View Ciid Muba...jpg in slide show

Hargeysa(ANN) Mulkiilaha shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil Xaaji Maxamed  Siciid Ducaale ayaa  dhanbaal ku wajahan munaasibada Ciida Fitriga u

 

diray  mujtamaca Islaamka, shucuubta ku hadla Afka Soomaaliga, gaar ahaan macaamiisha shirkiidiisa, isagoo yidhi,  “CIID  MUBAARAK”  Qoraal  saxaafada

loogu talo galay  oo uu ku saxeenayahay Gudoomiyaha Shirkada Dahabshiil  oo ku saabsan munaasibada Ciida ayaa u dhignaa sidan:
Ugu horreyn, naga guddooma, salaam iyo bariido huwan milge, maamuus iyo tix-gelin badan; As-salaamu calaykum wa-raxmatullaahi wa-barakaatuh.

 

View Dahabshii...jpg in slide show

Intaas kaddib, aniga oo ku hadlaya magaca maamulka, hawlwadeennada iyo wakiillada laamaha kala duwan ee shirkadaha Dahabshiil ku leeyihiin daafaha dunida, munaasabadda ciid-al-fitriga awgeed, waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ummadaha islaamka, shucuubta afka Soomaaliga ku hadasha iyo si gaar ah; macaamiisha aannu sharafta badan u haynno ee sida tooska ah ugu xidhan adeegyada kala duwan ee ay Shirkadaha Dahabshiil bulshada u fidiyaan.

Waxaannu Ilaahay ka baryaynaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubbanayd, cibaadadii iyo soonkii aynu bisha Ramadaan gudannay, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bashbash iyo barwaaqo.

Ugu dambaynna, waxaannu idin leennahay CIID MUBAARAK, KULLU CAAM WA ANTUM BILKHAYR. Hambalyo… Hambalyo… Hambalyo!

ALLAA MAHAD LEH

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group
Xaaji Maxamed Siciid Ducaale

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *