Muqdisho(ANN)Odayaasha la baxay golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa soo saaray qoraal dheer oo ay kaga hadlayaan xaalada khilaafka iyo muranka sida weyn u hadheeyay Xukuumadda taagta daran ee Somalia, qoraalkaa oo dhamaystiran oo ay soo gaadhsiiyeen

 

shebekada wararka Araweelonews, waxa ku sexeexan gudoomiyaha odayaasha Maxamed Xasan Xaad, wuxuuna u qoraanaa sidan;-“Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa kulan howleed isugu yimid maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2011, wuxuuna kulankaasi uga hadlay xaaladda Siyaasadeed, Bulsho iyo Nabadgelyo oo uu haatan dalka ku sugan yahay, gaar ahaan khilaafka ka dhex aloosan Hay’adaha Dowladda ee la xiriira sidii looga bixi lahaa ku-meel-gaarnimada khilaafkaasoo yimid markii uu Baarlamaanku sammeystay muddo kordhin saddexda sano ah uuna ku dhawaaqay inay dhici doonto doorasho uu ku soo dooranaayo Madaxweynaha Dalka iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo markii ay Xukuumadda oo heysata taageerada Madaxweynaha ay muddo hal sano ah ku kororsatay xilligeeda oo ka bilaabanaya marka uu dhamaado xilliga Dowladda ee ku aaddan 30ka Agoosto, 2011.  

Haddaba, Goluhu markuu si qota dheer uga dooday khilaafkan dastuuriga ah ee ragaadiyay Hay’adaha Dowladdala, dhinacya bandanna ka fiiriyay dhibaatada uu khilaafkani ku hayo dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed , sidoo kalena garwaaqsaday in uu fashil ku dhamaaday  isku-daygiisi ahaa iniuu dhexdhexaadiyo dhinacyada is-khilaafsan markii uu Dhinac ka mid ah Dhinacyada uu diiday inuu wax waanwaan ah ka galo mowqifkiisa, wuxuu falanqeyn dheer kaddib, soo saaray war murtiyeedkan:

Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye

    Markuu arkay  :     inuusan sharciga waafaqsaneyn Go’aankii uu       
Baarlamaanku ku kororsaday muddo 3dex sano ah
Xilligiisa isagoon tashi kala yeelan Madaxweynaha,
Xukuumadda iyo Dhaqanka iyo kala qaybsanaantii
Uu ka dhex abuuray Hay’adaha Dowladda iyo 
Baarlamaanka dhexdiisa.

    Markuu  arkay :    Waxqabadka dhinacyada badan oo ay ku tillaabsatay 
Xukuumadda tayada lihi muddadii yareyd oo ay
jirtay, gaar ahaan dhinaca Amniga iyo rajadii ay
shacabka Soomaaliyeed geliyeen guulihii isdaba-
joogga ahaa oo ay Xukuumaddu ka gaartay
dagaalladii ay la gashay Kooxda mucaaradka ah 
kuwaasoo ay dib uga xoreysay goobo fara
badan ee dalka.  

    Maarkuu tixgeliyay   :  Baahida loo qabo in Xukuumadda la siiyo fursad
ay ku sii xoojiso dadaalka ay ugu jirto nabad ku
soo dabaalidda dalka, sidoo kalena ay ku
dardargeliso howlaha qabyada u ah, isla         
markaana aanan loo baahneyn xilligan in 
laysku mashquuliyo doorasho iyo
qabasho shirweyne.

     Isagoo garwaaqsaday : Fashilka ku yimid dadaalkiisii ku aaddanaa
xalinta khilaafka ka abuurmay muddo
kordhintii uu Baarlamaanku sameystay kaddib
markii uu  Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo
taageerayaashiisu diideen dhhexdhexaadintii
Golaha halka dhinacii kale uu ogolaaday.

     Isagoo dhageystay :     Qeybaha kala duwan ee bulshada sida
siyaasiinta, culumaa’udiinka,
aqoonyahaannada, Haweenka iyo   
dhallinyarada, kana qaatay talooyin iyo
tilmaamo ku aaddan sida ugu haboon ee loo
soo afjari karo isqabqabsigan hareereeyay 
Hay’adaha Dowladda.

Wuxuu soo saaray soo-jeedintan 

1.    Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye wuxuu qabaa, uuna u soo jeedinayaa Golaha Ammaanka, Dowladda Mareykanka, Midowga Yurub, Kooxda La-Xiriirka Soomaaliya, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo IGAD in muddo kordhin  hal (1) sano ah loo sammeeyo dhammaan Hay’adaha Dowladda si ay geddigoodba ugu noqoto fursad ay ku qabyo-tiraan wixii howlo ahi ee qabyada ka ahaa sida nabad ku soo dabaalidda dalka iyo xasilintiisa, ka dhaqangelinta dalka Dastuurka Federaalka, tirinta dadka iyo doorasho gaarsiinta dadka Soomaaliyeed kuwaasoo gogolxaar u ah ka-saaridda dalka ku-meel-gaarnimada (transition) iyo sidii looga gudbii lahaa  Baarlamaankan tirada badan loona heli lahaa halkaas sano gudihiisa Baarlamaan tayo leh oo tiro yar oo ugu badnaan noqdo 210 xubnood.

2.     Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa dadaalka beesha caalamka ee ku aaddan xal u raadinta arimaha murugsan ee Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqayaa inay mideeyaan aragtiyadooda ku wajahan sii wadidda geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed isagoo rajeynayo inay tixgelin doonto soo-jeedintiisa.

3.    Goluhu wuxuu sidoo kale ka codsanayaa  Beesha Caalamka inay sii laba-laabto taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka ee KMG ah muddada halka sano ah ee soo socda si ay u fuliso howlaha u qorsheysan oo ay dalka uga saareyso ku-meel-gaarnimada-

4.    Goluhu wuxuu ugu dambayntii ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay la yimaadaan midnimo oo ay taageero hiil iyo hoobba leh la garab istaagaan Dowladdooda.                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                            
Nab. Maxamed Xasan Xaad
Guddoomiyaha Golaha”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *