka magaalooyinka, gobollada, degmooyinka, tuulooyinka iyo meelkasta oo Somaliland ah, iyada oo la kaashanaysa ciidammada booliska iyo madax-dhaqameedyada kala duwan miyi iyo magaalaba.
Aan ku xasuusiyo wasiir cusub baad tahaye, waxyaabaha kale ee wasaaradda Daakhiliga ee laguu dhiibay qaabilsan tahay waxa ka mid ah, xidhiidhka u dhexeeya xukuumadda dhexe iyo  gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka, maadaama guddoomiyaha gobolka oo hoos-yimaad wasaaradda arrimaas qaabilsan sida ku cad qodobka 111 ee dastuurka Somaliland, farqadiisa 6aad oo qeexaysa in guddoomiyaha gobolku yahay  xidhiidhiyaha xukuumadda-dhexe iyo degmooyinka gobolka, isagoo hoos imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Mudane Duuroow; waxaad maanka ku haysaa in wasaaradda  daakhiligu dalka ka caawiso kobcinta dhaqaalaha iyo ururinta cashuuraha, iyada oo la shaqaynaysa wasaaradda maaliyadda oo arrimahaas qaabilsan. Kolyabna war iyo xoggo badan waad ka haysaa meelaha dakhligu ka soo xeroodo maadaama aad ahayd xoghayaha gudi-hoosaadka dhaqaalahaa ee Golaha Wakiillada. Waxaannad ogataa in kobcinta dakhliga dalka aad qayb ka qaadan karto adiga oo la shaqaynaya wasaaradda maaliyadda marka loo eego dhinaca maamulka gobolada iyo degmooyinka dalka oo adiga ku hoos imanaya.
Wasaaradda laguu xilsaaray way gudo ballaadhan tahay, way baaxad weyn tahay, wayna hawlo badan tahay. Dadka reer Somaliland madax iyo minjo, taajir iyo faqiir, waxay ku gam’aan oo ku seexdaan ammaanka dalka ka jira, inta Illaahay ka sokaysana ammaanka iyo xasiloonida lagu seexdo ee imikaba lagu hurdo waxa masuul ka ah wasaaradda daakhiliga ee xilaheeda laguu dhiibay. Hadii dadku hurdada ka sasaas oo xasiloonidooda waxyeelo soo gaadho inta aad xilka hayso soo jeed iyo riyoba waa lagugu karaahiyeysan oo magacaaga maqalkiisa dhegto way dhibsan, ishuna aragtidaa way ka guban, haddii halka maanta la joogo aad ugu yaraan ku hayso ama sare uga sii qaado ducadda iyo ammaanta bilaash baad isaga guran doontaa. Go’aanka aad qaadanayso iyo ficilkaagu waxa uu kuu gooyo ayuun baad bulshadda ka heli doontaa.
Waxaad ku soo beegan tahay xilli mandaqada Geeska Afrika iyo adduunkaba isbeddelo ka socdaan, waad ka warhaysaa in kooxdii Al-shabaab Muqdisho oo dhufayskeeda ahayd lagaga itaal roonaaday, waa suurtogal inay meelo kale oo dalkeena iyo deegaannada Somaliland ka mid ah firxadkoodu soo gaadho ama ay gabasho u yimaadaan, ka warhaynta arrimahaas adiga ayaa lagaaga fadhiyaa, waxaanna ku hoos jooga oo kula shaqaynaya oo hay’adaha kala duwan ee ammaanka iyo shacbiga reer Somaliland. Xuduudaha dalka cidda ka soo galaysaa waa inaad ka warhaysaa oo la socotaa, adiga oo ka shaqaysiinaya hay’adda socdaalka oo wasaaradda daakhiliga hoos timaada. Dadka soo galeetiga ah dhaqdhaqaaqooda wasaaraddaada ayaa looga baahan yahay inay ka warhayso, waana inaad ka hawlgashaa sidii muwaadiniinta reer Somaliland iyo ajaanibka kale ee dalka ku sugan loo kala saari lahaa iyo weliba sidii loo kala xadayn lahaa gobolada iyo degmooyinka dalka.

Mudane wasiir; inkasta oo madaxweynuhu  sida uu ku sheegay Digreetada uu kugu magcaabay kugu soo xushay kartidaada, aqoontaada iyo hufnaantaada shaqo, isla markaana ku qancay inaad hanan karto xilka laguu magacaabay,
hadana waxa lagaaga baahan yahay oo wajib dastuuriya ah inaad ka dabaalato xilkaas culus ee wasaaradda daakhiliga, waana inaad la miisaan noqoto ama kaba sarayso  mustawaha mansabka shilis ee laguu dhiibay,  guusha iyo guul-darada kula soo daristaana waxay faa’iido ama khasaare u yeelanaysaa qaranka Somaliland iyo madaxweyaha bulshada aqoonyahanka ah kelidaa kaala soo dhex baxay. Waana inaad ka soo dhallaasho
waajibaadka qaran ee laguu dhiibay inta aan mar kale madaxweynuhu kugu odhan markii aad hanankari weyday xilkii laguu dhiibay,waxaan gartay inaan kaa qaado oo masuul kale oo hawshaas ka soo bixi kara u dhiibo. Maankana ku hay  in sida dhibka yar ee maanta laguu magacaabay, berina laguu eryi karo, laakiin waxa taariikhda kuu geli doonta hadba waxa aad gashato bulshadda Somaliland ee wasiirka Daakhiliga lagaaga dhigay.
Mudane, wasiir marka insha Allaah Golaha Wakiilladu ku ansixiyaan ee xilka laguu dhariyo waa inaad  noqoto  shakhsi aqoon iyo cilmi  u yeesha  hoggaaminta  degaannada kala duwan ee Somaliland ee wasaaradaadu maamusho, waa inaad noqdo nin leh hoggaamin, haggis, isku dubba-ridis iyo hubin in hawlaha wasaaradu qaranka u hayso sidii loogu talogalay u socdaan. Waxa loo baahan yahay inaad noqoto  masuul hadh iyo habeenba heegan u ah ka warhaynta waxa ka dhacaya dalka gudihisa oo dareenkiisu u xidhan yahay deegan kasta iyo tuulo walba oo dalka ah miyi iyo magaalaba. Waxaa  lagaaga fadhiyaa  inaad ku sifawdo  shaqsi leh dulqaad, go’aan qaadasho, cod kar ah oo dadka wada qanci kara, haasaawiye bulshada isku wadi kara oo cida wax tabanaysa iyo ka laga tabanayaba qancin kara. Isla markaana  aad ku koobnaanto xilka wasaaradda arrimaha gudaha ee lagu aaminay oo aan arrimo kale iyo siyaasad isku mashquulin, inkasta oo aad tahay masuul qaran oo kolayba aad siyaasadda xukuumadda ku shaqayn doonto, hadda xoogga saar sidii aad uga soo dhallaali lahayd xilkaaga oo qudha.
Mudane wasiir; waxaan ugu dambayntii kugula dardaarmayaa in dhegahaagu u furnaadaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka oo telefoonkaagu arrimo kale ku mashuulin, waa in marka warbaahintu kuu baahato aan lagu waayin ama aanad kaba meeraysan sida raggii kaa horeeyey oo kale, waxa saxaafaddu inta badan tabiso waa dhacdooyinka dalka gudihisa ka dhaca, waxaanna ku jri kara dhacdooyin badan oo shaqadaada khuseeya, in wax lagaa weydiiyana fiican tahay. Qallinku mucaarid kugu noqon maayo, muxaafid kuu guulwadeeyana noqon maayo. Inta khadku ku jiro ee ibtiisu irmaan tahayna waxa uu heegan u ahaan doonaa sidii uu khaladkaaga iyo saxaagga, guushaadda iyo guul-darradaada, wannaagaaga iyo xummaantaada, ammaantaada iyo dhalliishaadda intaba bulshadda u gaadhsiin lahaa. Hana ka baqan saxaafadda, waayo waa muraayadda aad wanaagaaga iyo xumaantaadaba ka daalacan karto. Ducaan kaaga tagay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *