-
Published On: Sat, Sep 3rd, 2011

WAAYEEL WAX UU KU TAGO AYAA LA TUSAA EE TAG LAMA YIDHAAHDO.

Smiley face
Share This
Tags

Wixii aan ka digi jiray sow lama hayo? Allayle haa!!. Waxay aayadda 175aad ee Al-Baqarah ka hadlaysaa in aanay jirin cid uga dul badan cadaab kuwa jidkii ay ku tegi lahaayeen jannada ayna ku gaadhi lahaayeen raallinimada Alle ka doortay mid geynaya cadaabta iyo cadhada Alle, jannadiina

dhaafsaday cadaab. Soomaalidu waxay iimaankii iyo diintoodii dhaafsadeen dhalanteedka adduunayada, iyaga oo meeshii ay dhibaato kasta oo dhex timaadda ay iyagu dhexdooda ka dhammaysan lahaayeen, ayay garan waayeen markaas ayaa cadawgii ay u noqdeen baylah.
Walaalayaal waan iska celin weyney dagaal oogayaashii waxaynu gacan ku siinnay xumaantii Alleh na faray iska reeba wanaagii uu Alleh na faray isugu hiiliyana waxaynu ku bedelay inaynu isugu hiilinay xumaantii. Markii maxaakiimtii Islaamiga ahayd jebisay dagaal oogayaashii waa laga soo hor jeestay maxaakiimtii dad ayaana afkooda ka sheegay inay samaysanayaan maxkamad ka duwan. Talaw maxkamadda ka duwan midda Alle maxay tahay? Hadalkaas oo ah hadal gaalnimo ku fadhiya, waxaan maxkamaddaas u haystaa in ay u dhigatay masaajidkii loo dhisay in dadka muslimiinta ah looga soo duulo una noqdo dhufays munaafaqiinta.
Markii cadaw gaalo ahi dalka qabsaday waxay dheheen annaga ayaa idin ka daba qaadayna caano iyo biyo si aad dadka muslimiinta ah u laysaan. Dadka sidaas ku hadlay Alle wuu sheegay in aanay agtiisa wax u yaallaa jirin, waxaan Alle ka magan gelayaa in uusan kuwaas iga dhigin.
Gaalada waxa ay yihiin Alle si cad ayuu noogu sheegay waxaana ka mid ah sida ku cad aayadda 120aad Al-Baqarah oo uu Alle si cad noogu sheegayo inay gaaladu gaar ahaan Yuhuudda iyo Kiristaanku aanay sinnaba raalli kaaga noqonayn ilaa aad diintooda qaadato. Halkaas waxaan kala soo baxayaa in ruuxa ay jecel yihiin ee muslimka ah ay ka dhex heleen dhimbiil baxaysa oo gaalnimo u dhow. Nin tukada oo muslim sheeganaya ayaan ku dhahay maalin wax aan shareeco Islaam ahayn ma ogolaynayno, waxaanse aad u naxay ninkii oo ku jira cimri sideedtanaad in uu igu dhaho haddii aynu gaalada erinno yaa wax na siinaya. Waxaan u arkaa ninkaasi in uu Alle u shirki yeelay oo uu wixii Alle lahaa ee uu abuuray uu gaalada siiyey.
Waxaan soo qaadanayaa aayadda 89aad An-Nisaa oo iyana uu Alle nooga xog warramayo gaalada uuna noo sheegayo in rabaan in aynu sidooda oo kale gaalawno si aynu ula mid noqonno ee weligiin ha soo dhoweysanina talana ha u dhiibanina ilaa ay soo Alle dartiis u soo qaxaan, haddiise ay diidaan in ay soo qaxaan dagaal ku qaada mar kasta iyo meel kasta oo aad ka heshaanna xasuuqa, wax garab ah iyo hiillo toonana weligiin ha u doonanina. Markaas ayaynu soo dhoweysanay, jeclaanay taladiinna u dhiibaynay dadkii muslimiinta ahaana fogaynay oo nacnay una hiilinay gaaladii. Marka aan idin su’aalo eh, dadka sidaas yeelay muslim iyo gaal kee bay yihiin? Arrinkaas waxaan ka sugayaa jawaabteeda culumada Islaamka.
Waxaan kale oo soo qaadanayaa aayadda 105aad Al-Baqarah oo uu Alle isaga oo nooga xog warramaya xumaanta gaalada uu noo sheeayo in aanay jecelayn in wax khayr ah uu Alle idin siiyo, hase yeeshee Alle isaga ayaa ciddii uu doono naxariistiisa siinaya, waana Alle mid deeq weyn oo aan wax yar bixin ee wax weyn bixiya.
Wuxuu kale oo Alle kitaabkiisa nooga reebayaa in aynu Yuhuud iyo Kiristaan garab ka dhiganno waayo iyaga ayaa midiba midka kale garab u yahay, markaas ayuu Alle si cad u sheegay in ruuxii idinka mid ah ee garabsada uu iyaga ka mid yahay, markaas ayuu Alle haddana noo caddaynayaa in uusan u jid bixinayn daalimiinta.  Waxaan aqristayaasha maqaaladayda ka codsanayaa in ay akhriyaan aayadaha kala ah Aala Cimraan 118, An-Nisaa 144, Al-Maa’iidah 57, At-Tawbah 23 iyo Mumtaxinnah 1. Waxaa jira aayado kale oo aad tiro badan oo uu Alle nogaga digayo cadaawadda gaaladu u qabaan dadka xaqa rumeeyey.
Walaalayaal kuwii u rixinayey dawladnimada ee sida maan gaabnimada ah u jeclaa dawladnimada, moodayey in dhibaatada iyo cadaabka Alle ee ummadda haysta dawladnimo looga bixi karo iyada oo maskaxdiisa uu Alle ka maqan yahay, waxaa maanta laga dhaxlay in xornimadii iyo sharafkii Islaamnimada ay u loogeen cadawgii Alle noo sheegay ee aan kor uga soo hadlay. Iyaga oo dhayalsaday waanada Alle uu doonayey in uu nagu tuso waxa noo roon, been aanay waxba ka jirin ayay ka kuwa dawladnimada uga kalsoon Alle ka dhigeen xog warrankii Alle naga siiyey gaalada xumaantooda.
Wixii horay ay noogu sameeyeen waan wada og nahay in badanna waan ka hadalnay, waxaase hadda soo biiray oo cusub arrinkii Kampala iyo Abdiweli oo ah wakiilka gaalada meesha u fadhiya.
Walaalayaal sida aad ka war qabtaan waxaa Kambaala ka soo baxay waxaa ka mid ahaa saddex qodob oo ah waayeel wax uu ku tago ayaa la tusaa ee tag toos looma yidhaahdo. Saddexda qodob waxay u kala dhigan yihiin sidatan:
Xukuumadda baarlaamaanku lama xisaabtamayo ee waxaa la xisaabtami doona hadda ka dib guddi la magacaabayo. Waxaa halkaas ka muuqata in xilkii uu lahaa baarlamaanku meeshaas ku joogsaday haddana uu xiran yahay baarlamaankii muddo sannad ku dhow.
Mooshin baarlamaanku ma keeni karo, ka dar oo dibi dhal, iyana waxaa laga joojiyey in ay wax talo ah dalka ay sheeganayaan in ay u yihiin dawlo aanay soo jeedin karin kana hadli karin danaha dalka.
Saxaafadda kama hadli karaan, iyana waxaa loola jeedaa in aanay wax awood ah ama mas’uuliyad ay ummadda ku mataal oo wax ugu sheegaan dadka aanay haysan ee laga qaaday.
Warbixintii ugu horraysay ee uu Mahiige ugu xog warramaya qurba joogta Soomaaliyeed waxaan hubaa in aad ku aragteen saxaafadda. Waxay ahayd in dawladdu nooga warbixiso, sidaas darteed dawladda waxaa madax ka ah Mahige.
Weli dad Soomaaliyeed ayaa waxay isu arkaan in ay jirto dawlad Soomaaliyeed, aanna weli garan in dalka la geliyey maxmiyad ayna dhici karto in aan dibba xornimo loo siin, ayna dhici karto in sidii la rabo laga yeeli karo oo loo kala qaybin karo Itoobiya iyo Kenya, arrinkaasna marka hor dadka loo bisleeyo in ay ogolaadaan.
Waxaa arrinkaas marag ka ah Abdiweli wasiirka 1aad wuxuu soo saaray 5 qodob oo wada tashi laga gelayo. Wada tashigaas baarlamaan ma ansixin, madaxweynena ma anxisin cid kalena wax lagama weydiin, waa arrin dhex martay taliye iyo loo taliye. Guddigii xukuumadda la xisaabtamaysay ayaa amar soo siisay Abdiweli isaguna wax kama beddeli karo waayo waa loo taliye, haddii kale waa la ruqsaynayaa.
Waxaan arkay Faroolaha Puntland oo markii Abdiweli iyo Shariif Sh, Ahmed isaga daba tageen aad u faraxsan, ka dib markii loo ogolaaday 11kii qodob ee uu horay Omar Abdirashiid ay isugu af garan waayeen, waayo waxay ahaayeen 11 qodob oo Soomaalinimada lagu kala dirayo.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay ka fiirsadaan waxa ay taageerayaan iyo waxa ay diiddan yihiin. Ilaah baan idinku dhaarshee ma sida ay beesha caalamku wax u waddo ayaynu dawlad iyo sharaf ku helaynaa. Mase idin la tahay in ninkii shalay dagaal oogayaasha hubka iyo lacagta siinayey in ay ummadda dulleeyaan markii midawgii maxaakiimta Alle noo soo adeejiyeyna nabaddii kala tuuray in uu maanta qayr idiin wado. Ninka u malaynaya in gaal qayr u hayo wuxuu ka been sheegay Alle oo dhahay :
مَا يَوَدُّ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ وَلَا الْمُشْرِكِينَ أَنْ يُنَزَّلَ عَلَيْكُمْ مِنْ خَيْرٍ مِنْ رَبِّكُمْ وَاللَّهُ يَخْتَصُّ بِرَحْمَتِهِ مَنْ يَشَاءُ وَاللَّهُ ذُو الْفَضْلِ الْعَظِيمِ(البقرة 105).
Waxaan uga bogan kartaa websiteka www.omersuleimn.co.uk

ex-G/le Omer Suleiman Ali                02/09/11

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>